Wax Ka Baro Dalalalka Ugu Layaab Badan Dunida Iyo Arrimo Badan Oo Ay Gaar U Leeyihiin

0
232
Lawadaag Asxaabta...

Waddan kasta oo dunida ku yaalla oo ka mid ah qaaradaha dunida ee la degan yahay waxa uu leeyahay arrimihiisa gaarka ah iyo waxyaabo badan oo uu kaga duwan yahay dalalka kale ama ugu yaraan lagu xasuusan karo oo uu gaar u leeyahay. Dalal badan oo dunida ku yaallaa waxa ay leeyihiin arrimo aad u layaab badan oo ay lagama aarmaan tahay in aan ku cibro qaaddanaa. Dhaqaale ahaan, Milatari ahaan, Aqoon ahaan iyo Deegaan ahaanba waxa jira dalal badan oo arrimahaasi layaab weyn ku leh. Qormadan kooban waxa aynu ku eegi doonaa dalalka adduunka ugu layaab badan marka laga hadlayo arrimo badan oo ay gaar u leeyihiin.

Waa Kee Dalka Ugu Maxaabiis Badan Dunidu?

Dalka Maraykanka ayaa la sheegaa in uu yahay kan ay ku xidhan yihiin Maxaabiista adduunka ugu tiro badani. Inkasta oo Dalka Maraykanka ay ku taallo Taallada ugu weyn ee Xorriyaddu hadana Maraykanku waxa uu noqday waddanka Maxaabiista ugu badani ay xabsiyada ku jiraan. Tiro-koobkii ugu dambeeyey ee arrintan lagu sameeyo ayaa lagu ogaaday in wadanka Maraykanka oo ka kooban 52 State ay xabsi ku jiraan in ka badan Laba Milyan, Laba Boqol iyo Konton kun oo Maxbuus (2,250,000). Tiradaa aan soo sheegnay waxa ay ka dhigan tahay in Boqolkii qof ee Ameerikaan ahba hal qof maxbuus yahay. Tirada Maxaabiista dalka Maraykanku waxa ay ka noqonaysaa Maxaabiista Caalamka oo dhan boqolkiiba shan iyo labaatan (25%). Wadanka Shiinaha ayaa la sheegay in uu soo galayo kaalinta labaad isaga oo ah dalka labaad ee ugu Maxaabiis badan caalamka waxaana xabsiyada Shiinaha ku jira 1.5 Milyan o Maxbuus oo Chinese ah. Waxa kaalinta saddexaad ku jira wadanka Ruushka oo ay xabsiyadiisa ku jiraan in ka badan 870,000 oo maxbuus. Dalalka Cambodia, Ukraine, Sudan, Itoobiya, Eretria, Pakistan, ayaa la sheegay in ay maxaabiis badan hayaan

Wadanka Mongolia: Wuxuu Noday Dalka Ugu Yar Xagga Culayska Deegaan

Haddii aad ku nooshahay wadanka Mongolia ee Koonfur Bari Asia ka werweri maysid dhul ballaadhan oo aad kalidaa mushaaxdo. Waa dhul ay dadka ku nool iyo bedka uu ku fadhiyaa aad u kala weyn yihiin oo culayska deegaanku aad ugu yar yahay. Daraasad lagu sameeyey dabeecadda Juquraafiyeed iyo Bulsho ee dalka Mongolia waxa lagu ogaaday in celcelis ahaan qofka Kali ah ee Mongolian ah uu ku soo hagaagayo Bed dhan 2km oo isku wareeg ah. Tirada dadka Mongolian-ku waxa ay dhan tahay Laba Milyan iyo Badh waxaanay haystaan dhul badkiisu ka badan yahay 1,564,116 square kilometers, waxaana lagu tilmaamaa waddanka 19aad ee adduunka ugu ballaadhan masaafo ahaan isaga oo bed ahaan ku xiga dalka Iran. Qoys kastaa waxa uu leeyahay dhul aad u baaxad weyn waxaanay dadkaasi dhaqan ahaan ku nool yihiin xoolaha iyo beeraha. Dalalka Ruushka iyo Shiinaha oo dalkan xuduud ahaan midba dhinac xad kala leeyahay ayaa xidhiidho ay la leeyihiin dalkan waxa ay heshiisyo kula galaan in ay dhulkan ka faa’iidaystaan beero ahaan iyo dhirta laga sameeyo looxaanta oo dalkani qani ku yahay.

