Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Cambaaraysay Xayiraadda Wargeyska FOORE

0
104

Hargeisa- 11th February 2019- Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa  xukunka xayiraada ah ee la saaray wargayska Foore.

Maxkamada Gobol ka Hargaysi, waxay xukun xayiraada  ku riday wargays ka madaxa banaan ee Foore. Maxkamadu waxay xayirtay wargayska halsano, sidoo kale waxay seddex milyan oo Shilinka Somaliland ah oo ganaax lacageeda  saartay tafatirihii wargayska FOORE Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase).

Xayiraada wargeyska waxa lala xidhiidhiyay warar uu wargeyku ka qoray arimo ku saabsan dhismaha madaxtooyada cusub ee dowladu ka dhisayso galbeedka magaalada Hargeisa.  Dowladu waxay sheegtay in wargaysku ka faafiyay warar been ah abuur ah.

Qodobka 32(3) ee dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa madaxbanaanida saxafada  waxaanu mabnuucayaa in la qaado talaabo kasta oo lagu cabudhinayo.

Dhinaca kale, waxa wali xidhan oo xabsi ku jira Abwaan Cabdiraxmaan Abees.  Abwaanku wuxuu xidhan yahay mudo bil ku dhow.  Xadhiga abwaanku waxuu xad gudub ku yahay dastuurka Somaliland. Cabudhintu ra’yigu  waa hab dowladu ku aamusiiso cidii  iyada ka ra’ayi  duwan. Taasina waa gef sharci iyo dastuur jabin.

Qodobka 32 (1) ee dastuurku wuxuu qof walba udamaanad qaaday  inuu si xor ah  aragtidiisa u dhiiban karo.

Xaruntu si aad ah ayay uga walaacsan tahay xayiraada wargeyska foore iyo xadhiga  Abwaan Abees. Xaruntu waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xayiraada ka qaado wargeyska Foore siina dayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

Yasmin Omar Mohamoud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here