Xikmadda Ku Jirta Ilmada Haweenka Ka Soo Daadata Marka Ooyaan Iyo Sida Aanay Raggu Uga Warqabin

0
136
Lawadaag Asxaabta...

Ninkii Caanka ahaa ee Shakespeare ayaa yidhi wakhti hore marka ay gabadhu Oydo ninka dagaalkiisa ayaa Qabooba, Alexander Dumas ayaa isaguna yidhi Yaanay ku sirin Oohinta gabadhu maxaa yeelay indhahooda ayay ku Tababareen Oohinta.

Hadaba Daraasad Cusub oo lasoo saaray ayaa lagu Sheegay in dumarku aanay u Ooyin daciifnimo ku jirta laakiin ay dumarku yihiin Qaar adag Oohintuna ay tahay hub ay u adeegsadaan Ragga si,ay u helaan waxa ay doonayaan iyadoon meeshaa khasaare ka dhicin, culays kalena aanay ka soo gadhin gaadhista yoolkooda.

Daraasaddan ayaa lagu sheegay in Raggu marka uu buuq ka dhex dhaco Xaaskiisa haddii ay gabadhaasi Ooydo uu ninkaasi dego. Daraasadda ayaa sheegtay in Ragga Qaarkii ay dareemaan niyad xumo marka uu ogaado in gabadhaa Oohinteeda uu isagu sabab u ahaa, kadibna is qoomameeyo aadna uga walaco isaga oo isu arkaya in uu sabab u yahay dhibaatada soo gaadhay xaaskiisa isaga oo dhib weyn u arka Ilmahada dhabanadeeda qoysay.

Daraasaddan ayaa sheegtay in Gabadha xariifadda ahi ay tahay mid marka ay ku habboontahay Ooyda ee aanay ahayn mid mar walba iska Ooyda. Sababtoo ah daraasaddan ayaa sheegtay inay jiraan marxalado uu ninku doonayo inuu gabadhiisa ay kawada xaajoodaan arrimo muhiim ah oo Reerka ku Saabsan kuwaas oo u baahan Caqli iyo Fikir ee aan u baahnayn Oohin.

Daraasaddan ayaa sheegtay in Hubka noocaas ah ee dumarku aanu Faa’iido u keenin marka loo Eego Ragga qaarkii oo ah qaar aan iyagu kaba helin ama aan jeclayn Oohinta.

Daraasaddan ayaa lagu soo gaba-gabeeyey in wakhtiga adag uu ninku u baahan yahay gabadh adag oo ninkeeda ku kalsoon yahay kartideeda. Laakiin Oohinta badan ay ku keenayso in ninkeedu uu dareemo in aanay ka saareyn wakhtiyada adag. Dhinaca kale haweenaydu waxa ay mar walba jeceshahay nin raganimo leh gaar ahaan u adkaysta dhibteeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here