Wasiirka Deegaanka Somaliland Marwo Shukri Baandare Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya in Ay Is Casilayso

0
308
Lawadaag Asxaabta...

Hargaysa (Foore)Wasiirka Wasaarada Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Baandare) ayaa ka hadashay wararka sheegaya in ay waraaqdii is casilaadda ay u gudbisay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Taas oo Ay kaga tagayso Xilkii Wasiiro.

Wasiirka Deegaanka Oo Khadka Taleefanka Kula Soo xidhiidhay Shabakadda Caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa sheegtay inaanay waxba ka jirin wararka ay faafiyeen qaar ka tirsan warbaahinta taas oo sheegaya in ay is casilayso wasiirku.

“Waxaana halkan kaaga sheegayaa inaanay jirin xil aan iska casilayo iyo waliba meel aan ku soo hadal qaaday inaan iskaga tagayo xilka wasiirnimo ee uu ii magacaabay madaxwaynaha somaliland mudane Muuse Biixi cabdi,xilkayga waan joogayaa inta aan qaranka u shaqayn karayo hawsha waan wadayaa,lakiin dadka wararka beenta ah warbaahinta ku faafinaya waxaan leeyahay joojiyay war Xumo tashiilka oo bulshadda ka daaya marin habaabinta.
Wasiirka waxa ay intaas ku dartay iyadda oo hadalkeeda siiwadata.”Madaxwaynaha anigu markasta waan uga mahad celinayaa xilka uu ii dhiibay meel aan isku casilayaana majirto,halkan waxaan ka tilmaamayaa inuu warkaasi yahay been abuur aan geedna loogu soo gaban.
Hadalkan Wasiirka ayaa yimid markii ay maanta saxaafadda qaar baahiyeen in ay is casilayso wasiirka deegaanku,Waxaana ay wasiirku sheegtay in ay markasta uga mahad celinayso xilka uu madaxwaynahu u  igmaday” Mana jiro qorshe Aan isku casilayo.ayay tidhi wasiirka deegaanka oo u waranta hadhwanaagnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here