Xogaha Shirqoolkii Ay Somaliya 1989kii Muj: Idiris Cusmaan Ku Khaarajinaysay Sidii J. Khashogi — Qalinka: Cali Qoryoolay

0
177
Lawadaag Asxaabta...

Muj: Abiib Diiriye Nuur Timacade,waxa uu ka mid ahaa wefti SNM 80maadkii  oo howlihii abaabullka taageerayaashii ururka ku saabsanaa oo uu Hadraawi hogaaminayay,hadaba Abiib Timacad ayaan ka wareystay waxana uu yidhi,maalintii uu Idiris gurigiisii Nayroobi xaafadda Parkland nagu casuumay weftigayagii ,waxa uu noo diyaariyay dhowr gaadhi oo Range Rover ah,markii aanu duleedka magaalada gaadhnay,waxa noo muuqday,QASRI  oo buurdheer dhakadeeda ku yaala,markii aanu xaggii qasriga u baydhnay,waxanu aragnay boodh weyn oo ay ku xardhan tahay “WELCOME TO CAMP DIVID ” ,waxanu u qaadanay qasri ka mid ah,aqalada uu  madaxweynaha Kenya ku nasto,balse markii aanu gallay illeen waaba gurigii Idiris.Cusmaan Guray (sheedan xagga hoose ka akhriya)

Muj: Idiris Cusmaan Guray Waa Kuma?

Aan ku bilaabo su’aale,muwaadinoow maxaad ka ogtahay,taariikh halgameedkii Mujaahid Idiris Cusmaanguray Xasan Iimaan?, ilaahay if iyo aakhiraba ha ka raali ahaadee,Muj: Idiris Cusmaan Guray,waxa uu ku dhashay Hargaysa 1945tii,waxase uu ku barbaaray oo wax ku bartay magaalada Waampo ee dalka Kiinya,waxa uu ahaan jiray ganacsade milyandheer ah,Idiris marka laga reebo Hindida iyo ganacsatadii qowmiyadaha kale, waxa uu ahaa ninkii madoobaa ee ugu horeeyay ee dahab ka dalka Kiinya iyo macdaha qaaliga ah dibadda u dhoofiya (pricous stones),isaga oo lahaa shirkad weyn oo badeecadaha kala duwan ee Kenya dibadda u dhoofisa,oo la odhan jiray “Saudia Lifestock Agency”,shirkaddaasoo muddo dheer ayay xoolaha nool u  jirtay dalalka Carabta,btaasoo ugu dambayntii ay dowladda Kenya ruqsaddii ama liisankii ganacsiga ee Kenya ay kala noqotay.

Idiris Cusmaan oo ganacsade milyandheer ah noqday dhammaadkii 70aadkii iyo bilowgii 1980maadkii,waxa ay tujaaraddiisu la kowsaday,dareemadii kacsanaa ee gobanima doonka ahaa ee ugu horeeyay ee waayeelkii reer Somaliland cadhada iyo cududa bulshadooda ku mideynayeen,kuwaasoo dabayaaqadii 70meeyadii ay dhaqdhaqaaqyadoodu gudaha Somaliya,Kenya iyo dalalka Carabta ka socon jireen laguna asaasayay ururkii SNM,islamarkaana lagu abaabulayay taageerayaashii halgankii SNM.

Ashyaada nolosha dunida qaabeeya Eebbe laba laba ayuu ka dhigay,markii uu Eebbe kufriga abuuray,ayuu kufrigii Eebbe ku yidhi,waxan u baahanay walaal ikaba,dabadeedna waxa uu Eebbe sarreeye raaciyay oo la walaaleeyay bakhalynimada,hadana markii uu Eebbe abuuray Iimaanka ayuu Eebbe weydiistay oo u yidhi,waxan u baahanay walaal ikaba,dabadeedna Eebbe sarreeye,waxa uu ku lammaaneeyay Iimmaankii oo lala walaaleeyay deeqsinimada.qalbiga deeqsinimo ay ku jirto iimaana waa ku jiraa,qalbiga ay bakhaylnimo ku jirtana waa hbala inu kufrina ku jiro intuu doono ha le’ekaadee.

