Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Tacab iyo Dedaal Badan Ayuu Geliyey Dabinta Colaada Ceel-afweyn.

0
69
Sida aynu wada ognahay muddo haatan laga joogo ku dhowaad sanad ayay markii loo gurmaday Colaada Degmada Ceel-afweyn, iyada oo aan loo kala hadhin marka la eego nummadda reer somaiand, ergooyin isugu jiray culumaa’iidinka ugu waaweyn somaliland,
Xukuumada, salaadiinta, aqoon yahan , dhalinyaro iyo haween intaba.
Hadaba hawsha intaa le’eg ee la geliyey degmada Ceel-afweyn iyo dabinta colaada, waxaa hormood ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo ahaa shaqsigii ay ku dhacaysay waxaas oo hawl ah, sidoo kalena hoggaaminayey weftigaas cuslaa ee
ay somaliland oo dhami ka wada muuqatay ama qaybta ka wada ahayd intoodii aqoonta loo bidayey.
Wasiir Maxamed Kaahin, waxay ku qaadatay bilo badan in uu dhexda u xidho oo uu fadhiyo degmada Ceel-afweyn, hawshiina waa tii lagu guulaystey ee la soo afjaray, guulna ay ku soo dhamaatay, iyada oo cadaalad loo sameeyey beelihii halkaas ku diriray, waxaana ka soo baxay
halkaas go’aan ay ku wada qanceen labada dhinac. Iyada oo ay sidaa tahay waxaa ka soo noqday arrintaa tuur tuur danbe oo ay ugu waynayd tii
labadii cisho ee ugu danbaysay ka dhacday degaanka Darar-wayni ee Degmada Ceel-afweyn, halkaas dad badani ay ku dhinteen dagaalka labada beelood ee walaalaha ah.
Waxaa iska cad in khaladka halkaa ka dhacay ay leeyihiin labada beelood ee walaalaha ah,kuwaas oo noqday kuwo dhiigu xalaal u noqday ama aanuba qiimo la lahayn qofka dhimaya, waxay ka xishoon waayeen Ilaahay {WTC}, waxay ka xishoon waayeen ummadda reer
somaliland ee maalin walba ka naxaysa arrintaa, waxay ka xishoon waayeen wada dhalashadooda iyo wax isu ahaan-shahooda, waxay caadaysteen daadinta dhiiga.
Hadaba arrinta noocaas ah ee iska cad ayaa shaqsiyaad maan-gaab ah waxay ku eedaynayaan xukuumadda iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan ku soo xusay kor dedaalka uu geliyey soo afjarida colaada Ceel-afweyn.
Waxaynu wada ognahay in xukuumada iyo Wasiirkeeda arrimaha gudaha, laamaha kale ee ammniga in Ceel-afweyn la geeyey ciidankii ugu badnaa, kaas oo ahaan lahaa kii   dalka cadawga dibeda ka difaaci lahaa, waxaa halkaa loo geeyey ilaalinta ammniga ee degaanka Ceel-afweyn, iyada oo maalin walba hadana ay dhibaato ku hayaan dadka degaanku, iyana ay dadkooda u dulqaataan, taas ayaa muujinaysa sida aan xukuumadu
aanay waxba kuga hagran colaada Ceel-afweyn, balse ay dadku yihiin kuwo itixaaman.
Gunnaanad
Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa in Wasiir Macamed Kaahin iyo xukuumaduba ay dedaal badan geliyeen soo Afjarida Colaad Ceel-afweyn, wax allaale
wax laga hagradayna aanay jirin, dadka aamisan xukuumadda ayaa dayacday colaada Ceel-afweyn, waxaan u arkaa dad uun garan waayey qaab ay wax u dhaliilaan oo maan- gaabnimo haysa.
Qofkasta oo caqligiisu feyewyahay wuu ogyahay doorka uu ka qaadan karo colaada
Ceel-afweyn, balse ninka wax dhaliilayaa waa nin aan jeclayn in ay colaada Ceel-afweyn
dhamaato.
Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa Somailand

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here