Wiil Uu Dhalay Hogaamiyaha Iiraan Oo Ganacsade Hindi Ah Ka Iibiyay Dahab Badan Oo Uu Hore Uga Dhacay Saddaam Xuseen

0
169
Lawadaag Asxaabta...

Wiil la sheegay in uu dhalay Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iiraan Aayatullaah Cali Khamanaay ayaa la sheegay in uu xaday oo uu toddobaadkan sii iibiyey dahab badan oo uu lahaan jiray Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen kaasi oo hore looga soo xaday qasriyadiisii uu ku lahaan jiray Ciraaq markii la qabsaday.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska caanka ah ee Aamd News oo ka mid ah wargeysyada loogu akhriska badan yahay waddanka Iiraan, wiilka labaad ee uu dhalay Aayatullaahi Cali Khamanay oo lagu magacaabo Mujtabi Khamanaay ayuu wargeysku sheegay in uu soo xaday xaddi badan oo ka mid ahaa dahabkii Madaxweyne Saddaam Xuseen oo uu sii iibiyey kaasi oo la sheegay in uu ka iibiyey dhawaan nin ganacsade ah oo Hindi ah kaasi oo dahabka ka ganacsada.

Wargeyska Aamd News ayaa cadadkiisii Sabtidii soo baxay waxa uu baahiyey qisadan oo uu sheegay in ay dhacday 6-dii Bishan July kadib markii Anjal Jandal oo ah Ganacsade Hindi ah oo dahabka iibsadaa uu dalka Iiraan u yimid heshiis uu kula wareegayay iibka dahab xaddigiisu badan yahay oo la sheegay in uu dalka Ciraaq hore uga soo dhacay wiil uu dhalay Hogaamiyaha waddanka Iiraan Aayatullaah Cali Khamanaay, kaasi oo laga soo qaatay qasriyadii uu dahabka iyo hantida ku haysan jiray Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Marxuum Saddaam Xuseen ka hor intii aan xukunka laga tuurin ee aanay sidoo kale dalka Iiraan si xawli leh u dhex xulin waddankaasi Ciraaq.

Wargeysku waxa uu sheegay in diyaarad Helicopter ah oo uu leeyahay Ganacsadaha Hindiga ahi ay toddobaadkan dahabkii ka qaaday dalka Iiraan kadib heshiis ay ku kala iibsadeen wiilka Mujtabi Khamanaay oo wargeysku sheegay in uu dahabkaasi wakhti hore ka soo xaday dalka Ciraaq isaga oo wakhtigaasi adeegsanayay xubno ka shaqayn jiray bangiga dhexe ee dalkaasi Ciraaq oo ninkan dahabkan u suurto galiyay in uu Ciraaq kasoo qaato wakhtigii uu dhacay xukunkii xisbiga Bacasku ee Madaxweyne Saddaam Xuseen.

Sidoo kale wargeysku waxa uu intaasi ku daray in Mujtabi Khamanaay uu dahab badan oo kan ka mid ahaa uu hore ugu iibiyey suuqyada dahabka ee Caasimadda Iiraan ee Dahraan taasi oo muujinaysa xaddiga badan ee dahabkan ahaa ee uu ninkani haystay iyada oo la xaqiijiyey in uu ahaa dahabkii Madaxweyne Saddaam Xuseen lahaan jiray.

Sannadkii 2003 markii ay ciidamada Maraykanku hormuudka u ahaa qabsadeen waddanka Ciraaq ee ay xukunka ka tureen Madaxweyne Saddaam Xuseen waxa la boobay ama la bililiqaystay xarumo badan oo dawladdu lahayd oo hanti aad u badan laga dhacay kuwaasi oo kooxo isku xidhani ay dibadaha ula kala yaaceen, waxaana la sheegaa in wadanka Iiraan lala tagay hanti badan oo taasi ka mid ah illaa imikana ka maqan dalkaasi Ciraaq.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here