Xil. Cartan Oo Ugu Baaqay Madaxweynaha Inuu Ka Hortago Wax Uu Ugu Yeedhay Fidmo Ka Dhalan Karta Ruqsado Uu Wasiirka Hawlaha Guud Ku Faasaxay Buuraha Berbera

0
89
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, Aug 09, 2018- (Foore)- Xildhibaan Siciid Cartan oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ka digay waxa uu ugu yeedhay Fidmo ka abuurmi karta Dhagax qaali ah oo aan noociisa la garanayn oo maalmihii u dambeeyay si xawli ah looga daabulayay buuro kuyaala Gobolka Saaxil kaasi oo uu Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi uu Dad gaar ah Ruqsi ugu siiyay.

Xildhibaan Siciid Cartay Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu arinta Dhagaxaasi la socdo islamarkaana uu ka hortago inaanay iska hor imaado ka ka dhicin,isagoo sheegay inay arintaasi aad uga cadhaysan yihiin dadka Masaakiinta ah ee Degan Buurahaasi oo ay yaab iyo amakaag ku rideen Warqado ka soo baxay Wasiirkaasi oo lagu fasaxay in Dhagaxa buurahaasi dad gaar ahi dibada u dhoofsadaan.

Xildhibaanka oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi: “Sida Dastuurka Qaranku Sheegayo Waa hanti Qaran,Waana Hantida Qaranka ee Kaydka ah, Marka la bixinayana waa in la ogaado Buurta Waxa kujira, Macdanta iyo Noocyada ay ka kooban tahay ee Buurtaasi ku jira,Wasaaradda Hawlaha Guud uun maahee waa inay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartuna wax kala socoto weeyi,waan maqlay Gobolkaasi Saaxil Waraaqo lagu bixiyay,oo Buuro dad Ruqsad loo siiyay,sida warqadda ku qoran ee aan arkayay waxay leeyihiin Shirkadahaasi waxay dhisayaan Madaarka iyo meelo kale, Waraaqahaasi badani waxay keenaysaa inuu Nin waliba Buur sheegto,waanna dhibaato runtii iman doonta,waxaana iman doonta in nin Waliba Cagafyo soo kaxaysto oo uu Xoog ku ku gurto Buurta dadka masaakiinta ahi degan yihiin,taasina waxay keenaysaa iska hor imaadaa,”.

Waxa kale oo uu yidhi: “Xaajadani mid Ugub ah maaha,Waxaa jirta in Berbera Baryahanba laga dhoofinnayay, Dhaggaxaasi meel uu u socdo iyo noocuu yahay xataa wax cad maaha,Dekeda ayaa laga dhooiyaa oo Koontiinaro ayaa lagu rararaa, runtii Xamaaliga Berbera ayaa warka laga helaa, Dhagaxaasi muuqaalo laga soo duubay iyadoo Dekeda Lagaga rarayo Internet-ka ayuu ku jiraa, markay Xamaaligii yaabeen Dhagaxan Qaaliga ah ee Hantidii Qaranka ah iyo sida loo rarayo ayaa waxa ay ku rarayeen Hal dhegyo ay ka mid ahaayeen “Muuse Ma Ogyahay”, iyagoo ujeeda Madaxweynaha Qaranku ma ogyahay,markaa waxaan leeyahay waan inay Xukuumaddu ogaataa Dhagaxaasi,oo aanu Wasiirka Hawlaha guud uuni iska bixin waraaqo, kuwaasi oo iska hor keen  iyo Muran dadka dhex dhigi kara”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi: “Imika illaa Shan buurood ayaa la sheeganayaa,qaar horena dad ayaa sheeganayay,Waxani waa hantidii Qaranka,waxaanu leenahay Wasiir Jooji Waxani Umadda Khilaaf ayay ku keenayaane. Dawladii hore Dhulkii ayay iibisay,Tanina waxay la soo baxday Xaajadaasi ugub ka ah,waxaananu leenahay waar Arinkani Fidmo ayuu keenayaa ee yaanu inagu fidin, ee hala joojiyo, Buuruhuna ha noqdaa hanti qaran, Qofkii muraad ka yeeshaana awalba wuu ka raranayay, Dhagaxaasi la dhoofinayana waa in la hubiyaa xaajada loo dhoofinayo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here