Xogo Sir Ah Oo Xaqiijiyey Cidda Loola Dan Lahaa Qaraxii Lagu Weeraray Magaalada Buuhoodle Iyo Cidda Ka Dambaysay Weerarkaasi Culus!

0
120
Lawadaag Asxaabta...

Buuhoodle, August 04, 2018- (Foore)- Qaar Ka Mida Warbaahinta Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa baadhitaan dheer ku sameysay ciddii loola dan lahaa qaraxii xoogaanaa ee habeen saddexaad ka dhacay Magaalada Buuhoodle.

Qaraxan ayaa la doonayey in lagu dilo Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal) oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa Shabaab kasoo goostay isagoo ku biiray Xisbigii burburay ee Xisbul Islaam oo uu hoggaamin jiray Xasan Daahir Aweys oo hadda ku jira xabsi guri ay gelisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna sugan Magaalada Muqdisho.

Cabdifataax Axmed Cali (Reegal) ayaa xisbigaasi kadib  la shaqeyn jiray ra’iisal Wasaarihii hore ee dawladda Xamar Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dalkaasi mar kasoo noqday Ra’isul wasaare sidoo kalana isku soo taagay xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya inkastoo uu xilkaasi ku guul darraystay.

Sidoo kale Cabdifitaax Axmed Cali (Reegal) ayaa markii dambe la shaqaynayey sirdoonka dawladda Soomaaliya ee loo yaqaano NISA, waxaana muddo badan dabagal ku hayey Xarakada Al-Shabaab illaa ay ugu dambayn weerarkan ku soo qaadeen.

Kooxda AL-Shabaab ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay dilaan Cabdifataax Axmed Cali (Cabdifataax Reegal) kadib markii loo soo diray nin naftii hure ah oo Habeenkii dhawatd isku qarxiyey Cabdifaraax iyo dad kale oo ku sugnaa Magaalada Buuhoodle wakhti ay salaad ka soo abxeen, wuxuuna qaraxaasi keenay inuu dhinto ninkii ay Al-Shabaab muddo badan raadinaysey.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxaa lagu dilay Axmed Maxamuud Doolaal oo ahaa wasiirkii amniga Maamulkii Burburay ee Khaatumo.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa seddex qof oo hadda lagu daawaynayo Cisbitaal kuwaas oo lasoo sheegayo inay ku jiraan xaalad aan sidaa u sii khatar ahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here