Mujaahid Idiris Cusmaan Guray, ma aanu ahayn,sida tujaarta nooca xun ee ISMAJALAYAASHA la yidhaahdo,waxana uu ku caan baxay deeqsinimo,dareen waddaniyadeed,naxariis badan oo Aadamaha Eebbe u geliyay qalbigiisa,karti badan,hal abuur ganacsi,xilkasnimo,isuxil qaamista danaha guud oo aanu qofna kula tartami karin oo xitaa hadday,maal bixin daayoo ay naf hurid gaadhaysaba.

Maxaad ka Ogtahay Doorkii ay Halgankii Xorreynta Somaliland ka Qaateen Dadkeenii Kenya deganaa?

Cadhadii dadweynihii reer Somaliland ee ka dhalatay khiyaamadii siyaasadeed ee  ay reer Somaliya la heleen 1960kii,kadib markii ay reer Somaliland calankoodii iyo dowladnimadoodu u hadiyadeeyeen qowlaysatadii reer Somaliya ayaa qoomamo iyo isciilkaambi badan gelisay waxgaradkii iyo waayeelkii Somaliland

Khaladkaas siyaasadeed shucuurtii iyo cadhadiisii xoogaynayd ayaa dabada ka riixaysay abaabulkii halgankii SNM,dabadeedna Idiris Cusman Guray waxa uu ka mid ahaa dadkii ay judhiiba sida weyn jidhkiisa u saaqday cadhadaasi ,waxana uu ka mid noqday shaqsiyaadkii abaabulka halganka hormuudka ka noqady ee abaabulay dadweynihii ku noolaa dalalka Tanzaniya,Kenya iyo Ugaandha, sida lagasoo xigtay Xasan Aadan Gudaal,halgamayaashii kale ee reer Somaliland ee dalalka bariga Afrika deganaa, waxa  ka mid ahaa Maxamed Jaamac “blaki”,Cabdilaahi Dhakaar,Ibraahim Cige Jaamac,Xaaji Baaruud Cige,Maxamed ismacaiil,Cabdiraxmaan Gadhyare,balse  Idiris waxa uu ahaa hormuudkii halgamayaasha uga wakiilka ahaa dhinaca ururkii SNM,waxana uu ahaa  geedka ugu weyn ee ay kusoo hiran jireen,xoogaggii hubka guranayay ee xeryihii ciidamadii SNM ku qulquli jiray,waxa uu ahaa tabantabaiyihii wufuuddii ururkii SNM ee abaabulka dadweynaha wadday iyo taakuleeyihii dhaawicii SNM ee lagu daweynayay cusbitaalkii gaarka ahaa ee uu Idiris u furay daweynta dhaawaca SNM ee Nayroobi ku yaalay.

Marka aad nin hiiloo

laga baqa hashiisiyo

halyeey diran dhashaabaa

Hooyooy lagu Xusuustaa

Marka aad hooloo marti hagar ka gelinoo

Hayntiisa quudhoo hor ilaahay gaystoo

Gurigiisa habaqluhu iskusoo halleeyoo

Mara huri dhashaabaa hooyooyo lagu xasuustaa

Aan kusii xigsiiyee,mujaahid Idris Cusmaan Guray,waxa uu ahaa,ganacsadihii ugu horeeyay markii la asaasay ururkii SNM 1981dii maalmo gudohood ugu deeqay 30,000 ee doollar ee ugu horeeyay,sidan waxa iisheegay mujaahid M.C.Cabsiiye oo asaasayaashii firfircoonaa ee ururkii SNM ka mid ahaa.

Idiris waxa uu ahaa nin deeqsi ah oo gacan weyn, oo dadka goolmoon gaaja tira,dadka gargaarka doonayana u hiiliya,kaasoo aanay bidixtiisu ogaan jirin,waxa ay midigtiisu bixinayso,waxana uu ahaa ninkii ugu qaadhaan bixin  badnaa ee SNM qaaradda Afrika u joogay,sidan waxan kasoo xigtay mujaahid Ibraahim Cige Jaamac oo gudoomiyihii laantii SNM ee dalka Tanzaaniya ahaan jiray.

