Xalka Wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya. W/Q Ali Odey

0
889

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 17 July 2019 wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland:-

  1. Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan,
  2. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka,
  3. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow).
  4. Cali Siciid Fiqi.
  5. Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse.
  6. Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Isla 18 July 2019, Somaliland oo ka jawaabeysa go’aankaa magacaabista Guddiga Qaran ayaa “gef siyaasadeed”. Isla markaana ay ka so saareen warsaxafedeed ay ku tilmaameyaan in  xukuumada hada xilka Somaliya talada heysa aaney noqon karin mid wada hadal toos ah dhex mari karo somaliland. Madaama ay kula jiraan Somaliland dagaalo siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad ah. Sidaa awgeed isma qabanayso ficilladaada cadowtinimo iyo tiraabta weedha WALAALAHEENNA SOMALILAND. Taasi waa Ilmadii Yaxaaska”.

Waxa kale oo isla warsafadeeedkaas ku cad in Jamhuuriyadda Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaadhay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya FAGAARE CAALAMIYA oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka cadawga ah ee farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in cadawgaagu ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo”

Qormadan waxaan si kooban uga hadli doonaa, caqabadaha hortaagan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya, iyo sida ugu haboon ee ay aheyd in ay ku galaan wada hadaladaasi si guul looga gaadho, loona helo xal waara

KulamadaWada-hadalada ee Qabsoomey iyo Natiijada Guud ee  ka soo baxey

Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya waxey Bilaabmeen June 20-21, 2012, shir ka dhacey London, oo layskula qaatey In la taageero wada hadalo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya si ay isula qeexaan mustaqbalkooda.

Intaa wixii ka dambeeyey waxa u qabsoomey labada dhinac  kulamo dhowr ah:-

  1. June 28, 2012 -Dubai
  2. April 13, 2013 – Istanbul
  3. July 7- 9, 2013 – Ankara
  4. January 16 -19, 2014 – Istanbul
  5. December 21, 2014 Djibouti iyo
  1. March 1-3, 2015 oo fashilmay Istanbul.

Mudadaas ay wada hadaladu socdeen arimaha aad odhan karto way ugu muhiimsanayaan ee layskula qaatey waxa ka mid ahaa:

  • Si wada jir ah loo cambaareeyo dhibaatooyin uu geystay nidaamkii kaligii taliska ahaa ee Siyaas Barre, gaar ahaana u geystay ummada reer Somaliland;
  • In loo wada hadlo si nabad ah.
  • In hawada si wada jir ah loo maamulo, oo ay soo wareejiso UN oo hada gacanta ku heysa, isla markaana xafiiska laga furo Hargeysa;
  • In leyska kaashado dhanka amniga iyo la dagalaalanka dambiyada abaabulan (argagaxisada iyo budhcad badeeda); iyo
  • Qaybsiga deeqaha caalamiga ah.

 

Waxa xusid mudan inaan laga wada hadal arinta ugu muhiimsan ee wada hadalada oo ah “Gooni isku taaga Somaliland”.

Waxa kale oo wali lagu kala aragti duwan yahey asalka wada hadalada; dhanka Somaliya waxey ugu yeedhaan wada hadaladan iney tahey dadaal ay ugu jiraan midnimada umada Somaliya isla markaana ay rabaan inay  dib u heshiisiiyaan Somaliya iyo Somaliland. Halka dhanka Somaliland looga yaqaan wada hadaladan iney yihiin kuwo keeni kara inay Somaliya ogolaato gooni isku taaga Somaliland, isla markaana  ay aqoonsi ku kasban karaan.

Fashilka wada hadalada

March 1-3, 2015. Somaliland waxey ka baaqsatey kulan ka dhici lahaa Istanbul, Turkey. Iyadoo sababtu aheyd inaysan horfahdiisaneyn xubno ka socdo dowladda feredaalka oo deegaan ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Afar xubin oo ka tirsan wafdiga dowladda federaalka oo kala ah wasiirka warfaafinta ee dowladda Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada, Cali Axmed Jamac Jangeli Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada, Saciid Qoorsheel iyo Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Cilmi, ayey Somaliland dalbadeen in laga saaro kullanka. Ka dib markii ay Somaliya arinkaas tix galin waydayna waxa istaagey wada hadaladii. Inkastoo dib la isku dayey inay furmaan wada hadaladu sida ku cad kulankii qabsoomey April 18-19, 2016 Ankara, Turkey. Hadana ma jirto wax wada hadal oo danbe oo suurto galey.

