Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Afduubtay Shirkii Haweenka Ee Shalay Maansoor Ka Qabsoomay, Ajandihii Iyo Jihaddii Uu U Socdayna Ay Xukuumaddu Leexsatay

0
44
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, December 06, 2018- (Foore)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay afduubatay shirkii ay qaar ka mid ah Haweenka  Reer Somaliland ku qabsadeen Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in shirkaasi jihaddii ujeedkii ay Dumarku ka lahaayeen inuu u qabsoomo ay Xukuumddu leexsatay islamarkaana ay ka hor istaagtay inay Xisbiyadda Mucaaridku ka hadlaan shirkaasi, waxa kale oo uu ka hadlay Mooshinka ka dhanka ah Xisbiyadda Qaranka ee Golaha Guurtida yaala.

Xoghaye Khadar oo ugu horayn shirka Haweenku qabsadeen ka hadlay ayaa waxa uu yidhi sidan“Haweenka Wakhti badan ayay ku qaadatay qaban qaabinta Shirkan maanta u qabsoomay, Carqalado badan ayaa lagala horyimid, Xukuumaddu intii awoodeeda waxay isku dayday inay shirkaasi is hortaagto oo aanu dhicin, Waxa Illaa Xalay ay Xukuumaddu dagaal adag ugula jirtay si aanu haweenka shirkoodaasi u dhicin, Alxamdulilaah Shirkoodii wuu qabsoomay, way isku yimaadeen, Markii ay Shirka yimaadeena Dawladdu waxay ka afduubtay inay shirkoodii ka afduubto, Haweenku sidii ay doonayeen inuu shirkoodu u dhaco si ka duwan ay Dawladdu uga afduubto, Inaad arkayseen oo aad la socoteen magaranayo Laakiin Wasiirka Qoysku markii ay hadashay iyadoo aan shaqadeedii ahayn, Protocolkii ahayn ayaa waxay ku soo dhawaysay Wasiirka arimaha Gudaha”

Waxa kale oo uu yidhi“Waxay ugu talo galeen inay Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Qoyska iyo Madaxweynaha intaasi uuni hadasho, cod kale aan la maqal, laakiin waxa ka maqan Cod maanta ay xidhi karaan ama joojin karaa aanay jirin, Qalaanqalkaa lagula dhex jiray Haweenka aawadood umay suurtagalin inay Xisbiyada Mucaaridka u yeedhaan oo ay macsuumaan, Saaka (Shalay) subaxdii anigoo shir kujira ayay haweenka qaar ka mid ahi ilasoo hadleen oo ay iisheegeen inay shir leeyihiin, isagoo shir kalena isugayay waxaa aniga Khasab igu noqotay maadaama oo aan Ixtiraam weyn haweenka Reer Somaliland u hayo inaan shirka imaado, laakiin Xukuumaddu Waxay ka shaqaysay, haweenkana aan ka xumahay inay ka aqbalaan oo dhaliil ku ah inaanay siinin Miisaankii iy karaamadii ay lahaayeen Xisbiyada Qaranku, Haweenku haddii ay doonayaa Xuquuqdooda in loo daayo, ha ogaadaan in Xuquuqdu ay ka bilaabanto in Shirka yar ee aad qabsatay laguu daayo”.

Dhinaca kale waxa uu isla Shalay ka hadlay Mooshinka ay Xildhibaanadda Tirsan Golaha Guurtidu wadaan ee ka dhanka ah Muddo xileedka Xisbiyadda Qaranka,waxana uu yidhi “Xisbiyadda Qaranku intuu isla meel dhigayo inta laga dhigayo waa talo qaranka oo dhan u taala, Laakiintiise waxaanu aragnaa tii oo dooda taagani ay tahay Baarlamaankii oo Wakhtigu ka dhacay, Guurtida oo Fadhiday 27- Sanadood, in lasoo abaabulay Qorshe la doonayo in laga leexiyo majaraha Dooda rasmiga ah ee maanta taagan, Baarlamaanka wakhtigiisii wuu dhamaaday, Waa markii shanaad ee la kordhiyo, Dadka Shicibka ah marka aragtidooda la eego ma aaminsana inay Baarlamaan sharci ah yihiin, markaa taynu u baahanahay in wax laga qabto ee in laga shaqeeyo ay tahay waxa weeyi sidii loo abuuri lahaa in doorasho xaq ah oo xor ahi ay inuu qabsoonto”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Markaa marka Baarlamaan dadka si rasmi ah u matala oo Kalsoonidii dadka haystaa uu yimaado ayuu doodaha kale ee Arimaha Qaran uu gali karaa, Laakiin Baarlamaan Saddex iyo toban fadhiyay ee maanta doodoodu taagan tahay sidaynu u badelnaa, mashaariic kale oo sharci anigu inay furi karaan uma  arko, saxna maaha, Dooda taagani waxa weeyaan Madaxeweynihii ayaa ku fashilmay inuu doorashadii qabto”.

Ayuu Hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here