Xisbiga UCID Oo Sheegay Inaanay Xukuumaddu Masuul Ka Ahayn Dib U Dhaca Doorashada Balse Ay Dusha U Saaran Tahay Xisbiyada Mucaaridka

0
58
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, December 06, 2018- (Foore)- Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Muuse (Jiir) ayaa Xisbigiisa UCID iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyay inay mar kale dib u dhacdo Doorashooyinkii Wakiiladda iyo Goleyaasha Deegaanka, Waxa uu sheegay in Murankii kala dirista Komishanku uu sababay Dib u dhacaasi ku yimid Doorashooyinka.

Xoghaye Jiir ayaa sidan ka sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay Wariye Cabdisamad Giire oo ka hawlgala Telefishanka ERYAL, Waxaana Masuulkan hadalkiisii ka mid ahaa sidan “Doorashooyinka waxaa dib u dhigay Xisbiyadda Mucaaridka ah, Waliba Xisbiga WADDANI ayaa dib u dhigay, Xisbiga UCID-na wuu ku raacay ayaan odhan karayaa, Waayo, Waan sababaynayaa, Xisbiga UCID malaha Gole Deegaan iyo Gole Baarlamaan midna, markaa sabab uu u yidhaahdo Xubin halagu daro iyo laba Xubnoo halagu daro Midina majirto, markaa sababta ay tahay ee uu ugu raacay waa sababtaa, Labada Xisbi Mucaarid ayaana ka dambeeya inay Doorashadu dib u dhacdo, Xukuumadna kama dambayso, Madaxweynena kama dambeeyo, Marka Xaqiiqda laga hadlayo, Barteedana loo joogsado”.

Waxa kale oo uu yidhi “19-November Sanadkaa imika bilaabmaya ayay kaga egtahay Komishanka, Markaa Maxaa keenay hala kala diro, iyo hal hal halagu daro iyadoo lala sugi karayo Wakhtiga ay iyaga ka dhamaanayso, markaa Xisbiyada Mucaaridka ayaa dib u dhigay Doorashada, markaa haddii laba sanno lagu daro, sanadka hore ma bilaamaysee ka dambe ee inagu 16-jir sanayo ayay diwaangalintoodu bilaamaysaa, kuwanna majoogaan markaa. Inay dib u dhacdo doorashadu labada Xisbi ayaa sababteeda leh, asbaabo kale ayaa jira oo laga heshiin karayo oo wakhtigeediibaanay ahayn, masalan ta saami qaybsiga imika Wakhtigeedii maaha, wakhtiga ay tahay ta saami qaybsigu waxa weeyaan wakhtiga ay tani inaga dhamaato,ee ay ta kale bilawga ahay in shantaasi sanno dhexdooda intaanay doorashada kale iman in laga sii wada hadlaa”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Asbaabaha dib u dhigay doorashadu waxa weeyaan Hala kala diro Komishanka iyo Laba Xubnood haloogu daro Xisbiyada Mucaaridka intaasi ayaa doorashada dib u dhigtay,waa marka Illaahay laga baqayo ee aan Axsaabna laga baqayn, madaxweynena laga baqayn”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here