 

Iyada oo muddo laga jooga wada hadalada hore ayaa sida bilowga qoraalkan ku xusan waxa uu Madaxweyne Farmaajo guddiga ka qayb gali doona wada hadaladan. Guddidaas inkasta oo ay wali ku jiraan xubno ka soo jeeda degaanada Somaliland oo aheyd arintii keentay inay wada hadaladi 2012 – 2015 socday istaajiyaan, hadana waxa ugu daran oo ku jiran xubno loo aaneenayo inay qayb ka ahaan xasuuqi gaar ka ee loo geystay Ummada reer Somaliland. Waxana ka mid ah Gen. Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (C/raxmaaan Guulwade).

Hadii aan dul istaago taariikhda Cabdiraxman Guulwade; wuxuu ahaa nin quraanka u dhigo Caruurta uu dhaley Siyaad Barre,  hase yeeshee waxaa jeclaatey Gabar uu dhaley Siyaad barre, waanu guursadey, sidaana waxa sodog ugu noqdey Siyaad barre.

 

Isla markiiba waxaa loo aasaasey ciidamo cusub oo lagu magacaabo Guulwada-yaasha oo dhar cagaaran qaata. Ciidankaas waqtigaas waxa loo isticmaaley dadka reer Waqooyiga ahaa (Somaliland), oo bilaawaabey kacdoon, waxa laga xusi karaa ardaydi Gubtay sawiradii Siyaad Barre, sababtuna waxey aheyd waxaa albaabada loo laabey Dekedii Berbera amar dowladeed, la soo rogey oo aheyd Dekedaha Muqdîsho iyo Boosaaso oo kaliya ayaa shaqeynaaya.

 

Xiligaasi waxaa dhismo ka socdey dalka Sacuudi-carabiya, sidaas ay taheyna soomaalidii u  dhoofi jirtey waxey ahaayeen reer waqooyi, waxeyna noqdeen dad yeeshey hantida raasumaalka ee wadanka oo dhan. Dowladdi Siyaas Bare waxey si hoose u qaadatey in la dagaalanto awooda dhaqaale ee dadka reer Waqooyi ah yeelanayan, waxeyna xidhay Dekada Berbera, sidoo kalena waxaa la mamnuucey qaadkii oo ahaa hantida ugu badan ay ka ganacsadaan.

 

Hadaba ciidamada Guulwadayaasha ee uu haystay C/raxmaan –Guulwade waxey ahaayeen kuwa la dagaalama qaadkaas waxana uu xaraashey in ka badan 200 Gadiidkii qaadka keeni Jirey. Isaga oo isla markiiba ku qaatey darajada Major General. Dhibaato joogto ahna ku hayey dadka reer waqooyiga ah oo uu guryaha kala soo bixi jirey.

 

C/rahmaan- Guulwade waxaa lagu sheegaa inuu ka qeybqaatey xasuuqii 17 – July 1989… ahaana  saraakiishii hogaaminaysay ciidamo Jaziira ku geystay xasuuq ay ku laayeen 47 nin oo ka soo jeeday Somaliland.

 

Hadaan halkaa kaga gudbo Cabdiraxman Guulwade oo Boobe Yusuf Ducaale oo ah qoraa xeel dheere ah oo reer Somaliland ah uu ku qeexay in  Cadbiraxman Guul-wade la hadla ay dadka reer Somaliland ula mid tahey Cali Samatar la hadla, oo saraakiishii xaquuqa idin geystay la hadla. Taasina xalka wada hadaladu maaha.

 

Hadaba Guddida ay xubnahaasi ku jiraan wada hadalo midho dhal ah ma keeni karaan? Jawaabtu waa Maya!

 

Hababka xalinta khilaafaadka

 

Marka aynu eegno nidaamka xalinta khilafaadka ee heer caalami (international dispute settlement), waxa uu Dastuurka Qaramada Midoobey qodobka 2aad farqadiisa 3aad; bogaadinaya in muranada iyo khilaafaadka dhinacyadu ay ku xaliyaan hab amni ah.

