Xiddigii Musaaracada WWE Ee KANE Oo Loo Dortay Maayar Magaalo Kuna Faanay Magaca Musaaracadu U Soo Hoysay

0
93
Lawadaag Asxaabta...

Xiddigii musaaracada adduunka WWE ee magaciisa uu ku caan baxay in laga baqo marka uu fuulo xayndaabka lagu cayaaro legdanka, ayaa loo doortay inuu duq ka noqdo magaalo ku taalla Tennessee. Waa halyeygii wajiga soo xidhan jiray ee xoogga weynaa ee ololka lagu xayaysiin jiray. Glenn Jacobs, oo dadka xiiseeya legdanka ay u yaqaanaan Kane, wuxuu ku guulaystay seddex meelood oo laba codadkii laga dhiibtay Knox county, isagoo ka adkaaday Linda Haney oo ka socotay xisbiga dimuquraadiga ah waxaanu sidaa ku noqday Maayarkii ugu horreeyey ee degmadaasi soo mara ee ka yimaad bahda ciyaaraha.

51 jirkan ka socda xisbiga Jamhuuriga wuxuu ku tartamay arrimo ay ka mid yihiin shuruucda canshuuraha, kaabeyaasha oo la hagaajiyo iyo “daah-furnaan”. Waa xiddigii labaad ee ka tirsan WWE ee loo doorto xafiis dadweyne dalka Maraykanka, isagoo raacay raadkii Jesse Ventura oo hore isna loogu doortay masuul xukuumadeed.

Mr Ventura ayaa loo doortay duqa Brooklyn Park oo Gobolka Minnesota ka tirsan sannadkii 1990-kii, isagoo markii dambena uga sii gudbay jagada badhasaabka ee iyada qudheeda doorashada loo galo 1998.

Mr Jacobs oo KANE looga yaqaano xabladaha musaracada ahaa heer sare ka gaadhay musaaracada WWE badhtamihii 90 meeyadii, xilligaasoo magaciisa KANE uu caaddaas marayey. Wuxuu isticmaali jiray waji gashi, waxayna walaalo yihiin ninka kale ee Musaaracada sida weyn looga yaqaano ee Undertaker.

Inkastoo muddadii uu cayaarta ku jiray lagu tilmaamay “Bahal Waxshi Ah”, haddana Mr Jacobs oo KANE loo yaqaanaa wuxuu rumaysan yahay in legdanka uu caawiyey ee aanu  dib u dhac u keenin maadaama uu sheegay in uu aaminsan yahay in uu magac u soo hooyay WWE isna ay siisay magac iyo caannimo adduunka oo dhan laga yaqaano. “Waxa uu qof sidaydoo kale kale ah ku soo kordhiyo tartan noocan oo kale ah ayaa wuxuu yahay qofka aan ahay darteed, waxaan Knox County ku soo kordhin karaa iftiin wanaagsan marka loo eego si heer qaran ah” ayuu u sheegay warbaahin maxalli ah oo la yiraahdo WBIR. “Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo dalkeennu uu noo hayo, run ahaantiina, dalka intiisa kale waxay doonayaan inay wax ka ogaadaan” ayuu sii raaciyery. Saaxiibadiisa tartanka WWE ayaa si degdeg ah ugu soo hambalyeeyey una rajeeyey Mustaqbal wanaagsan maadaama uu masuul noqday. KANE ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay inuu galo siyaasadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here