Niger: Waddanka Da’ Ahaan Dadkiisu Ugu Yar Yahay

Wadanka Niger oo ka mid ah dalalka ku dhaca Galbedka qaaradda Afrika ayaa la sheegaa in uu yahay waddanka celcelis ahaan dadkiisu ugu da’ yar yahay dunida oo dhan. Boqolkiiba Konton dadweynaha ku nool wadanka Niger waxa la sheegaa in celcelis ahaan ay ka yar yihiin da’da 15-jir. Tan macnaheedu waxa weeye in dadka wadanka Niger ku nool kala badh ka hooseeyaan da’da 15 Jirka waxaanay sidaa ku noqonayaan dadka adduunka celcelis ahaan ugu da’da yar. Dhawr arrimood ayaa la sheegaa in ay arrintan sabab u tahay. Dalka Niger oo ka mid ah dalalka adduunka ugu saboolsan ayaa la sheegaa in uu yahay mid taranku xawaare sare ku socdo balse ay ubadka intooda badan u le’daan xanuuno iyo nafaqo darro halka dhimashada dadka waaweyni aad u sarrayso taasina keenayso in ay aad u kala bataan dadka dhalanaya iyo dhimashada dadka waaweyni. Xafiiska qaramada Midoobay u qaabilsan dadweynaha ee UNFPA ayaa warbixin uu dalkan ka soo saaray sannadkii hore waxa uu ku sheegay in dalka Niger yahay kan celcelis ahaan dadkiisu boqolkiiba 50 ka yar yihiin 15-jir sidaana uu ku noqonayo dalka dadkiisu ugu yar yahay dunida da’ahaan.

Haiti: Wadanka Haiti ee ku yaalla Jasaa’irka Caribbean-ka waxa la sheegay in gabi ahaanba dhirtii ku taallay ay dabar go’day isaga oo dalkaasi noqday waddanka geedaha ugu tirada yari ku yaallaan. Waddanka Haiti oo beryaha qaarkood ahaa waddan ay ku yaallaan geedo waaweyn oo aad u tiro badani ayaa maanta noqday waddan aan gabi ahaanba wax geed ah lahayn oo dhirtii ka dabar go’day. Sawiradii ugu dambeeyey ee laga soo qaaday dhinaca satellite-ka ayaa muujinaya in dalkaasi noqday dal aan geedo lahayn iyada oo qofku dheehan kara xudduudda uu dhinac walba Haiti ku leeyahay iyada oo aanay wax geedo ahi kuu muqanayn.

Canada:  Wadanka ee ku yaalla Woqooyiga Qaaradda Ameerika ayaa la sheegaa in uu yahay waddanka adduunka dadkiisu ugu waxbarasho badan yihiin. Si kale haddii aan u dhigno, dadka Canadian-ka ah ayaa cilmi baadhis lagu sameeyey lagu ogaaday in ay yihiin dadka dunida ugu tacliin badan. Cilmi-baadhis dalkan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in dadka reer Canada celcelis ahaan boqolkiiba Konton 50% ay yihiin kuwo waxbarashadoodu ka sarrayso heerka Dugsiga Sare. Waxa kaalinta labaad ku jirta wadanka Israel oo dadkiisa wax bartay ee tacliintoodu ka sarrayso dugsiga sare ay dhan yihiin 45%. Halka dalka Japan dadkiisu celcelis ahaan waxbarashada dugsiga sare kor u dhaafeen oo ay ka sarreeyaan boqolkiiba afar iyo afartan 44%.

