Weerar Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Lagu Qaaday Ciidamada Maraykanka Ee Ku Sugan Afgaanistaan

0
145

Kabul (Foore)- Xaaladda Ciidamada Maraykanka ee ku sugan waddanka Afgaanistaan ayaa mar kale waxa su’aalo iska waydiin doona shacabka iyo labada aqal ee Baarlamanka waddanka Maraykanka kadib markii weerar dhimasho iyo dhaawac keenay lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee dalkaasi ku sugan oo saldhig ay ku lahaayeen duleedka Magaalada Kabul saaka weerar culus oo qarax ah lagu qaaday.

Saddex Askari oo ka tirsan milatariga Maraykanka ee dalkaasi Afgaanistaan ku sugan iyo qof kale oo la shaqaynayay ayaa lagu dilay miino loo dhigay goob jid ah oo ay Maraan Kolonyada ciidamada Maraykanku oo ku taalla dalka Afghanistan.

Saddex askari oo kale ayaa dhaawacmay, sida ay sheegtay xulafada NATO,

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Bagram oo qiyaastii 50 kiilomitir u jira magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Mar sii horraysayna saddex ruux ayaa lagu dilay laba qarax oo mataano ahaa kuwaas oo lagu qaaday magaalada bariga magaalada Jalalabad.

Toddobo askari oo ka tirsan ciidammada Maraykanka ayaa lagu dilay Afghanistan sannadkan 2019ka. Bishii aynu soo dhaafnay ee Maarij labo askari ayaa la dilay.

Maraykanka waxaa Afghanistan ka jooga 14,000 oo askari oo la filayay in ay dalkaasi isaga soo baxaan intooda badani balse wakhtigan ay u muuqato in dawladda Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga ahi ay doonayso in ay ciidamadaasi baaqi ku sii ahaadaan maadaama ay mar walba Jamhuurigu dadaal weyn u galaan in ciidamada Maraykanka ee hawlgallada dibadda ku joogaa sii joogaan si shirkadaha hubka iyo Loojiskitada ah ee Maraykanku faa’iido uga helaan.

Bishii February ergay heer sare ah oo ka socda Maraykanka oo raba in uu dhexdhexaadin ka sameeyo nabadda Afghnaistan ayaa la kulmay nin wax ka aasaasay Taliban, isaga oo isku dayaya in uu soo afjaro colaadda 17ka sano socota balse wali wada hadalladaasi ma ay noqon kuwo midho dhal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here