Xaajigii Ugu Da’yaraa Xujayda Sannadkan Sucuudiga Tagtay Oo Noqday Ilmo Soomaali Ah Iyo Qalliin Lagu Sameeyey Markii Uu Neef Qabatoobay

0
90

Makka Al Mukarrama (Foore)- Wiil Soomaali oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamuud  oo 4-jir ah ayaa noqday Xaajigii ugu da’da yaraa ee soo xajiyey Xajka sannadkan 1440-Hijriyah, sida ay shaaciyeen Warbaahinta Sacuudiga. Xaajiga yar oo la xajinayey Hooyadii ayaa yara xanuunsaday, iyadoo uu naqaska ku dhegay, waxaana loola cararay Xarunta Umul Qur’a ee Wadnaha ee  Isbitaalka khaaska u ah Carruurta oo ku yaalla magaalladda Maka Al-mukarama.

Baadhitaan kadib, waxaa lagu sameeyey Qaliin dhinaca Wadnaha, sida ay Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga shaacisay.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay inuu ilmaha yar la xanuunsanaa cuddur ku dhaca wadnaha oo xaallad naadir ah, taasi oo 8 qof laga helo kun xaalladood ee Wadna-xanuunka.

Waxaana lagu sameeyey Qaliin dhanka Wadnaha, iyadoo ay Dhakhaatiirtu sheegeen inay xaalladiisa aad u soo hagaagtay. Mar sii horreysay Warbaahinta dalkaasi waxay sheegeen  in Xaajiga Yar ee Soomaaliga uu ku xanuunsaday Tendho ay ka deganaayeen Banka Carfo, kadib, markii uu dhibaato kala kulmay dhanka Neefsashadda oo uu naqasku ku dhegay.

Waxaana Xaajiga Yar lagu qaaday Ambalaas, iyadoo lagu xiray Qalabka Oksijiinta ee Bukaanka ka saacida dhanka Neefsashadda.

Dhinaca kale, Xaaji kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulle Nuur oo da’da 50-aadka ku jiray ayaa waxa uu isagana ka mid ahaa boqolaalkii Xujeyda ee la dhigay Isbitaalladda, si loogu daaweyo xanuuno ku soo booday inta ay xajinyeen ama ay kuwo ay horey Bukaan Socod la ahaayeen.

Xaaji C/lle Nuur oo ka xanuunsanaa Wadnaha ayaa waxaa u gurmaday shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudiga ee u xil saaran U-gargaarida Xujeyda, waxaana la dhigay Isbitaalka Takhasusiga ee dhanka Wadnaha.

Xaaji C/lle Nuur ayaa waxaa la filayaa in lagu sameeyo Qaliin dhanka Wadnaha, marka uu dhamaysto gudashada Waajibaadka Xajka.

Xujeyda la dhigay Isbitaalladda waxay ka soo kala jeedaan Waddamo fara badan, waxaana xanuunka ugu badan ee Xujeyda sannadkan laga daweeyey ahaayeen Wadno-xanuun,  Macaanka, Dhiig Karka,  Cudduradda Neef-mareenka siiba Naqaska , Suuxitaan ka dhashay Heer kulka Qorraxda iyo wixii la mid ah.

Hawlaha Adeegga Caafimaadka ee Xujeyda ayaa ahaa mid lacag la’aan ah, iyadoo ay Dhakhaatiir Takhasus leh iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad diyaar u ahaayeen inay la tacaalaan Xujeyda faraha badan ee xanuunsaday. Isbitaalladda loogu talagalay Xujeyda ayaa ahaa kuwa ay yaallaan Qalab Casri ah, isla markaana Bukaan kasta oo Xaaji lagu daaweynayo, iyadoo la siinayo Daryeelka ugu sarreeya ee dhinaca Daawada iyo Daaweynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here