Wax Ka Baro Liiska Baasaaboorada Dalalka Adduunka Ugu Awood Badan Iyo Kuwa Ugu Liita Ee Ugu Hooseeya

0
170
Lawadaag Asxaabta...

Baasaaboorada adduunka ee dalalku bixiyaan ayaa ah kuwo u kala qaalisan sida ay dadku u kala jecelyihiin in ay qaataan. Iyada oo ay ku xidhan tahay dalka baasaaboorka iska leh awoodiisa iyo sida dadka adduuunku u kala jecel yihiin in ay noqdaan kuwo dalkaasi qaata baasaaboorkiisa halka ay sidoo kale jiraan dalal ka mid ah adduunka oo lagu tilmaamo kuwa saaqiday (Failed States) kuwaasi oo aan baasaabooradooda laga jeclayn adduunka.

Waxaa laga yaabaa inaad rumeysanwaydo marka aad warbixintan akhrisato waayo waxaa dalalka ugu horreeya ku jira dalal aanay Soomaalidu jeclayn ama aanayn u haysan in ay yihiin waddamo magac iyo maqaam sare caalamka kaga jira. Hadaba akhriste warbixin dhawaan lagu qoray shabakadda Movehub.com ayaa ciwaankeedu ahaa “Sidee Baasaboorkaagu U Awood Badanyahay?.

Waxa ay warbixintani daaha ka rogaysaa wadamada baasaaboorkoodu yahay kuwa adduunka ugu awood badan ee haddii aad haysato aad fiise la’aan ku gali karto iyo inta dal ee aad fiise la’aan ku gali karto.

  • Wadamada kala ah UK, Sweden iyo Finland Waxaa baasaabooradooda lagu gali karaa 173 dal (Waana dalalka dunida ee baasaaboorkoodu ugu awoodda badan yahay)
  • USA, Germany, Luxembourg, Denmark 172 Dal
  • Belgium, Italy, Netherlands 171 Dal
  • Canada, France, Ireland, Japan, Norway, Portugal, Spain 170 Dal
  • Austria, New Zealand, Switzerland 168 Dal
  • Australia, Greece, Singapore 167 Dal
  • South Korea 166 Dal
  • Iceland 165 Dal
  • Malaysia, Malta 163 Dal
  • Liechtenstein 159 Dal

Sidaa daraadeed haddaan si kooban kuugu soo qabto dalalka ay baasabooradoodu ugu xooga badanyihiin caalamka waxaa ay Yihiin Maraykanka, Israel, UK, Russia, Germany iyo Holland. Dalalka baasaaboorkooda loogu neceb yahay adduunka waxa kaalmaha ugu horreeya kaga jira Baasaaboorada dalalka Soomaaliya, Afghanistan, Eritrea, Syria, Pakistan, Iraq iyo wadanka Zimbabwe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here