Xaqiiqooyin Baadhitaan Oo Lagu Ogaaday 10 Arrimood Oo Ku Saabsan Xaawaleyda Haween!!

0
93
Lawadaag Asxaabta...

Culimada Arrimaha Bulshada gaar ahaan khubarada inta badan daraasaysa arrimaha haweenku waxa ay sheegaan in ragga iyo Dumarku sida uu u kala duwan yahay Jinsigoodu ay ugu kala duwan yihiin arrimo badan oo la xidhiidha dhinaca hab dhqanka iyo hannaanka fikir iyo dabci. Wargeyska Alshams ee ka soo baxa wadanka Jordan ayaa wax ka qoray 10 arrimood oo la xidhiidha arrimaha haweenka ama haddii aynu si kale u dhigno xaqiiqooyinka haweenka ee Tobanka ah. Tobankaa arrimood haddii aynu soo qaadano waxa ay kala yihiin:

1- Cilmi-baadhisyo badan oo haweenka lagu sameeyey waxa lagu ogaaday in celcelis ahaan Haweenku 24-kii saacadood ku dhawaaqaan in ka badan 20-kun oo erey halka ragga kuwooda ugu hadalka badani ku dhawaaqaan 24-kii saacadood wax ka yar 7-kun oo Kalmadood.

2- Khubarada Arrimaha Bulshada ee sida gaarka ah ugu kuur gasha arrimaha Haweenku waxa ay xaqiijiyeen in Celcelis ahaan Haweenku aanay sirta qarin Karin wax ka badan 48 Saacadood.

3- Haweenka Ingiriiska ah ah waxa la ogaaday in celcelis ahaan midkiiba ay soo iibsato oo ay ..leedahay in ka badan 19 Beer oo kabo ah noocyo kala duwan waxaanay kaliya ka xidhaan celcelis ahaan wax aan ka badnayn 7 beer oo kali ah.

4- Cilmi-baadhisyo lagu sameeyey Arrimaha gaarka ah ee Haweenka Maraykanka waxa lagu ogaaday in Boqolkiiba Afartan Haweenka dhalmada ay sameeyaan tahay mid aan ku iman sharci. Si kale haddii aad u nidhaa Guud ahaan Dhalmada dalka Maraykanka 40% waxa ay ku timaad sifo aan sharci ahayn haweenka aan la qabin ee hadana dhala.

5- Mudada Haweenaydu ka fikirayso wixii ay xidhan lahayd iyo Dookheeda dhinaca Labbiska waxa la ogaaday in ay ka badan tahay dhawr sanadood celcelis ahaan mudada nolosheeda.

6- 12-ka Bilood ee Sannadkii Celcelis ahaan Haweenaydu waxa ay oydaa ugu yaraan inta u dhaxaysa 50 Illaa 65 Jeer halak Ninku ka Ooyo in ka yar 6 illaa 17 jeer oo kali ah sannadkii.

7- Inta la diiwaan geliyey ee la galiyay buugga dhacdooyinak dunida Haweenaydii ugu da’ yarayd ee Carmal noqotaa waxa ay jirtay 10 sanadood oo kali ah. Iyada oo intaa ka sii yar ayaa la siiyey ninkii doonay balse waxa la furay iyada oo aan da’deedu dhaafin 10-jir.

8- Taariikh ahaan waxa la ogaaday in Raggu Haweenka uga horreeyeen Isticmaalka Kabaha Cidhibta Dhaadheer ama guud ahaan Kabaha dhaadheer balse muddo kadib Haweenku si ay ragga isugu ekaysiiyaan ayay bilaabeen in ay xidhhaam Kabo dhaadheer, iyaga oo markii dambe shirkadaha kabuhu soo saareen Kabaha dhaadheer ee cidhibta leh balse markii hore waxa ay xidhan jireen haweenku kabo dhaadheer oo aan cidhbo dhaadheer lahayn.

9- Taariikhda Inta la og yahay Haweenaydii ugu dhalmo badnayd waxa ay dhashay in ka badan 69 Caruur ah waxaanay noolayd dabayaaqadii qarnigii dhawaan dhammaaday ee 19aad.

10- Wadanka Maraykanka In Haweenku Codkooda ka dhiibtaan doorashooyinka waxa ugu horraysay sanadkii 1920-kii iyada oo wixii intaa ka horreeyey aan xuquuq ahaan loo ogolayn in ay codkooda dhiibtaan, waxaana doorashooyinka kaliya codayn jiray ragga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here