“Waxaan Marwalba ku Shaqaynayaa Wixii Qarankan waxbarashadiisa Dan U Ah, Waana Mabda’a Kaliya ee Uu U Taagan Yahay Xafiiskayagu”….Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka

0
75
Lawadaag Asxaabta...

Hargaysa (Foore)- Shir jaraaid oo ay shalay wada jir u qabteen Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska Somalilnd iyo guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka qaranka Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon & Daauud Axmed Faarax  ayaa ay kaga hadleen imtixaannaadka shahaadiga ah ee Sanad-dugsiyeedkan oo dhawaan la filayo inay ardayda fasallada 8aad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa fasallada 4aad ee dugsiyada sare u fadhiisan doonaan.

Shirkan jaraa’id waxaa ay wasiir Faratoon iyo Guddoomiye Daauud kaga hadleen isla markaana sharraxaad dheeraad ah ka bixiyeen qorshaha uu xafiiska imtixaannaadku ugu talo galay in  uu imtixaanaadku ku bilaabmo iyo nidaamka ay ardaydu u geli doonaan iyaga oo geesta kale digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay carqalad ku noqdaan habsami u socodkiisa. WAsiirka waxbarashada oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa iftiimiyey in aanay haba yaraatee wasaaraddu ogolaan doonin in ay imtixaanaadka u fadhiistaan waxbarashada dugsiyada hoose dhexe kuwaas oo qaar kamid ah ardaydu isku daydo inay u boodaan fasallada 1aad ee dugsiyada sare iyaga oo sifoqaldanu maraya, isaga oo arrintaas ku tilmaamay nidaam waxbarashada ku qalad ah, waxaase uu ugu horeyn ka hadlay goorta ay u asteeyeen inay bilaabmaan imtixaannaadku “Imtixaannaadkii qaranka ee shahaadiga ahaa ayaa xiligiisii la gaadhay oo ku beegan bishan bilaabmaysa imika [June] dabayaaqadeeda, wallow aanaan wali cayimin maalinta ay ka noqon doonto”. “Waa wax qaldan in ay ardaydu ka boodaan sanadada loogu talo galay in ay waxbarashada dugsiyada hoose dhexe ku qaataan iyaga oo u booda meel aan loogu talo galin si ay u soo gaabiyaan mudada ay waxbarashada ku jiraan, arrintaasna waxaadmoodaa inay waalido badani ay carruurtooda raalli kala yihiin oo ay ku raacsan yihiin, carruurtiina marka ay aragtay in waalidkood uu la ogol yahay iskuullo badan oo kuwa gaarka loo leeyahay iyo dawlada ahina aanay arrintii waxba ka qabanayn waxay noqotay wax la caadaystay, sidaas darteed arrintaas ayaanu maanta rabnaa inaanu wasaarad ahaan aad uga digno, waxaanan shacbiga u sheegayaa hadday waallidka yihiin, hadday ardayda yihiin iyo hadday cid kasta oo ku leh tahayba inaanu mamnuucnay” sidaaas ayuu yidhi wasiir Faratoon, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay inay hadda haystaan qalab  u fududaynaya inay ku kala ogaadaan ardayda sifaha qaldan ku socda iyo ka jaranjarta waxbarashada aan ka leexan, waxaana uu yidhi “waxaanu u sheegaynaa  dadka inaanu hadda haysano qalab aanu ku qabano oo aanu ku garan karno in ardaygu soo booday…….waxaanu u sheegaynaa ardayda aanu qabanay  in aanu liisaskamagacyadooda soo dhejin doono,  iskuul kastana waxaanu u sheegaynaa inaan liisaskaas laga hor iman oo aan muran ka iman”.

Geesta kale Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daauud Axmed Faarax ooisna halkaas ka hadlay ayaasheegay inaan loo baahnayn inla carqaladeeyo shuruucda u degsan u fadhiisiga imtxaanaadka shahaadiga ah “annagu xafiis ahaan digreetada wasiirka ayaanu fulinaynaa ee nin walowba maqal waana saddex sanno ee qofkii afar sanno dhamaystay muran kumajiro, qofkii leh waan ka bukay imtixaankii fasalka 8aad ama tahriib baan kaga maqnaa ee dhukumenti cad haya guddida imtixaannaadka ayuu xafiiskooda keenayaa waxaana loo tirinayaa lodka uu ahaa nin kuu diidi karaana ma jiro markaa ama imtixaan ha lagaa qaado ama  sifo kale ha laguu maree arrintaada waa la gelayaa, annaguse waxaanu diidaynaa in ardaygu uu ka hor maro lodkiisii, markaa inanka sanad dugsiyeedkii 2014/2015 ka baxay sanadka dambe ayaanu u ducaynaynaa uun….Waxaananu leennahay qofna yaanu is macaashsiinin oo wax aanu xaq ulahayn aanu doonin, waayo Waxaanu ku Shaqaynayaa Mar Walba Wixii Dan U Ah Qarankan waxbarashadiisa  taasina waa Mabda’a Kaliya  ee Uu U Taagan Yahay Xafiiska Imtixaannaadka Qaranku”.sidaas ayuu yidhi Daauud Axmed Faarax, guddoomiyaha xafiiska imtixaannaadka qaranka Somaliland, waxaauu guddoomiyuhu geesta kale u mahad naqay guddida waalidiinta ee dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali Oo uu sheegay in ay raalli gelin ka bixiyey khaladkii ay ardayda dugsigaasi gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here