Xubnihii Garabka Badbaadada La Baxay Oo Xisbiga WADDANI Dib Ula Midoobay Kana Tanaasulay Mawqifkii Sheegayna In Xal Laga Gaadhay Arimihii Ay Ka Boodeen

0
52
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, September 29, 2018- (Foore)- Xubno ka tirsanaa garab hore ula baxay garabka badbaadada xisbiga WADDANI oo taageeray Xoghayihii guud ee Hore ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka noqdeen dacwaddii ay xisbigooda ka gudbiyeen iyo cabashadii ay ka qabeenba kuna laabteen xisbigoodii oo ay sheegeen in wixii ay tabeen xisbiga dhexdiisa lagaga tashado oo xisbiga la ilaaliyo midnimadiisa si umadda iyo dalka loogu tudho.

Xubnahan oo hore u saluugay qaabka xilalka looga qaaday xubno uu ka mid ahaa Xoghayihii guud ee Hore ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii garabkaasi badbaadada la baxay ayaa waxa ay sheegeen in ay maanta ku laabteen xisbigoodii oo ay doonayaan in ay wada jirkiisa ilaaliyaan. Waxa ay sheegeen in la xalliyey tabashadoodii hore isla markaana ay aqbaleen ergo uga timid xisbiga oo ula timid in ay xisbigooda dib ula midoobaan taasina ay qaateen kuna qanceen. Xubnahan oo kala ahaa Cismaan Ibraahim Warsame iyo Xamse Xasan Cabdiraxmaan.

Ugu horrayn Xamse Xasan Cabdiraxmaan oo saxaafadda la hadlay waxa uu yidhi: “Waad ogaydeen oo Xisbigayagii WADDANI in muddo ah afkaarta aanu ku yar kala qaybsannay oo dhexdayada khilaaf koobani jiray. Markii xukunkii dacwaddii aannu isla galnay ay soo baxday waxa aanu xisbigii isla garanay in aanu wixii khilaaf ah ku dhammaysano gudaha xisbigayaga waanan dhammaysanay. Aniga iyo Cismaana ergadii naloo soo diray waan aqballay. Waxa aannu halkan umadda uga caddaynaynaa in aannu dacwaddii aannu xisbiga ka gudbinnay ka tanaasulnay oo aannu u tanaasulnay xisbiga iyo dantiisa. Wixii aannu tabanaynayna wax badan la isla qaatay in la saxo. Waddankeena maanta waxa ka taagan dhibaatooyin fara badan. Dhibaatooyinka ka taagan waxa ugu yar khilaaf xisbi kaasi ayaa ugu yar. Waad og tihiin oo Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag waxa yimid Cabdiweli Gaas. Wali may dhicin taasi oo kale. Somaliland waxa ay ku noqotay boog xun. Iyada oo Madaxweynaheenii Miyir iyo maanba qabo oo uu waddanka joogo oo uu talinayo. Arrintii Tukaraq baad ogtihiin oo wiiggan soo socda in ay aad u soo cusboonaato la filayo. Waxa aad ogtihiin in Ceerigaabo iyo Gobolkii Sanaag ay mashaqo ka dhacday oo nimankii ciidanka qaranka ka baxay ay soo galeen. Waxa laga yaabaa berrina in deegaanka Toon lagu wada hadli doono. Markii aannu dhinac walba eegnay annaga waxa ay nala noqotay in aannu wax badan ka tanaasulno oo xisbigayaga bal loo eerto oo la eego bal inuu isagu waddanka wax taro. Waxaanu ku dadaali in aannu noqono Mucaaradad wax dhista gacmo wada jirbay wax ku gooyaane. Wax na dhaama ayaanu waynayba. Waxa aannu arkaynaa waxa meesha ka dhacaya. Shalay bay ahayd markii Ina Cigaal (IHU) talada hayay in uu Muuse Biixi ku lahaa waar Ina Cigaalow yaad isku hallaynaysaa. Maanta anuu waxaan leeyahay waar Muuse Biixow yaad isku hallaynaysaa. Marka uu Guddoomiyihii Maxkamadda Sare uu Noqday adiga Inaadeerkaa. Janankii Ciidanka Qaranku uu noqday Inaadeerkaa. Saddexda wasiir ee ugu tunka waaweyni qoyskeena hoose labadeena yihiin ee aad waliba dadka caqligooda aad caayayso ee aad tidhi waxaan ku magacaabay Komishano”.

Dhinaca kale waxa isna halkaasi hadal ka jeediyey Md. Cismaan Ibraahim Warsame, Guddoomiyihii garabkan waxaanu yidhi: “Hadal la yidhaahdaa ma hadhin. Somaliland waxa ay maanta u baahan tahay Mucaaridad xooggan oo adag. Mucaarid xisbinimo ayay u baahan tahay. Waa innagu waajib in aan ugu hiilino dalkeena iyo umaddeenu In ay hesho Mucaaridad xoog leh. In xisbiyo xoog leh oo dhisma la helo ayaa muhiim ah. Ceebna ma aha in wax ka qaldamaan. Nidaamka aynu qaadanay iyo xisbinimada iyo dimuquraadiyada ayaa innagu cusub. Marka aynu qaan gaadhno ayaynu garan doonaa. Anigu waxaan ahaa garabkii toosinta Guddoomiyahoodii. Waxaannu umadda iyo saxaafadda u sheegaynaa in aannu dacwaddii ka tanaasulnay oo aannu umadda iyo xisbiga u tanaasulnay. Wixii xisbiga na dhex maray aragti bay ahayd. Sidan wax haloo dhigo iyo sidaa galoo dhigo ayay ahayd taana waannu ka dhamaysanay imika” ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Cismaan Ibraahim Warsame.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here