Wax Ka Baro 10 Arrimood Oo Lagaga Hor Tagi Karo Sixirka, Isha Iyo Xaasidka Oo Aad U Muhiim Ah

0
343
Lawadaag Asxaabta...

Wuxuu Ku Sheegay Ibnu Qayyim Kitaabkiisa Badaa-ic alfawaaid Toban arrimood Oo Lagaga Hortagi Karo Sixirka Isha iyo Xaasidka, ilaahay idamkiina gaashaan kaaga noqon kara dhammaan saddexdan arrimood ee soo sheegnay, waxaanay Tobankaa Arrimood kala yihiin:

1-Magangalka ilaahay iyo dhufeys-ka-dhigashada Xuska Ilaahay SWT oo ah gaashaanka koowaad ee kaga hortagi karto Saddexdan arrimood.

2-Cabsida ilaahay Oo Macnaheedu Yahay Raacidda Waxa Eebe Faray iyo Ka Dheeraanshaha Waxa Uu Reebay Waayo Qofka ilaahay Ka Cabsada Cabsi Dhab ah Wuxuu ilaahay Kafaala Qaadayaa Xifdintiisa iyo Dhawridiisa

3-Waa inuu U Daayo Cadawga Xaasidka ah Ilaahay SWT, Waayo Dhagarta Xumi Waxay Xaaqdaa Dadkeeda.

4 –Talasaarashada Ilaahay: Qofka Tala Saarta ilaahay Waxaa Dhab ah inuu ilaahay Ku Filanyahay. Talo saarashaduna Waa Waxa ugu Wayn Ee adoonku Kaga Hortago Waxa Tamartiisa Ka Wayn Oo Ah Dhibaatooyinka uunka.

5-In Qalbiga Laga Saaro Danaynta Xaasidka. Waa in Aan Dheg Jalaq Loo Siin Xaasidka Lagana Cabsanin.

6- U jeedsiga Xagga ilaahay iyo Badhaxtirka Cibaadadiisa iyo Xaqqiisa.

7-Towbada Oo Laga Toobbad-keeno Danbiyada oo Dhan Kuwaad Ogtahay iyo Kuwa aanad Ogaynba Waayo Badanaa ibtiladu Waxay uga Timaadaa addoonka Dunuubtiisa

8-Sadaqaysiga: Sadaqada iyo Sama falkuba Waxay Kaalin Wayn Ka Qaataan Celinta isha iyo Sixirka

9-Daminta Dabka Xaasidka Taas oo Loo Adeegsanayo Jidka ixsaan iyo Samafalka Waa in Loo ixsaan Falaa Si aad Uga Badbaadid Xaasadkiisa iyo Waxaa la Arkaa in uu Ku Tixgaliyo Ama Kaa Xishooda Sida Loo Yiriba Af Wax Cunay Xishoo Taas isagoo ilaahay Ka Hadlayo Ayaa Wuxuu Yiri (Mana Eka Wanaagga iyo Xumaantu Reebna (Bixi) Arinta Fiican Markaas Waxaa Soobixi in Midkii Coli idin Dhexyiil uu Noqon Sokeeye iyo Saaxiib{ Fusilat 34}

10-Waa in la Xaqiijiyaa oo La Dhabeeyaa Tawxiidka ilaahay Lagana Dheeraadaa Shirkiga Ama Waxa la Wadaajinta ilaahay Subxanuhu Watacalaa Cibaadadiisa Taas Markii la Helo Wuxuu Helayaa Qofka Amni iyo Xasilooni. Taasi oo ah tallaabo muhiim u ah ka hortagga dhibkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here