Wax Ka Ogow Labada Waddan Ee Dadkoodu Ugu Caajis Badan Yihiin Shucuubta Adduunka!

0
36
Lawadaag Asxaabta...

Machadka Cilmi-baadhista arrimaha la xidhiidha nolosha dadka dunida ku nool ee ku yaalla waddanka Maraykanka ayaa toddobaadkan shaaciyey Cilmi-baadhis lagu sameeyey 20-ka waddan ee dadkoodu ugu caajis badan yihin dunida ama heerkooda firfircooni ugu hooseeyo marka la barbar dhigo dadka dalalka kale ku nool. Inkasta oo aanay cilmibaadhistani wada koobsan dhammaan qiimayn lagu sameeyey dalalka adduunka oo dhan ee dadkoodu caajiska yihiin gaarahaan kuwa dagaaladu ka socdaan hadana waxa ay daba socotaa daraasad tan oo kale ah oo sannadkii 2012 la sameeyey oo la xidhiidha arrintan. Qiimayntan ayaa lagu eegay sida dadka adduunka ku nooli ugu kala hooseeyaan dhinaca firfircoonida shaqo, socod, dadaal ama wax kasta oo lagu kala saaray oo la xidhiidha sida ay u kala caajis badan yihiin. Hadaba Labada  dal ee dadkoodu adduunka ugu caajiska badan yihiin ayaa u kala sarreeya sidan:

1- Jasiiradda Malta: Xaddiga Caajiska Jidheed 71.9%

Jasiiradda Malta oo ka mid ah dalalka Galbeedka Yurub ee kulaalaya Badweynta Mediterranean Sea ayaa la sheegay in ay noqdeen dadka adduunka ugu caajis badan ama firfircoonidoodu ugu hoosayso waxaana lagu cabbiray xaddiga Caajiskooda Jidh ahaaneed in ka badan Boqolkiiba Kaw Iyo Toddobaatan iyo Dheeraad. Dadka Maltese-ka ahi waxa ay yihiin dad aan wax badan shaqada jeclayn aadna u wahsi badan. Waxa ay aad u neceb yihiin in ay wakhti badan shaqeeyaan iyaga oo xaddiga caajiskooda ama firfircooni la’aantoodu badan tahay. Tirada dadka Malta waxa lagu qiyaasaa 452,51 oo qof waana dad jinsiyado kala duwan ka soo jeeda oo Kiristaan u badan.

2- Swaziland: Xaddiga Caajiska Jidheed 69%

Wadanka Yar ee Swaziland waa dal ku dhex yaalla wadanka Koonfur Afrika ee qaaradda Afrika. Waa dad dhaqankoodu aad u cajiib badan yahay oo isku xukuma nidaam boqortooyo. Shacabka Swaziland waxa la sheegay in ay kaalinta labaad ka galeen 20-ka waddan ee adduunka ugu caajis badan. Waa dad aad u wahsi badan oo aan jeclayn firfircoonida. Waa dad miisaankoodu weyn yahay oo qolof weyn. Shaqooyinka ugu badan ee ay qabsadaan waa xoolo dhaqato iyo reer Miyi duur gal ah. Xaddiga firfircooni la’aaneed ee jidhkooda waxa lagu qiyaasa 69% waana dad ad u hurdo iyo fadhi badan. Tirada shacabka Swaziland waxa lagu qiyaasaa 1,185,000 oo qof waxaana u taliya Boqor King Mswati III oo ah boqor Mswati-gii saddexaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here