Wufuuddii Laga Filayay Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Midawga Yurub, Maraykanka Iyo Jaamacadda Carabta Oo Aan Shirka Ka Muuqan Iyo Ujeedadii Ay Wasaaraddu Ku Doonaysay Inay Dhaliisheeda Arrimaha Dibadda Kaga Galgalato Oo Fashilan

0
490
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, October 11, 2018- (Foore)- Wasaaradda Arrimaha Dibada Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland oo sannadadii ugu dambeeyey tan iyo xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo noqotay mid fadhiid ah oo aan haba yaraatee wax macno leh oo la taaban karo ku soo kordhin siyaasadda Khaarajiga ee Somaliland tan iyo halkii ay fadhiday markii Xisbiga KULMIYE xilka kala wareegay xukuumaddii UDUB ee Daahir Rayaale ayaa waxa ay shalay soo qaban qaabisay shir loogu magac daray Guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay balse waxa guud ahaan shacabka Somaliland lama filaan ku noqday xubnaha shirkan ka soo qayb galay.

Inkasta oo marka horeba dadka siyaasadda Somaliland lafa-guraa xukuumadda ku dhaliilayeen in ka hor inta aan shir noocan oo kale ah saaxiibada Somaliland lagu soo casuumin marka hore awoodda la saaro siyaasadda Arrimaha Gudaha iyo midaynta shacabka ayaa waxa mar kale shirkii shalay furmay ka dhashay doodo la xidhiidha meeqaamka iyo saamaynta ay dalalkooda iyo dunidaba ku leeyihiin Xubnaha shirkan lagu soo casuumay oo u badan aqoonyahano, bareyaaal jaamacadeed, xubno ka socday hay’adaha sama-falka ee dalalka reer Yurub, dhawr xildhibaan oo dalka Jabuuti ka socday iyo xubno saaxiibo dhaw la ah Somaliland balse aanay shirkaasi ka soo qayb galay xubno xilal sare ka haya dawladaha Jaarka, Kuwa dalalka Afrika, Jaamacadda Carabta iyo kuwa caalamkaba waxaanay taasi si weyn hoos ugu dhigaysaa saamayn uu yeelan karo shirkani.

Xubno siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ah oo shirka ka qayb galay oo Wargeyska FOORE wax ka waydiiyay wufuudda shirkan ka soo qayb galaysa, Miisaankooda iyo saamaynta uu shirkani yeelan karo ayaa waxa ay walaac weyn ka muujiyeen midho-dhalka laga filan karo shirkan maadaama aanay dadkii ku habboonaa ee Somaliland dunida saaxiibo kaga kasban lahayd aanay shirka ka muuqan balse ay shirka goob-joog ku yihiin aqoonyahano falan-qayn iyo bogaadin uun ku samayn kara siyaasadda dalkeena taasina aanay ahayn mid wax micno leh keeni karta wakhti Somaliland u baahan tahay Saaxiibtinimada Xubno Xilal Sare ka haya dawladahooda, Siyaasiyiinta waaweyn ee axsaabta dunida iyo dadka kelmadooda la dhagaysto ee saamaynaha qarsoon iyo kuwa muuqdaba ku leh dalalka adduunka ugu awoodda weyn.

Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka shirka ka qayb galaya ee aanu arrinkan wax ka waydiinay waxa ay noo sheegeen in dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo kuwa kale ee daneeya Arrimaha Somaliland aanay ka socon wufuud saamayn keeni kartaa.

Yaa Dalalka Jaarka Ah Uga Qayb Galaya Shirkan?

Dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay Somaliland jaarka yihiin ee saamaynta ku leh siyaasadda wixii la isku odhan jiray Soomaaliya in badana ka soo hor-jeedda qaddiyadda Somaliland waxa ka socday saddex xildhibaan oo la is waydiin karo waxa ay ku matali karaan Madaxweyne Geelle iyo Madaxtooyada Jabuuti oo ka mid ah kuwa ugu fog in ay ka xaqiiqo sheegaan ama u sacab tumaan qaddiyadda Somaliland. Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo 27-kii sano ee Somaliland jirtay ahaa dalka ugu dhaw ee saaxiibka la ah Somaliland ayaanay shirkan uga qayb galin wafti miisaan Lihi halka waddanka Kenya uu ka socday xubno uu ka mid yahay Agaasimihii hore ee wasaaradda Khaarajiga dalkaasi. Dalalka Uganda Ginue, Ghana iyo South Africa ayay iyana xubno aqoonyahano iyo cilmi baadhayaal ahi ka socdaan iyada oo dalalka quwadaha waaweyn ee Midawga Yurub, UK iyo Maraykanka aanay ka socon xubno waaweyni, ugu dambayna aanay madasha shirka ka muuqan wafti siyaasadeed oo ka socda Jaamacadda Carabtu.

Si kastaba ha ahaatee Shaki kuma jiro in wufuudda shirkan ka soo qayb gashay si niyad sami leh uga hadli doonaan dadaallada Somaliland iyo horumarka ay ka gaadhay dhinacyo badan oo mudadii ay jirtay xaqiijisay, in badanna ay qaranka iyo dawladihii kala dambeeyey ku ammaani doonaan deganaanshaha iyo dawladnimada la hir geliyey balse maxaa intaasi ka dambeeya?.  Dad badan oo siyaasadda Somaliland u kuur galaa waxa ay is waydiinayaan, saaxiibbo noocee ah ayay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo kordhisay?, Shirkani ma noqon doonaa mid astura Fashilka wax-qabad ee Wasaaradda Khaarajiga mudadii xisbiga KULMIYE talada hayay, mise waxa uu noqon doonaa ugu yaraan mid maalmo hadal hayntiisu sii socoto?, Qaddiyadda Somaliland ma ku iibsami doontaa shir-noocan oo kale ah oo dood iyo falanqayn saacado qaadata kadib lagu kala dareero, mise waxa Wasaaradda looga baahan yahay Istaraatiijiyad iyo qorshe miisaan leh oo lagu hawl galiyo siyaasad aragti fogi hagayso oo midaynaysa dadaalo iyo ka faa’iidaysiga fursadaha siyaasadeed ee Mandaqadda Geeska Afrika?, Waa Maxay maxsuulka (Out Put) uu shirkani yeelan doonaa?,  dhammaan kuwaasi iyo kuwo kaleba jawaabtooda waxa looga fadhiyaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here