Wax Ka Ogow Sagaal Xaqiiqo Oo Ku Saabsan Hurdada Bani Aadamku Seexdo Iyo Mucjisooyinka Ku Jira

0
57
Lawadaag Asxaabta...

Haddii aynu nidhaa hurdo hala sharraxo ama si hoose haloo faaqido, umaleyn maayo in hal warbixin iyo wax la mid ah lagu sharrixi karo, Hase yeeshee  waxaan si kooban u soo bandhigaynaa sagaal arrimood oo hurdada ku saabsan. Balse inta aynaan qaybahaasi u gudbin aan eegno wuxuu Alle SWT ka yidhi hurdada. Allah Subxaanahu Watacaalaa ayaa qur’aanka inoogu sheegay hurdada wuxuuna yidhi: (Waxaanu Ka Yeelnay Hurdadiina Nasasho Iyo Raaxo, Waxaananu Ka Yeelay Habeenka Mid Ku Dedaaya Madowgiisa, Waxaananu Ka Yeelay Maalinta Risqi Raadsasho)

Khuburo badan ayaa isku hawlay in ay baadhitaan cilmiyeysan ka sameeyaan hurdada.waxeyna ka qoreen boqolaal buug oo hurdada uun ka hadlaya. Sida hordhaca qormadeenu uu ahaa aan mid mid u soo qaadano Sagaal Arrimood oo ku saabsan Hurdada waxaanay kala yihiin:

1-Bini’aadamku marka saddex loo qeybiyo hurdada noloshiisa oo dhan wuxuu ku bixiyaa 25 sano.

2-Waalidka ilmaha ugu horreeya ee u dhasha lixda bilood ee ugu horeysa ma qaataan hurdo ku filan ilaa laba sano uu ka gaadho Ilmahaasi.

3-Qof hurdo’laaan tii ugu dheereyd ku sugnaada inta la diiwaan geliyay adduunku waa ruux soo jeeday 11 maalmood iyo habeenadoodii oo xidhiidh ah.

4- Khubarada Cilmi Nafsigu waxa ay sheegaan in Hurdada ka yar 7 saacadood habeen kasta, ay yareyso rajada qofku ka qabo nolosha ee filashada (Your Expectations)

5-Dadka dhagoolayaashi ahi xiliga hurdada dhexdeeda waxey sameeyaan luuqad iyaga u gaar ah oo ay maskax ahaan iskula sheekaystaan.

6-Hurdo la’aantu waxay sababtaa in miisaanka Jidhkaagu uu kordho usbuuc walba, taasina ay keento caafimad darro.

7-Marnaba suuragal kuuma aha in adigoo hurda aad hindhisto. Khubarada Caafimaadka Jidhku waxa ay sheegaan in qofku marka uu hurdo aanu Hindhisi Karin balse ay Hindhisadu timaad isaga oo soo jeeda ama ugu yaraan dheelalaabaya.

8-Inta badan bini’aadamku wuu badbaadi karaa ugu badnaan laba bilood cunis la’aan, taasi badalkeeda dadku waxey soo jeedi karaan kaliya 11 maalmood hurdo la,aan.

8-Khubarada Arrimaha Hurdada baadhitaanada ku sameeyaa waxa ay sheegaan in Laba Saacadood oo Hurdo habeenimo ahi ka qiimo badan yihiin hurdo aad shan saacadood ka seexato maalintii.

9-Ma ogtahay bisadda waqtiga nolosheeda oo dhan marka leysku geeyo in 70% ay hurudo ku qaadato.

Illaa Imika Khubarada Cilmibaadhista ku wada Hurdada iyo Arrimaha la xidhiidhaa wax badan kama yaqaanaa sida Jidhku u Gam’o iyo Naftu sida ay noqoto mudada qofku gama’san yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here