“Waxaan U Sheegaynaa Umadda Reer Somaliland Iyo Xukuumaddaba In Wasiirka Ciyaaraha Caaqilkiisii Maxamed Faarax Dhoore Ee Jufadiisa Ahaa Ee Magta Ka Qaadi Jiray Uu Jabhadda Caare Isku Dhiibay”…..Caaqil Cabdulaahi Cabdale Ismaaciil Aadan

0
41
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa (Foore) – Caaqil Cabdulaahi Cabdale Ismaaciil Aadan oo ka mid ah Cuqaasha Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaaladda Ceerigaabo ayaa si adag u weeraray Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed,waxa uu ku tilmaamay masuul aan kalsoon ka haysan Deegaankiisa, islamarkaana ku jahawareeray siyaasada waxaanu madaxweynaha ugu baaqay inuu masuulkaasi Magacaabistiisa dib ugu noqdo oo uu ku badelo Masuul kalsoon ka haysta Umadda Reer Ceerigaabo oo uu sheegay inuu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Waxa uu caaqilkani hadalkiisa ku bilaabay sidan“Shirkan Jaraa’id waxaan u qabtay hadal kasoo yeedhay Wasiirka Ciyaaraha Boos Mire, Waxaan u sheegayaa Umadda Reer Somaliland iyo Xukuumaddaba in Wasiirka Ciyaaraha Caaqilkiisii Maxamed Faarax Dhoore uu Jabhadda Caare isku dhiibay, Waxaan intaasi kuu darayaa oo aan Ciwaan uga dhigayaa “Madaxweynuhu wuu yaqaanaa Geella Heestiisa oo waa reer Hawd eh, waxaa loogu heesaa Geella, Nin Dhaqashuu kuugu dhabar jabay, Ninna Dhuunibuu kuu dhex joogaa, Madaxweynaha waxaan leenahay maanta waxay taagan tahay raggii dhaqashada inaad u magacawdo beesha, Xiligii raggii dhaqashada aad u magacaabi lahayd ayay gaadhay”. Waxa kale oo uu yidhi“Wasiir umadda aan TV-ga kala hadlayso ee aad Warbaahinta kala hadlaysaa waa Umaddii aad wasiirka u ahayd, Waxaa nasiibdaro ah qofku haddii uu Umaddiisa kalsooni ka waayo inuu Warbaahinta tago oo uu ka caytamo waa Nasiibdaro,Nabadaynta dhibaatooyinkii dhacayna inaad adiga oo Wasiir ah dib u soo qodid oo hebelbaa wax dilay iyo Heblaayo ayaad wax dishay aad tidhaadidna waa Nasiib daro kasii wayn,Madaxweynaha waxaanu leenahay Ciddii idiin dhexayn lahayd umadda waakuwa sidaasi u hadlaya, waxaanu leenahay Madaxweyne Cid Kalsoon umaddaada ka haysata u magacaw, Adiguna Madaxweynehayagii ayaad tahay, cidii dhibaato tabanaysa inaad la xaajooto xaq ayaad u leedahay, dadkuna waa waxay kuu igamadeen, Wasiirku dhawr goor ayuu hadlay illaa afar jeer ayuu shir jaraa’id qabtay,waanu kayara indho qarsanaynay hore ulamaanu hadlin, waxaanu islahayn malaha waxbuu ka badeli doonaa, anagoo ku ixtiraamayna reerka uu ka soo jeedo oo karaamo leh waxaad moodaa inuu daman waayay”. Sidoo kale waxa uu yidhi: “Waxaa kaaga filan wasiirka Caaqilkiisii ayaa jabhadda u galay, kii caaqilka u ahaa ee Magta ka qaadi jiray ayaa Jabhadda u galay, kalsooni darro halkuu ka gaadhay, Madaxweyne yaan Dadkaaga iyo shacabkaaga lagugu dhufan, yaan been abuur lagaaga sheegin, qof aan kalsooni umadda ku haysan cid ku lahayn yuu ku nacsiinin shacabkaaga, waxa weeyaan jabhaddaasi uu eedaynayo ee Caare waxaa u galay Caaqilkii raaskiisa, intuu dad dhaq dhaqaajiyay waxa uu ku eedeeya Caaqilku waa waalaa,adeer ma waalayn eh markaad caynkaas u hadlaysid umadda iyo Xukuumaddooda waad isnacsiinaysaa, Madaxweynaha waxaan leenahay, anigu cuqaashii Xisbiga Kulmiye u soo ololaysay ayaan ka mid ahaa, Dhibaatooyinka jira iyo wax walba iyo cidii dhibaato tirsanaysa,waxaad tahay Madaxweynahayagii , waananu kula shaqaynaynaa, Waxanu mar labaad iyo mar saddexaadba leenahay, Wasiirkaasi cid kuma haysto Beeshan uu kasoo jeedo”. Ugu dambayn waxa uu yidhi“Wasiir waxaanu ku leenahay waxaa la yidhi Habar dhali wayday Alleelo u waalataye, waxba ha rafan, haddii aad shacabkaagii aad Wasiirka u ahayd ee aad Madaxweynaha u dhexayn lahayd aad kalsooni ka wayday waxba ha rafanne,waanu kuu ducaynaynaa, Waliba ku habaari maynee Masaajidkaagii ayaanu kuugu ducaynaynaa,  Siyaasaddana waad ku fashilantay, umadda reer Sanaagna waxaanu leenahay wixii aad tabanaysaa Kala Hadlay M/weynaha oo nabadda ilaaliya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here