Xigmaawigii Xiiqsanaa. Q..2aad- Qalinka: Cali Cabdi Coomay

0
213

Maalintii labaad ayuu nagu soo noqday, markaasuu sidii dhaqanka u ahayd halkiisii ka miisaay dhacdooyinkii uu waxna soo akhriyey waxna sheeko dhagoolka ku soo maqlay. Markaasuu yidhi horta intii hore wax ma ka faa’iideen, nacam ayuu si wadajir ah ugu afcelinayey, waa hagaag ayuu isku qanciyey. Markaasuu bilaabay oo uu yidhi”

= Qofka caqliga wanaagsan waxa lagu gartaa. Kow, wuxuu maqlo kuma kalsoonaado ee wuu baadhaa. Laba, wax kastana ma dhaleeceeyo ilaa uu ka gun gaadho. Saddex, hadalka qofka wuu dhegaystaa, markuu fahmo ayuu asluub iyo aqoon ku jawaabaa.

Haddana wuxuu ku xigsiiyey shan dhacdo oo kale, mar kasta oo uu sheekada wado dhallinyarta goobta fadhida fari ma dhaqaaqayso oo waxaad moodaa inay roob ka jirsayaan. Waxaanu yidhi”

= Badhtamihii sannadkii 1962-kii ayey Hargaysa yimaadeen Fannaaniin suudaan u dhashay, oo bandhig faneed ka dhigay Hargaysa. Dhallinyaradii reer Hargaysa ayaa buux dhaafiyey goobtii bandhiga. Dumar badan ayaa dahabkoodii ugu deeqay fannaaniinti mashraxa joogtay, markay dib ugu noqdeen ragoodii ayey u sheegeen inay dahabkii bixiyeen, halkaasina qoys burbur ayaa ka dhacay. Dumarkii ayaa ku hal-qabsaday” maanaa soodaanta keenay.”

= Ninba waa mare mus ma kula koray. 1896-kii dagaalkii Adwo talyaaniga ayaa six un loogu jabiyey oo Itoobiya ayaa adkaatay, afartan sanno ayuu talaanigu soo tabaabushaysanayey, waxaanu 1936-kii soo qaaday dagaal aargoosi ah, oo Itoobiya si  xun loogu jabiyey.

= Nin masaajid salaad tukinaayey ayaa qur’aankii khalday, markaasuu saxay kii safka hore ku jiray, haddana mar kale ayuu khalday, haddana mid kale oo kii hore ay ilmaadeer yihiin ayaa saxay, markaasuu is-hayn kari waayey mid ninka salaada tukinaayey ay ilaamaadeer yihiin oo uu yidhi” waar ninka u kala hadha”.

= Daayeer dhalo ah iyo cago-baruur (Libaax dhal ah) ayaa wada ciyaaray ka dib Libaaxii ayaa cago-baruurkii ku yidhi xageed tagteen shalay, waxa ay ku yidhaaheen waxaanu la ciyaaraynay Daayeero dhalo ah. Libaaxii ayaa ku yidhi idinka ayaa na cunto tiray caawa, beri markay idiin yimaadaan cuna. Daanyaarkii ayaa dhalihiisii xageed shalay tagteen, waxa ay ku yidhaaheen cago-baruuur ayaanu la ciyaarynay. Daayeerkii ayaa ku yidhi waad sigateen  way idin cuni gaadheen. Beri geedka ka fuula oo ha u soo degani. Cag-baruurkii ayaa yimid iyada oo Daayaarki dhasha ahaa geedka fuushan yahay. Markaasuu cago-baruurkii yidhi” soo dega aynu wada ciyaarnee” Daayeerkii dhasha ahaa ayaa ugu jawaabay” nimbi hooyadii dhegta wax ug soo sheegtay”.

= Wiil la dhashay 8 hablood oo dhirbaaxo iyo laag ku bartay hablaha badan, oo aan weligii dhirbaaxo laga jarin ayaa kibray, waxaanu u yimid dhallinyaro meel fadhida. Waxaanu ku yidhi yaa iska kay celinaaya. Mid ayaa u baxay oo dhawr jeer dhulka dhigay. Markaasuu ku calaacalay tan may ii dambaysay.

= Oday Soomaali ah oo aan weligii arag nin cad, ayuu aroor u yimid nin caddi oo sahamiye ahi. Odaygii ayaa la fajacay middabka ninkan, waxaanu u maleeyey inuu cudur halis ahi hayo oo diirka sare kaga dhacay oo middabkii ka siibay. Markaasuu wiil uu dhalay oo ka ag-dhawaa ku yidhi” waar intaan geela caano uga soo lisayo ninkan martida ah ee maqaarku ka maqan yahay ka sii ilaali shimbiraha si aanay hilibkiisa u cunin”.

= Horraantii sannadkii 1964-kii waxa isku beegmay dagaalkii xudduudaha ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya iyo doorashadii madaxtooyada ee Soomaaliya, markaasay warfidiyeennadu weydiiyeen Raysal-wasaare Cabdirashiid Cali Sharmaarke, bal waxa laga yeelayo labadan dhacdo, markaasuu ku jawaabay” gacanta midig waanu ku dagaalami, gacanta bidixna codka ayaanu ku ridi”.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

 Calicoomay@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here