Xisbiga Haya Talada Itoobiya Ee EPRDF Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Madaxweynaha Kililka Shanaad U Jeediyey Madaxii Hore Ee Sirdoonka

0
101
Lawadaag Asxaabta...

Addis Ababa, July 14, 2018- (Foore)- Kadib waraysi uu bixiyay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) oo uu ku eedeeyay madaxii hore ee sirdoonka Itoobiya Mr. Gatachew, ayaa waxa eedahaasi jawaab degdeg ah markiiba shalay ka bixiyay Madaxda Xisbiga Talada Itoobiya haya ee EPRDF kuwaasi oo Madaxweynaha Kililka shanaad jawaab siiyay.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in dhibaatooyinka uu Madaxdii Sirdoonka Itoobiya ee hore Gatachew ku hayay deegaanka ay uga dacwoodeen xisbiga talada haya sida uu Cabdi Ilay hadalkaasi ku sheegay mar uu la hadlayay warbaahinta. Haddaba BBC-da laanteeda Afka Amxaariga ayaa waxa waraysi siisay Guddoomiye ku xigeenka xisbiga TPLF ahna madaxa xafiiska Xaruunta dhexe ee EPRDF marwo Fetlawarqi G/Igzaaber, waxayna tidhi:”Arrintan waxba kama ogi. Aniguna shaqsi ahaan wax uu ii sheegay ma jirto, mana ahaba inuu ii sheego. Cabashada noocan ah isaga oo sharciga iyo nidaamka raacaya xubnaha dowladda ee ay khuseyso inuu u gudbiyo ayay ahayd. Sidaa darteed arrintan waxba kama ogi. Arrimaha noocan ahna ma aha arrin guddiga fulinta loo soo bandhigo. Aniga waxba kama ogi arrintan”.  Sidoo kale waxaa nala hadlay Mr Saadaat oo ah madaxa arrimaha Isgaadhsiinta ee Xafiiska Xaruunta Dhexe ee EPRDF, wuxuuna yidhi: “Warbixinta madaxweyne Cabdi waan dhageystay. Mudane Cabdi shirarka wax cabasha ah oo uu si rasmi ah uga jeediyey malaha arrintaa waxba kama ogin. Madaxda sare ee dowladda inuu cabashadiisa gaadhsiiyey wey dhici kartaa. Ka xafiis ahaan laakiin arrintaa waxba kama ogin.”

Mustafa Cumar oo ah aqoonyahan u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, una dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka ayaa BBC-da sidoo kale uga warramay waxa ay isaga la tahay eedeynta kasoo baxday madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuuna yidhi: “Midda koobaad wuxuu doonayaa inuu xilka sii hayo uuna ka mid noqdo isbeddelka siyaasadeed ee cusub. Mr Getachew iyo shaqsiyaadka kale sirtooda oo aan bannaanka soo dhigo ‘kalsoonida la igu qabo ayaa badanaysa ayuu isleeyahay”, midda labaadna waxay tahay “Mr Getachew inuu Cabdi uu xilka ka qaado ayuu marar badan isku dayay, marka arrintan wuxuu u sameeyey waxaa dhici karta iney aarsi ka tahay.”

Mr Gatachew Asafe ayaa waxaa xilka ka qaaday dhawaan Ra’isulwasaare Abiy Axmed, waxaana lagu badalay mas’uul kale. Waxaa ay eedda Madaxweynaha Kililka shanaad ku soo beegmaysaa wakhtiga xilka laga qaaday oo maalmo koobani kasoo wareegtay inkasta oo aanu hore eedahaasi marnaba hore uga hadal Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar balse uu imika ku soo beegay in uu Mr. Gatachew ku eedeeyo in uu handadaad iyo caga-juglayn muddo badan ku hayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here