Idiris waxa uu ahaa,ganacsadihii ugu horeeyay ee ururkii SNM uga furay Baan Nayroobi ku yaalay,  ACOUNT lacagaha loogu shubo,ama saqduuq dhaqaale kaasoo ay mujaahidiintii SNM aad u xusuusan yihiin waxtarkiisii,dabadeedna Idiris ayaa sanduuqaas ku shubay 20,000 doollar ee ugu horeeyay, sidan waxa lagasoo xigtay Xasan Aadan Gudaal,oo 80naadkii ilaa horaantii 90aadkii haystay xafiiskii ugu weynaa ee  UNntu Afrkada bari ku lahayd,waxan kasoo xigtay mareegta farshaxan.Idiris waxa uu noqday ganacsadihii ugu geesisanaa ee 5tii kornayl ee ugu hor tallaabay cagihiisa ugu yimmid Jigjiga1982dii Juun,isaga oo dhiirigelinaya oo taakulana u waday.

Shirqoolkii Fashilmay ee ay Somaliya ku Khaarajinaysay Muj: Idiris Cusmaan

Sida sadarada taraiikhda ku xardhan,dowladaha kelitaliska ahi,marka xukun xummadooda la noco ee ay ay jabhado hubaysani ka horyimmaadaan,waxa dhacda inay ragga jabhaddahaas hogaaminaya shirqoolo ay ku gummaadayaan ay u maleegaan,mararka qaarkoodna waxa dhici jirtay in jabhado badan halgamadooda sidaaa lagu dhiciseyn jiray,waxaynu xusuusanahay in jabhaddii SNM madax badan shirqoolo lagaga laayay,waxana ka mid ahaa Mujaahid Cabdiqaadir Koosaar,Mujaahid Aadan Shiine,Muj: Koodbuur,iyo rag kale kuwaasoo gacmo qarsoon lagu dilay,weliba iyaga oo joogo goobihii ay halganka ka wadeen,shirqoolkii Idirisna kuwaasoo la wakhti ahaa oo uu nooc ahaa.

Sidii aan kor kusoo sheegnay,Idiris Cusmaan Guray waxa uu hormuud u ahaa,muwaadiniintii reer Somaliland ee dalka Kenya deganayd,kuwaasoo markii lagu dhawaaqay ururkii SNM 1981dii shirar badan yeeshay kadibna go’aan ku gaadhay inay halgankaas SNM hurinayso ay si buuxda ugu qaybqaataan.

Magaalada Nayroobi ee caasimadda dalka dalka Kenya waxay ka mid noqotay goobihii ugu waa weynaa ee laga hurinayay halgankii SNM,hormuudkii dalalka Afrikada bari deganaa waxay sameeyeen sanduuq dhaqaale oo SNM laga kaalmeeyo, iyo guddiyo kala duwan oo xogaha siyaasadeed iyo talooyinka u gudbiya madaxdii ururkii SNM,inta badan guddiyadaasi waxay ku shiri jireen marka ay qaadhaadka SNM ururinayaan,gurigii weynaa ee Idiris ee xaafadda Parkland ku yaalay iyo gurigii Blaki,dhaqdhaqaaqyadaasoo dhammaantood uu Idiris Cusmaan hormuud ka ahaa,balse markii ay abaabulistii taageerayaashii SNMta ee ku xoogaystay bariga Afrika ay ogaadeen ciidankii sirdoonka Somaliya ee  NSSta la odhan jiray,waxay ka nexeen sidii degdega ahayd ee uu halgankii SNM ugu xoogeysanayay dalka Kenya.