Libya: Wadanka ugu saxare dheer dunida. Juquraafi ahaan dhulku waxa uu yahay mid kala duwan. Dhulka qaarkii waa biyo, qaar waa buuro, kuwo kale waa dhul hoose oo kaymo ah halka dhulka in badan oo ka mid ahi yahay saxare lama degaan ah oo aad u dheer. Akhriste, Cilmi baadhistan dalalka adduunka ugu layaab badan waxa mudadii lagu hawlanaa ururinteeda lagu ogaaday in dalka Libya yahay waddanka leh Saxaraha ama lama degaanka ugu dheer dunida ee aanay cidi daganayn. Ku dhawaad boqolkiiba Sagaal iyo Sagaashan (99) dhul weynaha wadanka Libya waxa la sheegaa in uu gabi ahaantii yahay dhul saxare ah waxaanu sidaa ku noqonayaa wadanka ugu saxare weyn dunida ee dhulkiisu ugu lama degaan sanyahay. Isaga oo sidaa saxare u ah waxa mucjiso ah in dalka Libya saxarihiisu yahay mid hanti macdaneed ka buuxdo sida shidaalka noocyadiisa kala duwan iyo macdanaha kaleba taasi oo ka dhigtay in dalka Libya noqdo dalka ugu hodansan dalalka ay jaarka yihiin ee ku yaalla Mandaqaddaaasi woqooyiga Afrika iyo dalalka kulaalaya Badda dhexe. Wadanka Libya ayaa saxarihiisa lagu tilmaama kan ugu baaxad weyn iyada oo aanay cidi ku noolaan Karin goobihiisa qarfada ah.

Jasaa’irka Falkland: Jasaa’irka Falkland waxa la sheegaa in tirada dadka ku nooli ay yihiin 3000 o qof kuwaasi oo ilaahay ku mannaystay xoolaha nool gaar ahaan Adhiga oo jasaa’irkaasi si weyn ugu dhaqma aadna dadka jasiiradahaasi ku nooli u dhaqdaan. Hadaba arrinta layaabka lihi waxa ay tahay in tirada inta neef ee adhi ah iyo tirada dadka jasiiraddaasi ku nool aad u kala badan yihiin oo adhigu ka badan yahay dadka. Cilmi baadhis lagu sameeyey Jasaa’irka Falkland ayaa lagu ogaaday in ay ku nool yihiin in ka badan 500-kun oo neef oo adhi ah taasi oo ka dhigan in celcelis ahaan Halkii qof ee Jasaaridkan ku nool ay ku soo hagaagayso 150 neef oo adhi ah haddii adhiga dhulkaasi ku nool loo qaybiyo tirada dadka ku nool yar iyo weynba. Dhaqan ahaan waxa la sheegaa in dadka ku nool Jasaa’irka Falklands ay aad u jecel yihiin dhaqashada Adhiga iyo guud ahaan xoolaha.

Sa’udi Arabia: Wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxa la sheegaa in uu yahay waddan aan haba yaraatee lahayn wax haro ah (Lakes). Qaab dhismeedka dhulkaasi Sucuudiga ayaa baadhitaan lagu sameeyey waxa lagu ogaaday in aanu haba yaraatee wadankaasi Barakaysani lahayn wax haro ah oo ay biyo fadhiyaan. Qaab-dhismeedka Juquraafi ahaan ee dalka Boqortooyada Sucuudigu waxa uu leeyahay Dhul Buuro ah, Dhul saxare ah, Togag biyuhu maraan oo ay badda kaga darsamaan iyo dhul beeraha ku wanaagsan sida Gobolada qaarkood balse haba yaraatee arrinta layaabka leh ayaa ah in aanu dalkaasi haba yaraatee lahayn meel yar oo biyo fadhiistaan ama haro ah.

Malta: Waddan tirada dadkiisa ee dalka gudihiisa ku nool iyo kuwa dibadda kaga nooli is le’eg yihiin ama ay qaddar kooban ka badan yihiin kuwa muwaadiniinta dibadda dalkoodaasi uga dhooftay. Dhaqaale xumi dalkaasi sanado badan ka hor ku habsatay ayaa keentay in inbadan oo ka mid ah reer Malta dibadaha u yaacaan gaar ahaan dalalka kale ee reer Yurub si ay uga raadsadaan nolol dhaanta ta dalkooda ka jirta. Muhaajirnimada reer Malta waxa ay gaadhay in ay kala bataan dadka dalkaasi ku hadhay iyo kuwa ka dhoofay waxaana badan kuwa ka dhoofay ee sababo dhaqaale uga dhoofay dadkaasi oo dalkan ka baxay intii u dhaxaysay sannadihii Toddobaatameeyadii illaa aakhirkii sagaashameeyaha. Jasiiradda Malta oo dhinaca ku haysa dalka Talyaaniga ayaa dadkeedu waxa aad ugu dhoofeen dalalka Scandinavian-ka iyo galbeedka Yurub.

Dadweynaha ku nool Jasiiradda Malta ayaa muddooyinkan dalkoodu dhaqaale ahaan soo hagaagayaa inkasta oo ay wali yihiin dal sabool ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here