Xukuumadda Somaliland Oo Xorriyadooda Usoo Celisay Wasiiradii Ka Tirsanaa Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Ee Dhawaan La Qabqabtay

0
116
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 27, 2018- (Foore)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Muj Maxamed Kaahin Axmed ayaa Warbaahinta u sheegay inay si bilaa shuruud ah Somaliland u siidaysay labadii Wasiir ee Todobaadkii hore ay Ciidanka Bilaysku ku qabteen iyagoo ka dhoofaya Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa kuwaasi oo ka tirsanaa Xukuumaddii hore ee uu hogaaminayay Cabdi Illey ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee hadda Dawlada Faderalka Itoobiya Xabsi Guriga ugu hayso Adisababa.
Waxa uu Mr Maxamed Kaahin Axmed, tilmaamay in go’aankaasi ay qaaten saacadihii ugu danbeyay waxaana sidaa dib xoriyadooda loogu siiyay Ibraahim Aadan Mahad (Ibraahim-Sacad), wasiirkii hore ee waxbarashada, iyo Cabdijamaal Axmed Qaloombi, wasiirkii hore ee cadaaladda oo Shalay la sii daayey.
Labada wasiir waxaa laga qabtay garoonka dayaaradaha ee Hargaysa, 21kii bishan Agoosto, iyagoo doonayey inay halkaa ka dhoofaan,una sii jeediyay magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya. Sidoo kale, Golaha Wasiirada maamulkii dhacay ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa badankood hadda waxay yihiin kuwo aan shaqayn, ama shaqooyinkii ay hayeen isaga tegey, waxaana lagu eedeynayaa inay xadgudubyo gaysteen, inkastoo aanay jirin cid weli eedahaas maxkamad loo soo taagay.
Dhinaca kale, Dawladda Somaliland ayaa isla maanta dowlada Ethiopia ku wareejisay gaadiid lagala soo baxsaday maamulka DDSI kuwaa oo tiradoodu dhan tahay 12 baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodi-jeex.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here