Dowladdii Ina Siyaad Barre xaaladdiii wey ku adkaatay,waxana u caddaatay inuu Idiris Cusmaan yahay lafdhabarta halganka SNM,waxay ogaadeen lacagaha badan ee uu halganka SNM ku bixiyo,waxay ogaadeen shirarkii faraha badnaa ee uu qaban jiray,dhaawicii SNM ee uu daweyn jiray,madaxdii SNM ee uu soo dhoweyn jiray iyo dhaqdhaqaaqyadiisii joogtada ahaa ee uu ku taageeri jiri SNM,illeen Somaliya markaas dowlad weyn oo ay gacanteedu meelo fogfog gaadhi karto ayay ahayde,aad iyo aad ayay urogrogeen wixii ay Idiris ka yeeli lahayd, balse dowladdii Ina siyaad Barre shirar badan kadib waxay isku qanciyeen,haddii Idiris laga saaro SNM  inuu halganka ay SNM waddo uu dhabar jab weyn ku dhici doonto,waxay dowladdu qaadatay in  marka hore Idiris loo furo wada hadal siyaasadeed,beerlaxawsi waddaniyadeed, hogotusaaleyn ,gorgortan ah maalgelin dhaqaale iyo waxkasta oo lagu kasban karo, haddii Idiris xodxodashadaas iyo beerlaxawsigaas lagu kasban kari waayana,go’aanka labaad ee dowladdii Somaliya waxa uu ahaa in Idiris ladilo oo qudha laga jaro,sidaas ayaa go;aankii lagu gunaanaday.

Markii ugu horeysay waxa ku dhaqaaqay baadi goobtii Muj: Idiris,madaxweynihii Somaliya Ina Siyaad Barre qudhiisa maxaayeelay isaga oo Kenya booqasho ku jooga ayuu arrintii galay,dabadeedna waxa uu ku dadaalay bal inuu lakulmo Muj: Idiris,4 nin oo kala duwan ayuu u diray inay wada hadalsiiyaan Idiris,waxana la sheegay inuu ugu horeyntaa Ina Siyaad uu talefoon kula hadlay,ninka la yidhaahdo Xasan Aadan Gudaal oo  xafiiskiisii UNta fadhiya,waxa uu ku yidhi Jaallee Xasanoow waxa  ku salaamaa,Maxamed Siyaad,Xasan ayaa yaabay oo salaan diiran u celiyay,kadibna Ina siyaad ayaa ku ku yidhi,miyaad garanaysaa sababta aan maanta kulasoo hadlay?.maya madaxweyne ayuu ku yidhi,ina Siyaad ayaa yidhi,waxan doonayaa inaad ganacsadaha layidhaahdo Idiris Cusmaan aan la kulmo maxaayeelay jaalle waxan kuu sheegayaa inuu ninkaasi yahay nin rag ah,oo waddani ah oo Somali  wanaagsan ah,aad iyo aad ayaa ninkaas Idiris la iigu ammaanay,waxan doonayaa inuu ganacsigiisa ballaadhiyo oo uu soo gaadhsiiyo dalkiisii Somaliya,arrimo badanbaan doonayaa in aan ka wada hadallee isu kaaya keen ninkaas, ayuu ina Siyaad ku yidhi Xasan Aadan.

Waa kaaf iyo kaladheeri ninkii Xasan Aadan ayay arrintii jiq ku noqotay,maxaayeelay isaga laftiisu guddiga SNM ee Kenya ayuu xubin muhiim ah ka ahaa,wuuna fahmayaa waxa  Idiris uu Ina Barre ka doonayo,waxana uu ugu jawaabay,madaxweyne horta ninkaas aniga mawada hadallo,xidhiidhna ma lihin,waxase aan kuu tilmaami karaa,rag ay isneef ogol yihiin oo idin wada hadashiin kara,waxan filayaa inuu ninka dowladdaada dalkan Kenya u fadhiya ee safiirka Somaliya ah ee la yidhaahdo Cabdiraxmaan Xuseen ( Cabdiraxmaan dheere) uu idin kulansiin karo.

Ina Siyaad xogtii uu Xasan siiyay wuu ku farxay.waxana uu latashaday  safiirkiisii Kenya joogay ee  Cabdiraxmaan dheere la odhan jiray,waxana ugu waramay siyaasaddii dowladdiisa ee Idiris Cusmaan ku saabsan,waxana uu si fiican uga dhaadhiciyay muhiimadda ay leedahay baadi doonka Idiris,haddii ay la noqotana inuu safiirka laftiisu,ugu horeynta bal isagu ku horeeyo lahadalka Idiris oo ka dhaadhiciyo, fursadaha badan ee ay  dowladda Somaliya u hayso, kana codsado inuu madaxweynaha la hadlo oo la kulmo,iyo inuu qolada mucaaradka ee SNM  arrimahooda faraha ka qaado, haddiii ay suuragal noqotana inuu safiirku booqashada dambe ee uu madaxweynuhu Kenya ku  iman doono Idiris Cusmaan lakulamo oo ay wada hadlaan.

