Wax Ka Baro 10 Astaamood Oo Ay Leeyihiin Dadka Guuleystaa, Iska Hubi In Aad Qaarkood Leedahay!

0
392
Lawadaag Asxaabta...

Guushu waa shay qof kastaa jecel yahay inuu Gaadho, balse waxa lagu kala duwan yahay Dariiqyada lagu raadiyo oo kaliya. Cidda Guusha gaadhaa waa dadka hormoodka ah ee lagu daydo ama inta Badan lagu Hamiyo in la gaadho marxaladda ay ku sugan yihiin. Haddaba qormadan kooban waxa aan ku soo qaadan doonaa 10 ka mid ah Astaamaha ay leeyihiin Dadka Guulaha Gaadhaa. Astaamahaasi tobanka ahi waxa ay kala yihiin:

1- Marnaba Marmarsiiyo Lama Yimaadaan: Haddii aad dhab ahaantii raadinayso guul waa in aad joojisaa cudurdaarrada iyo marmarsiiyaha aad cuskanayso, waayo waxba kama faa’iidaysid balse dib ayay kuu dhigaysaa, Alle talo saaro, tiigsigaagana ku toosnoow mar walba.

2- U Roonaanta Dadka Kale: Dadka badanaa nolosha guulaha ka gaadhaa waxay wax u tareen dad kale, waayo heerkaa ay gaadheen kumay gaadhin kaligood ee waxay ku gaadheen caawimo uga timid dadka kale.

3- Shaqo Aan Kala Go’ Lahayn: Marka ay liibaanayaashu ama guulaystayaashu u socdaan inay xaqiijiyaan yididiilooyinkooda waxay u shaqeeyaan habeen iyo maalin si aan kala go’ lahayn, ma daalaan mana caajisaan ilaa ay xaqiijiyaan waxa ay raadinayaan, dadkani waxa ay toosaan habeenkii si ay u raadiyaan yididiiladooda isla markaana waxaad aragtaa iyagoo subixiina arrinkan raad guridiisa ku jira.

4- Awood Iyo Karti Sarraysa: Hadii aad dib u raad gurtid taariikhda waxaad helaysaa in dhamaan guulaha la gaaadhay waqti kaste ay ku hareeraysantahay awood iyo karti aad u heer sarraysa, taasi oo ka dhigtay in dadkii guulahaasi gaadhay ay marba marka ka dambaysa u sii dhawaadaan heerka ay hiigsanaayaan, iyaga oo isla markaasina awoodoodu sii kordhaysay.

5- Mabaadiida: Waxa ugu wayn ee guulaha gaadhsiiyay dadkii nolosha hore guusha uga gaadhay waxa weeye mabaadiidooda, mabda’aagu waa waxa hore kuu socodsiiya kuguna caawiya inaad gaadhid yididiiladaa, noqo qof mabda’ leh.

6- Iimaan Adag Oon La Liijin Karin: Cidda guulaha waawayn u saaxiibka ahi iimaankoodu amaba waxa ay ka aaminsanyihiin yididiiladooda marnaba kama habaabaan, in badan oo noloshooda ka mid ah ayay la kulmeen cid ka shakida, cid dhaleecaysa iyo cid wax xun ka sheegtaba, balse iskadaa inay arrintani cabsi galisee waxay kusii caawisay inay kusii adkaystaan yididiiladooda iyo shaqada oo ay kordhiyaan isla markaana wadaan ilaa ay ka gaadhaan guusha ay rabaan.

7- Sababta Ka Dambaysa Guusha: Cid kasta oo guul gaadhay waxa ka dambaysay sabab ku dhalisay inay heerkaa gaadhaan, sababtaas oo dhimbiil ka dhex shida maskaxda qalbiga iyo ruuxda qofka si aanuu u fadhiisan ilaa iyo uu gaadhayo heerka uu tiigsanayo una dhaafo dhibaatooyinka kaga imanaya arrinkan sababtiisa.

8- Baadhis Mug Dheer: Dadka guulaystaa waxay aad u darsaan amaba u baadhaan waxa ay rabaan inay gaadhaan oo ay xaqiijiyaan si ay si fudud u rumeeyaan riyooyinkooda iyo yididiiladooda.

9- Garab Marida Dhibaatooyinka: Dadka guulaysta waxa ay si fudud u garab maraan dhibaatooyinka soo waajaha, oo ma noqdaan qaar halkaas ku joogsada oo yididiilooyinkooda kaga hadha dhibaatadaa ay la kulmeen awgeed balse waxay sii galisaa xamaasad iyo awood dheeraad ah oo ay hore ugu socdaan.

10- Alle Ka Cabsi Iyo Cibaado Suuban: Kani waa qodobka ugu muhiimsan qormadan uguna miisaanka culus, dhamaan waxa aan kor kusoo xusnay tabaha loo maro guusha nolosha aduunyo, balse ninka sida dhabta ah u guuleystay waa ninka qodobada kore ku dhaqma balse aas aaskiisa koowaad ka dhigta Alle ka cabsi iyo cibaado suuban, taasoo kuu horseedeysa in aad wax walboo dadaal aduunyo aanay ku ilowsiin aakhiradaada isla markaana aad u marto jidka saxda ah ee Alle SWT raali ka yahay, Guuleystaha halyeyga ahina waa ninka dunida ka gaadha meel sare oo dadku ku daydaan, aakhirana Jannadiisa ku tamashleeya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here