 

Hababka loo xaliya waa ay badan yihiin sida ku cad qodobka 33 farqadiisa 1aad ee isla Dastuurka Qaramada Midoobey, waxana ka mid ah;

 

  1. Wada Halado dhinacyada u dhaxeeya (Negotiation).
  2. In arinta laysku hayo gudi baadha loo saaro si ay xaqiiqada usoo helaan (Inquiry),
  3. Dhex dhexaadin dhinac saddexaad oo si toos ah uga qayb qaadanayo wada hadalada, door isku soo dhaweyn dhinacyadana ciyaaraya (Mediation),
  4. Guddi xaqiiqa Raadin ah ayaa loo saaraya, marka ay xaqiiqada sugaan, waxa sameynayan soo jeedin hababka arinakaas lagu muransan yahey lagu xalin karo (Conciliation),
  5. Guddi Garnaqiseed ayey dhinacyadu dooranayan ama Guddi garnaqiseed caalimi oo jira ayey dhinacyadu arinkooda u dhiibanayan si ay go’aan ugu soo saaran (Arbitration),
  6. Maxkamadd Caalimi ayey dhinacyadu u gudbinayaan khilaafkooda (Judicial Settlement),
  7. Xalka ka raadinayan gobalada ay ka tirsan yihiin dhinacyada is haya (Resort to Regional Agencies)
  8. Ama xalkii kale ee ay dhinacyadu isla gartaanee ku dhisan hab nabadeed (Or Other Peaceful Means Of Their Choice)

 

Shuruudaha looga bahanyahey dhinacyada wada hadlaya

Si ay wada hadaladu u noqdaan qaar lagu guuleysto, waxa shardi u ah dhinacyada wada hadlaya inay la yimaadaan arimahan soo socda:

 

  1. In dhinacyada ay ka go’antahey inay diyaar u yihiin inay ka midho dhaliyaan wada hadalada ay galayaan (commitment);
  2. Inay la yimaadan dhinacyado niyad wanaag (Good Faith), amaba daacadnimo;
  3. Inay diyaar u yihiin inay khilaafkooda hab amni ku xalistaan (peaceful means);
  4. Inay diyaar u wada yihiin ka wada shaqeynta sidii xalka loo heli lahaa (cooperation)
  5. Wada Tashi dhamaan talaabooyinka la qaadayo ee la xidhiidha xaga waqtiga, goobta, qodobada wada hadalada, xubnaha, IWM.
  6. Is taxgalin wixii wax ka badal ah ee dhinacyadu soo jeediyan in laga badalo wada hadalada, lagana wada shaqeeyo wixii isbadala ah ee ku yimaado nidaamka wada hadalada. Iyo
  7. Loo ogalaado cilmi baadhayaal iyo xeel dheerayaal xaga wada hadalada ah inay talo ku darsadaan nidaamka wada hadaladu u socdaan.

 

 

Gunaanad

Marka horeba waxa la yidhaah wada hadalada dhinacyada sida fool ka fool ka ah u dhex mara waa ay yartahey fursada guul lagaga gaadho.  Caqadaha uu leeyahey awgeed, sida dhinacyadu ku guul dareystan inay isla sii dajiyaan qorshaha wada hadal iyo nidaamka ay raacayan; oo ay ka mid tahey in ajendaha leysla garan waayo, xubnaha uga qayb galaya kulamada oo khilaaf ka taagnaado sida hada jirta. Dhinacyada  oo midkasta qorshihiisa gaarka ah wato waana tusaalaha nool ee had aka muuqata in ay kala fogyihin halka ay dhinacyada Somalialand iyo Somalia kala taaganyihiin ee kala ah “midnimadu umada Somaaliyeed waa muqadas” iyo “gooni isku taago waa muqadas”. Waxa kale oo caqabadaha ka mid ah inaaney jirin cid isku soo dhaweysa dhinacyada.

 

Qodobka ugu daran ee guul darada ay leeyihiin wada hadalada fool ka fool ka ah ee dhinacyadu wuxuu yahey go’aanada ka soo baxa ma leh wax fulin ah, sida iminkaba dhacday ee arinta hawada in si wada jir ah looga maamulo hargeysa ee layskula qaatey kulankii 4aad ee ka dhacey Istanbul July 2013,  ay somaliya si iskeed ah ugu baxday xafiiski maamulka hawada ay ka furtey Muqdisho.

 

Sidaas darteed, waxa aan soo jeedin lahaa in laga guuro habkan wada hadaladu hada u socdaan ee  fool ka fool ka ah ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya, oo la  eego hababka kale ee ay ugu horeyso in ay doortaan cid dhexdhexaadisa  oo isku soo jiida dhinacyada.

 

Diyaariyey: ALI ODEY

LLM,MIR,&LLB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here