Safiirkii waxa uu ku dhaqaaqay siyaasaddii Idiris lagu baadi goobayay,Idiis ayuu casuumad gaar ah u fidiyay,Idirisna wuu ka ogolaaday inay kulmana safiirka,balse Idiris sidii Jamal Khoshogi ma aanu ogolaanin inay casuumaddu ka dhacdo safaaraddii Somaliya gudeheeda.wuuna ka foojignaan badnaa Khoshogi,casuumaddiina waxay ka dhacday guri nin shicib ah leeyahay oo magaalada Nayroobi ku yaalay,aad iyo aad ayay Idiris iyo ambasador Cabdiraxmaan Dheere u wada hadleen,laakiin arrintii waxay ku dhamaatay Idiris sidan

Idiris oo inuu Maxamed Siyaad la Kulmo diiday

Idiris oo diiday inuu aqbalo wada hadalka ay dowladda Somaliya ka codsanayso

Idiris oo diiday inuu frusadihii ganacsi ee loo bandhigay qaato

Idiris oo diiday inuu ka boxo ururkii SNM

Idiris oo diiday inuu joojiyo taageerada uu siiyo

Idiris  waxwalba oo wuxuu ka doortay,inuu caddaadis iyo caddaalad darradii  haystay dadkiisa ka dul qaado xoolihiisiina ku bixiyo xorreynta Somaliland iyo inay dadkiisu xorrnimo buuxda ku noolaadaan,maantana isaga oo caafimaad qaba waxa uu dhex taxtaxaashayaa dalkiisii jamhuuriyadda Somaliland oo xornimo buuxda haysta.(waana ilaahay mahaddii).

Dowladdii Somaliya qorsheheedii labaad ayay u gudubtay waxay ku dhaqaaqday shirqoolo lagu khaarajinayay Mujaahid Idiris,iyada oo dhowrka jeer shirqoolo dill ah loo maleegay kuwaasoo ay fulinayeen Gaangistaris kiinyaati ah,ilaahayna wuu ka badbaadiyay,dhowr jeer ayaa xabsiga loo taxaabay ilaahayna wuu kasoo saaray,

Tallaabadii ugu dambeysay ee Idiris lagaga takhallusayay waxay bilaabatay markii uu madaxweynihii Somaliya  telefoon kula hadlay madaxweynihii Kenya Danial Aramoi la odhan jiray,isaga si cad ugu yidhi,dowladdaydii waxa laga duminayaa dalka Kenya ee aad xukuntid,haddii ay colaadu halkaas idinka gaadhay,aniguna waxan bilaabayaa in aan dowladdaada dumiyo aniga oo jabhadihii NFD xornimadeeda u dagaalamayay ee aan hore u baabi’iyay dib u hubayn doono,waxadna maqli doontaa dayaanka rasaasta oo dadka ku nool magaalooyinka bari ee Kenya hurdada u diiday.

Maxaa dhacay madaxweyne ayuu Aramoi su’aalay Ina Siyaad?,kadibna waxa uu uga warramay khatarta uu ninka Idiris la yidhaahdo ku hayo jiritaanka Somaliya,waxana uu ka codsaday inuu ninkaas usoo gacangeliyo,Aromoina arrintaas khasbay ku noqotay.oo shirqoolkii Idiris lagu geynayay Somaliya ayuu si dadban ugu ogolaaday dowladdii Somaliya,iyaduna waxay isticmaashay dadkii taageersanaa kacankii Ina Siyaad ee Kenya joogay ,

Kadibna   dowladdii Somaliya waxay ku dhaqaaqday inay Idiris Cusmaan Nayroobi ka afduubto Nayroobi oo Xamar ku gowracdo, markiiba boliiskii Kiinya iyo ssirdoonkoodii ayayay Somaliya  adeegsatay  wayna qabteen oo xidheen Idiris,si ay diyaaraddii Kenyan Airways subaxnimada u saaraan oo Xamar looga dejiyo,Idiris waa qabtay,markii uu 2 maalmood xidhnaana subaxnimadii Axadda ahayd ayaa garoonkii diyaaradaha la geeyay,ciidankii dhar cadda ahaa ee waday Idiris waxay kusii diyaariyeen meel garoonka dhexdiisa ah oo gaar ah, si marka ay diyaaradda rakaabku fuulaan isagana aayar loo saaro.

