“Xildhibaan Golaha Wakiilada Ka Tirsanaa Ayaa M/Siilaanyo Ku Yidhi 2016-Kii Mudane Madaxweyne Waxa Aad Abuurtay Illaa 10 Milyaneer Oo Cusub”

0
99
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 13, 2018- (Foore)- Guddoomiyaha Guddida Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Naasir Xaaji Cali Shire ayaa sheegay in baadhitaanka Musuq ee ay sameeyeen ay ku bartilmaameedsadeen 5 Madax xisaabeed oo ugu waaweynaa xisaab xidhkii sannadka 2016 oo qiimaha lacageed ee ku sugnaa ahayd 26.6 Milyan oo Dollar taasi oo ay ka dhex waayeen 11 Milyan oo dollar isaga oo sheegay dhinaca kale in ay wada shaqayn wanaagsan ka yeesheen arrinkan Hanti dhawrka guud ee qaranka oo ku shaqaynaya siyaasadda Madaxweynaha ee la dagaalanka Musuqa.

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo la hadlay Barnaamijka Hal-adayg ee Telefishanka HCTV oo uu ku Waraystay Agaasimaha Horn Cable Tv Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) ayaa waxa uu umadda u caddeeyey baadhitaanka ay ka soo saareen warbixinta, waxaanu yidhi: “Waxaanu soo qaadanay xisaab xidhkii 2016-kii. Waxa aannu abbaarnay shan Madax xisaabeed (Sub-Heads) oo ah madaxyada xisaabaadku ka baxaan. Shantaa Madax haddii aan magacyadooda sheego waxa la yidhaahdaa Khasnadda Guud, 2%-ka Gobolada Bari, Madaxa Dhismayaasha cusub, Madaxa daymaha qaranka iyo madaxa iibsiga Hantida Raagtay, shantaa madaxa waxa ku jirta lacag gaadhaysa 25.6 Milyan oo Dollar. Waana meelaha lacagta ugu buurani ku jirto. Mid walba waxaanu la kaashanay Hanti-dhawraha Guud iyo Xisaabiyaha guud. Annaga oo qodob qodob u eegnay maxaa lacagta la kharash gareeyey yay ku baxday. Waxa haddaba halka ka soo baxay magacyo iyo shirkado iyo dad gaar ah oo loo qoondeeyey in ay hawlo ku qabtaan. Sidaa darteed lacago laga saaray shantaa madax xisaabeed ayaa la kharash gareeyey. Waxa aanu waliba abbaarnay meelaha muhiimka ah meelaha la taaban karo sida dhismayaal ayaanu eegnay. Sida Iskuulo ama garoomo,

Mar wax laga waydiiyey 11 Milyan oo Dollar oo ku dhex lumay shantaasi madax xisaabeed (Sub Head) ee ay baadhiska kus ameeyeen waxa laga yeelayo ayaa waxa uu yidhi: “Arrintaasi markii aanu soo ban dhignay wixii ka dambeeya ciddii aanu eedaynay waxa ay u taallaa Hanti dhawraha guud iyo hay’adaha garsoorka si ay tallaabo uga qaadaan oo ay baadhaan xisaabtan meesha loogu tala galay in ay ku baxdo. Waxa aanu qabnaa in baadhista musuqmaasuqaasi iyaga u taallo oo ay kubaddii dhinacooda taallo. Shalay oo u dambaysay ayaanu gabogabaynay oo aanu gaadhsiinay una gudbinay warbixintaasi garsoorka. Annagu ma lihin awood sharciyeed oo aanu qofka maxkamad ku soo taagi karno. Markaa Guddidu waxa ay soo jeedinaysaa in Hanti-dhawraha guud iyo xeer Ilaaliyaha qaranku dacwado iyo baadhis ku soo oogaan liiska taxanaha ah ee aanu ku soo ban dhignay halkan iyaga oo shaxaysan”.

Mar Xildhibaanka la waydiiyey 11-ka Milyan ee la lunsaday xagga loo raacayo ayaa waxa uu yidhi: “Waa su’aasha ugu muhiimsan ee meesha taalla. Hantida luntay oo aan ahayn Miisaaniyaddii 2016 oo kali ah ee haddii dib loo raaco 2015 illaa iyo 2014, 2013 intaba lacagbaa ku luntay. Waxa ku luntay oo aan warbixintayada ku darnay in lacago saa’id ah oo soo baxday aanay ka muuqanba xisaabta. Marka xisaabta la xidho waxa soo hadha lacago saa’id ah, lacagtaasi oo ahayd in sannadka dambe lagu daraa kama muuqato lamana arag meel ay marto. Markaa waxa loo baahan yahay haddii aynu qaadanayno nidaamkii Nelson Mandella oo ahaa in qof kasta oo dalkan dambi ka galay uu halkaa soo istaago oo uu yidhaa I saamaxa. Sidaa darteed liiska dadka aanu ku sheegnay ee hantida umadda cunay ha soo istaagaan oo umadda haku yidhaahdaan dambiile ayaan ahay ee i saamaxa. Haddii baadhitaan intaa ka badan la sameeyo waxa soo baxaya Malaayiin Doollar oo la cunay. Waxaan xasuustaa Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa maalin isaga oo la hadlayay Madaxweyne Siilaanyo waxa uu yidhi mudane Madaxweyne waxa aad abuurtay illaa 10 Milyaneer oo cusub baad abuurtay”.

Xildhibaanka oo la waydiiyey in wax dhibaato ahi ka soo gaadhay eedahan ay soo jeediyeen ee Musuqmaasuqa ah maadaama aanay dadku wali la qabsan baadhitaanada noocan oo kale ah ayaa waxa uu yidhi: “Haa, intii aan imika hawshan ku jiray, nambarkayga ayaa la helay waxa la iga soo garaacay Nambar aan magac lahayn “Unkown” waa la ii hanjabay oo la iigu hanjabayo haddii waxa aad waddo aanad ka bixin tallaabo ayaanu kaa qaadaynaa. Maan garan illaa haddana ma garanayo cidda ka dambaysay hanjabaaddaasi. Iskumaan dayin in aan la xidhiidho shirkaddii taleefanada. Waxa aan isku qanciyey dhimashada iyo nolosha labadaba ILAAHAY SWT ayaa haya. Waxaana ii sharaf ah in aan dalkayga u shaqeeyo”.

Ugu dambayn Guddoomiyaha Guddida daba galka Hantida qaranka Mudane Naasir Cali Shire oo su’aal laga waydiiyey in ay Madaxweynaha ka guddi ahaan arrintan ka wada socdaan iyo in kale waxa uu yidhi: “Horta anuu Madaxweynaha ka hadli maayo laakiin Hanti dhawrihii ka horreeyey kan imika Jooga ee Maxamuud Dheere waxa uu ahaa Hanti dhawre aan gudan waajibkii qaranka ka saarnaa. Waa la wada ogyahay. Annaga oo Guddi ah iyo isagu hore ayaaban isugu dhacnay. Waxa uu noqday Hanti dhawre aan annagana nala shaqaynayn isna aan meel kali ah baadhis ku tagin. Waddanka oo dhan meeel kali ah baadhis kumuu soo samayn. Laakiin Hanti dhawraha imika joogaa waxa aanu shir ku galnay oo labadayada dhinacba ka go’an in aan samayno taasina waa laga yaabaa in Madaxweynuhu ku raacsan yahay. Waayo ololaha ayuu Madaxweynuhu ku galay in uu Musuqmaasuqa la dagaalamo”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Xildhibaanku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here