Xulka Kubadda Cagta Faransiiska Oo U Soo Baxay Afar Dhamaadka Koobka Aduunka Xili Raphael Varane & Antoine Griezmann Ay Uruguay Ka Cidhibtireen Koobka Aduunka

0
15
Lawadaag Asxaabta...

Xulka qaraka France ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka aduunka kadib markii ay 2-0 ku garaaceen Uruguay iyada oo Raphael Varane iyo Antoine Greizmann ay guushan ku hogaamiyeen. Varane ayaa dhaliyay goolkii Uruguay xaalada ku xumeeyay dhamaadkii qaybtii hore laakiin goolka labaad ee uu Griezmann dhalyay ayaa xulkiisa France siiyay kalsooni buuxda.

Xulka qaranka France ayaa guushiisii ugu horaysay ka gaadhay Uruguay waxayna afar dhamaadka koobka aduunka u soo baxeen markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2006kii. France ayaa u muuqda mid aan la joojin karin ilaa hadda waxayna hadda sugi doonaan xulalka afarta ah ee ay la sii tartami doonaan.

SHIXIHII LABADA XUL EE KULANKAN:

URUGUAY (4-3-1-2): Fernando Muslera; Martin Caceres, Jose Gimenez, Diego Godin, Diego Laxalt; Nahitan Nandez, Lucas Torreira, Matias Vecino; Rodrigo Bentacur; Luis Suarez, Cristhian Stuani.

Kaydka Guillermo Varela, Carlos Sanchez, Cristian Rodriguez, Giorgian de Arrascaeta, Martin Campana, Gaston Silva, Maxi Pereira, Maxi Gomez, Sebastian Coates, Jonathan Urretaviscaya, Martin Silva.

FRANCE (4-2-3-1): Hugo Lloris; Benjamin Pavard, Raphael Varane, Samuel Umtiti, Lucas Hernandez; Paul Pogba, N’Golo Kante; Kylian Mbappe, Antoine Griezmann, Corentin Tolisso; Olivier Giroud.

Kaydka: Presnel Kimpembe, Thomas Lemar, Ousmane Dembele, Steven N’Zonzi, Steve Mandanda, Adil Rami, Nabil Fekir, Djibril Sidibe, Florian Thauvin, Benjamin Mendy, Florian Thauvin.

DAQIIQADII 40 AAD Ugu danbayn xulka qaranka France ayaa jabiyay ismari waagii ciyaarta ee qaybtii hore waxaana goolka muhiimada khaaska ah u lahaa xulkiisa dhaliyay Raphael Varane kaas oo si fiican uga faa’iideeyay kubbad caawin uu  Griezmann ku soo sameeyay kubbad laaga xorta ah oo uu soo tuuray.

Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 uu xulka France kula wareegay laakiin markiiba xulka qaranka Uruguay ayaa ciyaartiisa sare u qaaday si ay goolka barbaraha u raadiyeen inta ayna dhamaan daqiiqadaha koobnaa ee ciyaarta qaybteeda hore ka hadhsanaa.

DAQIIQADII 44 AAD Badbaadin & Lumin Layaab Leh!! Xulka qaranka Uruguay ayaa markiiba u muuqday in ay ka jawaabeen goolka looga hormaray waxayna heleen laba fursadood oo gool dhalin cajiib ah kuwaas oo loo haystay in mid kastaaba uu markiisa gool noqonayo.

Ugu horay Torreira ayaa kubbad ku soo karoosay xerada ganaaxa France waxaana darbo madax ah goolka France ku beegsaday Caceres waxayna u muuqatay in kubbadu ay booqanayso shabaqa laakiin goolhaye Hugo Lloris ayaa badbaadin wayn sameeyay laakiin Godin ayaa helay fursad ka sii cajiibsan markii uu isku dayay in kubbada soo booday uu shabaqa gaadhsiiyo balse ma rumaysan kartid qaabka kabtanka France ee Lloris uu amaan ugu helay badbaadinta cajiibka ah ee uu markale sameeyay. Qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid aad u adag ayuu xulka France awooday in uu 1-0 waqtigii nasashada ku baxo laakiin waxa u suurtogaliyay Varane oo goolkan u dhaliyay iyo waliba goolhaye Hugo Lloris oo joojiyay fursadihii ay Uruguay ciyaarta ugu soo laaban kartay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka Uruguay ayaa soo laabtay isaga oo ah kan cadaadis ugu badan saarayay France si ay u keensadaan goolka barbaraha laakiin France ayaa lug cabsi iyo difaacasho ugu joogay halka lug kale ay goolka labaad ku raadinayeen.

DAQIIQADII 61 AAD Xulka France ayaa si fiican u fuliyay qorshahooda ciyaarta waxayna heleen goolka labaad ee ay xalaada ugu sii xumeeyeen Uruguay waxaana markan goolka labaad u saxiixay Griezmann kaas oo caawin ka helay  Corentin Tolisso iyada oo natiijada ciyaartu isku badashay 2-0 ay France hogaanka ku dheeraysatay.Xaalada Uruguay ayaa noqotay mid sii cuslaatay kadib markii uu France kalsooni buuxda ka helay goolka labaad isla markaana ay bilaabeen in ay kubbada si buuxda lugta ugu dhigaan laakiin Uruguay ayaan wali ka quusan in ay ciyaarta ku soo laabto waxayna wadeen qorshe kasta oo ay goolasha ku soo yarayn karaan. Wax walba oo uu xulka Uruguay sameeyay si ay ciyaarta ugu soo laabtaan ayaa fashil ku dhamaaday waxayna la kulmeen guuldaradii ugu horaysay ee koobka aduunka taas oo sabab u noqotay in ay wareega siddeed dhamaadka ku hadhaan. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay France ugu soo gudbeen wareega afar dhamaadka koobka aduunka waana markii ugu horaysay ee ay wareegan soo gaadhaan tan iyo sanadkii 2006 kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here