Xarunta Xuquuqal Iisaanka Oo Saluug Weyn Ka Muujisay Qaabka Madaxweynuhu U Soo Xulay Xubnaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Ee Uu Dhawaan Soo Saaray

0
149
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 9, 2018- (Foore)- Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ee Human Rights Centre oo ah hay’ada Xuquuqal Insaan oo Madaxa bannaan ayaa waxa ay walaac weyn ka muujisay daah-furnaanta iyo hannaanka loo maray magacaabista iyo dhismaha guddida Komishanka Xuquuqal Insaanka ee uu dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyada oo Hay’addu ku tilmaantay qaabka loo soo xulay Komishankaasi.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka ee HRC Mudane Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa u dhignaa sidan: “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka walaacsan tahay qaabka loo xulay xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland.

3dii July 2018 waxa madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu magacaabay xubnaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha.

Xaruntu waxaay si dhow ula socotay hanaanka xulista si loo xaqiijiyo in loo maro qaab waafaqsan Xeerka Komishank Xuquuqal Aadanaha iyo Mabaadida Baariis (Paris Principle). Mabaadida Baariis (Paris Principle) waa mabaadi ay Qaramada Midoobay u dhigtay qaabka loo xulayo iyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha qaran ee xuquuqal insaanku.

Hanaanka xulistu ma ahayn mid daah furan oo loo maray si waafaqsan Xeerka iyo Mabaadida Baariis (Paris Principle).

Waxaanu aad uga walaacsanahay maqnaashaha daah-furnaanta iyo in la iska baal maray habka iyo shuruudaha sharcigu dhigay. Guddi qaran oo xuquuqal insaan oo madax-banaan islamarkaana dhex-dhexaad ahi wuxuu ka ciyaaraa door muhiim ah kobcinta iyo ilaalinta xuquuqal insaanka.

Talo-Soo Jeedin:

-Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi inuu dib u eegis ku sameeyo magacaabista oo uu dabaqo Mabaadida Baariis (Paris Principle) si loo abuuro guddi qaran oo madax-banaani iyo dhex-dhexaadnimo leh.

-Waxaanu u soo jeedinaynaa Golaha Wakiilada inay raacaan Mabaadida Baariis (Paris Principle).

Guleid Ahmed Jama

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: hrcsomaliland@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here