Wasiir Maxamed Kaahin Oo U Caqli Celiyay Madaxweynaha Shaqada Ku Cusub Ee Soomaalida Itoobiya, Tafsiir Dheerna Ka Bixiyay Xidhiidhka Qotoda Dheer Ee U Dhexeeya Somaliland Iyo Itoobiya.

0
87
Lawadaag Asxaabta...

“Somaliland Waxay Ku Sii Adag Tahay Xidhiidhka Labada Dal, M/Somalida Itoobiyana Waxaanu Leenahay Saaxiib Nagama Kaa Qabato Inaad arintaasi noola timaado ee isaxa oo ka noqo arintaasi”.

Hargeysa(Foore) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Muj Maxamed Kaahin Axmed ayaa jawaab Caqli celin ah u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya oo hadal meel ka dhac ku ah Somaliland uu kasoo yeedhay, waxa uu Wasiir Maxamed kaahin u tafsiiriyay xidhiidhka Amni, Ganacsi iyo bulsho ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyo sida ay Somaliland uga qayb qaadatay ee ay hantidii wakhti shaqaaqada lagala soo baxsaday dib ugu celisay, waxaanu ka dalbaday inuu hadalkaasi deg deg u saxo oo uu ka noqdo. Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay dhici Karin in Cid nabadgalyo daro la maagan Dalka Itoobiya ay ku dhuumato Somaliland Gudaheeda.

Wasiir Maxamed Kaahin oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa ayaa waxa uu yidhi “Maalin dhawayd Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya hadal ayuu jeediyay kaasi oo uu sheegay in dadkii dambiilayaasha ahaa ee arimihii barigii dhawayd Kililka Shanaad ka dhacay Somaliland iyo meelo Soomaaliya ka mid ah, kuwaasi oo uu sheegay inay Somaliland kasoo maleegayaan Dhagaro iyo Qaraxyo ku waajahan Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Marka ugu horaysa aad iyo aad ayaanu uga xunahay inay arintaasi kasoo yeedho madaxweynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,  Dawladda Somaliland aad iyo aad ayay uga xuntahay”.

Waxa kale oo uu yidhi“Waxaanu sheegaynaa Madaxweynaha DDS Itoobiya, Somaliland muddo dheer illaa 1991-kii intii ay Somaliland dib ula soo noqotay Xorriyadeeda, Mudada 30-ka sannadood ku dhawaadka ah xidhiidh aad iyo aad u wanaagsan oo aad u qoto dheer oo darisnimo iyo walaalnimo oo siyaasadeed ayay lalahayd Itoobiya, haddii ay tahay Dawladda Dhexe ee Itoobiya iyo haddii ay tahay Dawlad Deegaanka Intaba, Xidhiidhadaasi oo samaynayay inay si fiican uga wada shaqeeyaan Xaaladda Nabadgalyada ee Xuduuda dheer ee Somaliland ay la leedahay Dawladda Itoobiya, haddii ay tahay xagga dhaqaalaha, xagga ganacsiga iyo haddii ay tahay xagga Arimaha Bulshada intaba, Dawladda Somaliland-na wali way haysaa, waanay ku adag tahay in Xidhiidhkii saaxiibtinimo oo walaalnimo ay Dawladda Itoobiya la yeelato”

Sidoo kale waxa uu yidhi“Waxaa Xusid Mudan Barigii dhawayd ee shaqaaqadu ka dhacday Kililka Soomaalida Itoobiya, Wixii lagala baxsaday Dawladda Itoobiya ee Dawlad Deegaanka Somalida Gaadiida aad u badan ayaa lagala soo baxsaday, Gaadiidkaasi siday u dhamaayeen Dawladda Somaliland gacanta ayay ku qabatay Wax Allaale wixii Soomaaliya lala galay haddii ay Hub tahay iyo haddii ay gaadiid tahayba iyo haddii ay Madax tahay iyaga ayaa isweydiin doona,  inay wax kaga soo noqdaan iyo in kale laakiin waxaanu kaga warhaynaa inaanay waxba kaga soo noqonin,Xataa waxay gaadhsiisan tahay Gaadiidka Somaliland qabatay Booyadihii Shidaalka ahaa oo buuxa oo la qabtay iyagoo sidoodii u buuxa ayaanu Dawladda Itoobiya ugu celinay:.

Ugu Dambayn waxa uu yidhi“Halkan Xeradda Ciidanka Bilayska ayaanu kusoo bandhignay, Wakiilka Itoobiya u jooga Itoobiya ama Qunsulka iyo Saraakiil ka socotay Dawladda Dhexe ee Itoobiya ayaa intuba Goobjoog ka ahaa, waxa Somaliland ku dhex qarsoomi kari waayay, Bajaajyo ayaa xiitaa ka mid ahaa wixii lala soo baxsaday, midda labaad Dawladda Somaliland Siyaasadeeda iyo Curfigeeda Midna maaha dalalka jaarka ah inay u hayaan oo halkan ku masruufaan oo halkan ku carbiyaan dad Dawladdaha ay jaarka yihiin kasoo horjeeda, Manajirto waxan Geeska Africa ka dhacay, Masiibooyinka Argagixisada ka dhacday xadka Somaliland iyo Itoobiya leedahay hal Shay oo uga gudbay isagana majiro,Somaliland waxay ku sii adag tahay oo ay sii xoojinayaa Xidhiidhka labada dal, Madaxweynaha Dawlad Deegaankana waxaanu leenahay Saaxiib nagama kaa qabato inaad labada dal arin Noocaas ah aad ku tilmaanto,Waxaan jecelnahay inuu arintaasi dib u saxo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here