“Xaaji Cabdi Waraabaa Siilaanyo Ku Yidhi Dalkii Maanta Kurkuu Ka Bukaa, Anna Maanta Waxaan Leeyahay Dalkii Kurba Ma Leh,…“Umaddan Qabyaalad Baa Kala Kaxaysay, Cigaal Iyo Rayaale Ayaa Dawlad Inoogu Dambeeyey,……”

0
81
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, Aug 09, 2018- (Foore)- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Axmed Gacan) oo ka mid ah Xildhibaannada Ruug-caddaaga ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga hadlay xaaladda waddanku maanta ku sugan yahay kana dayriyay yuhuunta umadda iyo sida aanay maanta isugu qalbi wanaagsanayn ee ay u kala qaybsan yihiin isaga oo sheegay in aanay wax doorasho ah oo dalka dib uga dhacaysaa aanay jirin halka uu sidoo kale sheegay in umadda tan iyo 1960-kii ay tahay mid ayaan darro haysato oo aan hindise umaddnimo iyo hiraal toona lahayn.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Axmed Gacan) ayaa sheegay in hadalkii Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ku sheegay in aanu doorasho sidan ku galayn ay ka dhab tahay isaga oo sheegay in waliba beelaha Garxajis ku raaci doonaan oo aanay cid doorasho galaysaa jirin taasina tahay arrin nasiib darro ah.

Xildhibaanka oo arrimahaasi iyo kuwo kale oo badan ka hadlayaa waxa uu hadal siiyey saxaafadda waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “IGAD iyo Yurub labaduba maanta in halkaa Tukaraq dagaal ka dhaco dooni maayaan. Iyaga ayaa ku dhex jira. Waliba innaga rag badan oo boqol iyo siyaado ah ayaa innagaga dhimatay. Waxba yaan laguu qarin dhaawucuna ka darnaa. Goor kastaba ha gaadho. Ciidamada waa laga soo rarayaa oo Gambadha ayaa la ina keenayaa. Taana ku qorta buugga. Dagaal ka dhaca iska daaye innaga in la inna soo raro oo Gambadha la ina keeno taasaan idiinku bushaaraynayaa”.

Dhinaca kale Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Axmed Gacan) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Somaliland waxa ay wax ku ahayd isku xidhnaanta. Isku duubnaanta, midnimada ayay ku ahayd. Laba garab iyo calool baynu ahayn. Calooshiibaa is haysa oo qaybsan. Inta calooshu qaybsan tahay Somaliland hagaagi mayso. Waddaniyad innagu jirtaa ma jirto. Qabyaalad baynu u kala fadhinaa maanta. Mar haddaad qabyaalad u kala fadhidaan dhallinyarooy waxaagu socon maayo. Doorasho dhacaysaana ma jirto. Sow kumuu dhawaaqin ninkan Bidaarta leh ee Cabdiraxmaan Cirro doorasho gali maayo. Waa ka dhab. Garxajis oo dhammi way ku raacayaan waa hubaal. Aadbaan xogogaal dalka ugu ahay oo waan isaga aamusay siyaasad iyo waxaba. Mar haddii calooshu qaybsanto labada garanba way innaga didayaan. Iyana gali maayaan doorasho. Kuwa ugu ladan ayaan doorasho galayn oo wax kale u jeeda. Waar umaddan qabyaalad baa dishay. Waddaniyad ma leh. Ina Cigaal baa innoogu dambeeyey, wax ka dambeeyey waxa jiray ninkii Gadabuursi ee Daahir Rayaale Kaahin. Wax ka dambeeyey ma jiro. Ina Cigaal dhulka ayuu seeska u dhigay. Anoo soo dagaalamay oo aan dhaawac ahay baan halkan ugu imid oo aannu nabadda xidhnay. Intii KULMIYE yimid dalka dalku hoosta ayuu ka qiiqayay. Dadkuna xabbad ma doonayo. Dalka waa la dagay. Nin waliba hantidiisii dalka ayuu galiyey qof xabbad ridayaa ma jirto. Laakiin siyaasadda ayaa lagu kala fog yahay. Taa xabbad ha iga biqina. Waa la isku tuhmay waa la isku nacay. Waa la isugu darnaaday. Xaaji Cabdiwaraabe ayaa maalin Axmed Siilaanyo ku yidhi dalkii maanta Kurta ayuu ka bukaa anna maanta waxaan leeyahay dalkii waaba bilaa kur oo kurba ma leh”. Ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Gacan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here