Wasiir Xukuumaddii Siilaanyo Ka Tirsanaa Oo Dirawalnimo Ku Shaqaysta Iyo Xiisaha Ku Duugan Waxyaaba Uu Dadka Kala Kulmo -“Anigu Waxba Maan Boobin Ee Miskiinkaasaan Ahay”

0
80
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 7, 2018- (Foore)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Cali Cilmi Geelle ee Xukuumadii Axmed Siilaanyo ayaa noqday Dirawal Gaadhiisa ku shaqaysta waxaanay dhacdadani soo jiidatay inta badan indhaha Shacabka Somaliland kadib markii uu si layaableh uga sheekeeyay sida uu ugu shaqaysto iyo Su’aalaha cajiibka ah ee Bulshada kaga yimaada,waxa uu sheegay in dad badan layaabeen in isagoo Xil Wasiirnimo soo qabtay uu dirawal noqdo,waxaana uu sheegay in Masuuliyiinta lamidka ah ee aan sidiisa oo kale u Shaqo tagin ay suurtagal tahay inay hanti boob sameeyeen oo ay meel dhigteen,balse aanu isago wax mushaharkiisa dhaafsiisan heli jirin.

Masuulkan oo Waraysi khaas ah siiyay Telefishan Eryal ayaa waxa uu yidhi“Waa Run oo Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhsiinta ayaan ahaa,oo waxaan ka tirsanaa Xukuumaddii hore ee Siilaanyo,Imikana Baabuurkan aniga ayaa leh oo Cali Cilmi ahaan ayaan u leeyahay,Markaa waxa uu ka mid ahaa Baabuurtii loo kireeyay inay u shaqeeyaan Gudiga Imtixaanaadka Shahaadiga ah,anigu waxaan ka mid ahaa Raggii Imtixaanaadkan shahaadiga ah samayn jiray barigii hore,laakiin sanadkan waan ka maqnaa,Saylac ayaan ku maqnaa,markii aan imid Waxaa la igu yidhi Baabuurkaaga ayaa kuu shaqaynaya”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Dabadeed Furahaygii ayaan soo qaatay,aniga ayaa wata Baabuurka,Shanta Subaxnimo ayaan kacaa, saddexda galabnimo ayaan halkaasi ka tagaa,waayo waxa weeyi haddii aan ahaan jiray Wasiir, dee maanta ma ihi,Lix sannadood ayaa ka soo wareegtay,Qofku inuu shaqaysto weeyi, Kolba meesha ay gasho ayaan galinayaa, waayo ma lihin “retirement Age” Kuwa la yidhaahdo Wasiir ayuu ahaan jiray waa kuwii Wax boobay,anigu waxba maan boobin,Miskiinkaasi ayaan iska ahay,iska Awliyadda ah ee Khayrka leh,Waanan shaqaynayaa”.

Mar wax laga waydiiyay Su’aalaha layaabka leh ee kaga yimaada dadka ay kulmaan isagoo dirawalnimo ku shaqaysanaya ee hore u ogaa inuu Xil wasiirnimo soo qabtay ee la yaaba ayaa waxa uu yidhi “waxa ay ku odhanaa oo ma adigoo Wasiir ah ayaad dirawal noqonaysaa,waxa weeyaan Dantu meeshii ay ku galiso ayaad galaysaa,haddii aan haysto waxaan kaga maarmo dirawlnimadan maanta baabuurkan, dee maan imaadeen,laakiin ma haysto,Lixsanadood ayaa ka soo wareegtay wakhtigii,Mushahar la ima siiyo,lacagtii da’da lagu bixinayay (Pension) majirto,Markaa ma waxaan odhanayaa Wasiir ayaan ahaan jiray oo meel ayaan fadhiisanayaa”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Waxbana hore umaan dhicin oo ninkaasi mushaharka qaadanayay uunbaa ahaa, markaa dadna way igu farxaan oo waxay yidhaahdaan nin wanaagsan ayaa tahay oo shaqaysanaya, dadna waxay yidhaahdaan,Wasiir ayuu ahaaye maxaa ku kalifay Baabuurka inuu kaxeeyo, Waxaan umadda u sheegayaa,waar dalkeenu waa dal Cusub oo dhismaya,shaqadu maaha cay ee Waa sharaf,shaqo kasta oo timaada oo aan qaranka u qabanayo diyaar ayaan u ahay,waanan la shaqaynaa,Dhinacii siyaasada dalkuna aad ayay u wanaagsan tahay, Madaxweynaha hadda joogaan waa nin dadaalaya,waxaan leeyahay waar la shaqeeya,nin walba halala shaqeeyo wakhtigiisa,Anagu waanu la shaqaynaynaa,waanu dadaalayaa,Illaahay haku garab galo ayaan leenahay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Ex wasiir Cali Cilmi Geelle.

Halkan Ka Daawo Hadalka Siyaasi Geelle:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here