Xildhibaan Ibrahin Buubaa Oo Sheegay In Musuqa Dalka Ka Dhacay Intan Ka Badan Yahay Guddiduna Sii Wadi Doonto Ilaa Sharciga Lala Tiigsado Cidii Musuqa Gashay

0
114
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 11, 2018- (Foore)- Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Guddida Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in baadhitaanka ay wadaan aanu ku koobnayd cid gaar ah balse ay ka shaqayn doonaan in ay umadda u caddeeyaan cid kasta oo Musuq ku kacday isaga oo sheegay in Musuqmaasuqa dalka ka dhacay aanu ku koobnayn warbixintan ay soo saareen ee uu aad uga badan yahay.

Xildhbaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka jawaabayay qaar ka mid ah Su’aalo Saxaafaddu ka waydiisay shirkii jaraa’id ee ay Guddidani Golaha ku qabatay Khamiistii ayaa waxa uu yidhi:

“Ma Jirto cid gaar loo bar-tilmaameedsanayay laakiin qof kasta oo baadhistaasi wax kaga soo noqdaan waa la sheegayaa. Ma jirto Guddi kala qaybsani. Su’aasha kale ee meesha ku jirtaa waxa weeyi ma intan oo kali ah ayaa dhacday Musuqmaasuq. Maaha Musuqmaasuqa dhacay wuu ka ballaadhan yahay intan laakiin intani waa intii yarayd ee koobnayd ee ay Guddidu soo heshay. Baadhitaankuna muddo ayuu qaataa. Si dhib yarna looma helo dhukumantiyada halkaa laga akhrinayay ee aad arkayseen. Xisaab xidhku waa waajib golaha u yaalla. Sannadihii hore may jiri jirin hawlo noocan ah oo guddiyada noocan oo kale ahi gali jireen. Laakiin imika waxa jira xeer cusub oo guluhu ansixiyey oo Hanti dhawraha qarankuna ku shaqeeyo. Kaasaa waajibinaya in Guddidanina daba gal ku yeelato meel kasta ama cid kasta oo hanta qaran maamusha”.

Xildhibaan Buubaa oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Kambaniga Baraka Construction ee qandaraaska qaatay wuu noo caddeeyey lacagta soo gaadhay, waxa qaranka xisaabteeda ka soo gaadhay waanan haynaa iyada oo qoraal ah iyo iyada oo duuban oo cod ahba waanu haynaa. Waxa kale oo waliba guddidu soo xaqiijisay dibu dhaca mudadii lagu heshiiyey jeelka in lagu dhammays tiro in aanay dhinacooda ka iman ee ay ka timid dhinaca xukuumadda oo muddodii loogu taka galay in ay soo gaadhaan aanay soo gaadhin. Guddidu shirkadda dhismaha ma eedaynayso ee waxa ay ka rabaan uun sababta aanay u dhammays tiri mashruuca. Cidda eeddu ku socotaa waa ciddii shirkaddaasi heshiiska la gashay ee fulin wayday mudadii lagu heshiiyey. Guddidani guddi xukuumadi dabada ka waddo maaha. Xukuumaddana wada shaqayn gaara oo ka dhaxaysaa ma jirto. cid gaara oo ay u jeeddaana ma jirto. Cid madaxyo waaweyn iyo cid madaxyo yaryar oo Guddidu doonayso in ay qabqabto ama ay wax ka sheegtaana ma jirto. Laakiin waxaanu kuu sheegnay uun hantidii qaranka masuul kasta oo xil haya iyo kuwa xilka hayaba cid kasta oo ka hor timaad waajibkaa dastuuriga ahba in ay dhib tahay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaanku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here