Xildhibaan Foosiya Xaaji Aadan Oo Soo Jeedisay In Doorkan Wadahadalada Somaliland Iyo Soomaaliya La Isku Hor Fadhiisiyo Oday Dhaqameedka Labada Dal + Sababta Ay Sheegtay.

0
44

Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya, Deegaan ahaanna kasoo jeeda Somaliland ayaa soo jeediysay in wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Somaliland lagu wareejiyo oday Dhaqameed labada Dal.

Fawsiya ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka ee labada dinac la siiyo fursad wanaagsan, meel ka mid ah dalka oo nabad ahna ay ku wadahadlaan, wixii ka soo baxana lagu wareejiyo siyaasiyiinta.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shir horudhac u ah kulanka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo ka dhici lahaa Ankara uu baaqday kaddib markii waddamada UK, Mareykanka iyo Sweden ay ka caga jiideen kor joogteynta shirkaas oo la qorsheeyay in 18-ka March uu ka dhoco Ankara.

Waxaa kale oo iyana soo baxaya in dowladda Federaalka ah ay wadahadallada u xil saartay rag dhallinyaro ah halka Somaliland ay Turkiga u dirtay Wasiirkeeda arrimaha dibadda Yaasiin Faratoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here