Waxa magaalada kasoo gurmaday rag badan oo Maxamed Jaamac Blamki,Cabdillaahi Dhakaar,iyo rag kale ku jireen,kuwaasoo markii ay xagga sare ee fooqa terminaalka fuuleen shedda ka arkay Idiris oo meel gaar ah la istaajiyay,intay kor u dhawaaqeen ayay yidhaahdeen( Idirisoow diyaaradda ha fuulin waa lagu dilayaaye,Idirisoow diid inaad cagahaaga ku fuushid diyaaradda),dadkii garoonka dhex joogay waxa ka mid ahaa kabtankii diyaaradda Itoobiyan Airline duulinayay,Idiris ayay askartii xagga diyaaraddii Kenyan Airwyas  uriixeen iyaga oo xoog ku isticmaalahay,Idirisna wuu cartamayaayoo inay askartu jidhkiisa taabtaan oo ay u riixaan xagga diyaaradda ayuu ka dagaalamayaa,isaga oo luuqadda sawaaxiliga ku hadlaya ayuu samada ka qaylinayaa,ayuu leeyahay,la ima khasbi karo,Somaliya tagi maayo,sidan waa afduub iyo sidani waa argaxisanimo,intii ay Idiris iyo ciidankii Kenya dagaalamayeen ayaa waxa Idiris agtiisa yimmid ninkii hormuudka ama duuliyaha diyaaradda itoobiya  ahaa,murankiibuu dhegeystay,kadibna qunyar ayuu lahadlay duuliyihii diyaaradda Kenyan airways,waxana uu ku yidhi,sharciga caalamiga ahi sidan aad sameynaysid ma ogola,miyaad khasbaysaa muwaadinkan xorta ah?,kadibna duuliyihii Kenya ayaa khajilay oo dib u yara joogsaday.

Daqiiqadihii ay murmayeen Idiris iyo sirdoonki Kiinyaatiga ahaa ee Somaliya u gacangelinayay ayaa waxa garoonkii diyaaradaha soo galay,safiirkii Itoobiya ee Nayroobi fadhiyay oo aad u degdegayay kaasoo uu amar soo siiyay madaxweynihii Itoobiya ee Mangistu Xayle Maryam la odhan jiray,Safiirkii Itoobiya waxa uu la hadlay madaxdi sirdoonkii  Kenya ee goobta joogtay,waxana uu ku yidhi,ninkan Idiris la yidhaahdo,madaxweyne Mangistu Xayle Maryam ayaa igalasoo hadlay,oo  dowladda Itoobiya ayaa magangelyo siyaasadeed u fidisaye,haddii aad dalkiina ka masaafurinaysaan, imika saara diyaaraddaas garoonka ka duulaysa ee  Itoobiyaan Airline.

Sidaas ayuu Ilaahay laga badbaadiyay shirqoolkii gowriaca ahaa ee ay dowladdii Somaliya ugu talagashay bishii Juun 1989kii.balse dowladdii Kenya waxay baabi’isay ganacsigii iyo maalkii Idiris u ku lahaa gudaha Kenya iyaga oo ku qancinayay madaxweynihi Somaliya ee  dowladda Kenya ka dalbaday in loosoo gacangeliyo Muj:Idiris,nasiib wanaag Idiris maanta waxa uu dhex taxtaxaashayaa dalkii jamhuuriyadda Somaliland oo xor ah,mar ana la kulmay waxa uu igu yidhi,wixii aanu u halgamaynay waxa uu ahaa gobanimada,xornimada,calanka iyo dowladnimada dalka jamh.Somaliland,adduunyadu ma tobnowdo,waxyaalaha yaryar ee dhimmanna si dhakhso ayay reer Somaliland ugu guulaysan doonaan insha allaahu,

LASOCO QATBAHA DAMBE ….

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here