Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Shalay Dalka Ku Soo Dhaweeyey Xoghayaha Difaaca Dawlada Ingriiska

0
182

Hargeysa, January 7, 2019- (Foore)- Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Somaliland Eng. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismacil Taani ayaa dalka ku soo dhaweeyey Xoghayaha difaaca dawladda Ingriiska  Gavin Williamson, oo shalay booqasho kedis ah ku yimid Somaliland sidoo kalena la kulmay Markii dambe Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhigga Somaliland Md. Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan Xoghayaha Difaaca Dawladda Ingriiska oo si weyn ay wada shaqayn weyn leeyihiin kaasi oo tilmaamay in ay Somaliland danaynayso cid kasta oo wada shaqayn la rabta in ay soo dhawaynayso waxaana hadaladiisa ka mid ah: “Waxaanu dalka ku soo dhawaynay Xoghayaha Difaaca Dawladda Ingriiska Mr Gavin Williamson, oo aanu wada shaqayn leenahay ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa cid kasta oo wada shaqayn diyaar u ah, Somaliland higsigeedu waa qaran horumara oo la talaabsada wadamada Caalamka”. Ayuu yidhi Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf.

Masuuliyiinta Wasaaradda Gaashaan dhigga iyo Taliska guud ee Ciidamada qaranka Somaliland ayaan la ogayn ajandaha kulankaasi ay l aqaateen Xoghayaha Difaaca Britain iyo waxa ay ka wada hadleen balse waxa xusid mudan in dawladda Ingiriisku ka mid tahay dawladaha Somaliland ka taageera dhinaca Millatariga iyo Ammaanka isaga oo Gavin Williamson uu kulankaasi madaxdan kula qaatay Miiska saraakiisha ee Taliska ciidamada qaranka Somaliland.

Imaatinka Xoghayaha difaaca dawlada Ingriiska (Uk) Gavin Williamson  ayaa ku soo beegmaya xili wasaarada gaashaandhigu ay horumaro iyo dadaalo ay ku doonayso in ay kor ugu qaado dhanka xidhiidhka iyo wada shaqaynta dawladaha dibada uu yimi taasi oo doonaysa in ay kor u qaado dhanka Amaanka guud, hanaanka xaqsiinta ciidamada ayaa la filayaa in uu wax weyn ka qaban doono Xoghayaha difaaca ee dawlada Ingriisku.

Xoghayaha difaaca dawladda Ingriiska  oo ah masuul meeqaam sare ku leh dawlada Ingriiska ayaa safarkan uu dalka Somaliland ku imid ahaa mid meeqaamka iyo qaranimada Somaliland wax weyn ka taraya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here