“Xukuumaddii Hore Geellii Iyo Adhigii Way Naga Dhamaysay Oo Ardaydii Nusasaacihii Ayay Ka Dhamaysay, Shaqaalihii Iyo Ciidankii Ayay…….”..Boqor Buur Madaw

0
86
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, October 06, 2018- (Foore)- Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadaw ayaa Madal loo dhan yahay ka sheegay in Xukuumaddan Cusubi kaga wanaagsan tahay Xukuumaddii hore geedi socodka Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo uu sheegay inay si habsami ah u socoto halka uu sheegay in Xukuumaddii hore ee Siilaanyo oo xiitaa Ardayda Nusasaacahoodii urursatay aanay sidan wax  u wadani. Boqor Cismaan ayaa waxa uu yidhi “ Mar mar kaftanka in wax laga qiro ayaa wanaagsan, qoladii hore ee Waddada dhisaysay ee Xukuumaddii hore Madaxweyne Ku xigeenkiina waakan halkan fadhiyee,Cid aanay xiijin, Geelii waa lanaga dhameeyay, oo Adhigii waa lanaga dhameeyay, oo Ardaydiina Nusasaacihii waa laga dhameeyay,oo Shaqaalihii Mushaharkii waa laga dhameeyay oo Ciidamadiina waa laga dhameeyay, Dawladdan Dambe cidba wax waydiin mayso, wadadiina si Deg deg ah(Fast) ayay u socotaa, laakiin waxaan leeyahay Tiimka maamulayaa waa (Zero Corruption) Musuq Maasuq way ka madax banaan yihiin, waayo waxaanu ognahay Xukuumaddu 30% miisaaniyaday bixin jirtay inaanay ka badnayn, shacabkuna wuxuu bixin jirayna hadda uma bixiyaan”.

Waxa kale oo uu yidhi“Mar mar waxaanu nidhaahnaa Xukuumaddii wax saydh saydhi jirtay ee Jeebka wax lawada galin jiray. Tan haba la maagee, waanay idin dhibayn oo iyadda uunbaa wax qabanaysee, haloo aamuso ayaanu mar mar nidhaahnaa. Qoladan wadada wada runtii Iclaamka ayaa ku yar, saaxiibkay Xildhibaan Nac Nac Oo Majaraf madhan meel la taagan oo wax ay qabanayso aan la garanaynin Warbaahinta oo dhan ayuu u yeedhaa, Nimankan Miles Mileska dhisayna wali inay tusin laakiin raggayaga jooga ayaa xog ogaal ka ah runtii”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here