Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arrimaha Qoyska Oo Deeq Miisaan Leh Iyo Tiimam Soo Qiimeeya U Dirtay Deegaamadii Duufaantu Waxyeelada Weyn U Gaysatay

0
40
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, May 31, 2018- (Foore)- In ka badan siddeed kooxood (Teams) oo ay Hogaaminayso Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada oo isugu jiray Xubno ka socday Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaraddu ayaa waxa ay shalay ka ambabaxeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyaga oo gaadhay deegaanada Hadayta iyo Gargaara iyo deegaamo kale si ay halkaasi ugu soo qaybiyaan Alaabo kala duwan oo gargaar ah oo ay gaadhsiinayaan dadkii dhawaan duufaannadu waxyeeleeyeen ee Gobolada Awdal iyo Salal.

Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo ah masuul in badan ka soo shaqaynayay hawlaha samafalka iyo dhismaha qaranka kana soo shaqeeyay Hay’adaha maxaliga ah ayaa ku dadaalay sidii uu u midayn lahaa dadaallada gurmadka ah ee xaaladda duufaannada iyo sidii gurmadku u noqon lahaa mid wada socda oo habaysan oo ay wasaaraddu hormuud u tahay.

Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo ka hadlay ambabixii tiimamkan iyaga oo ku sugnaa barxadda hore ee Dhismaha Wasaaradda ayaa waxa uu yidhi: “Hay’adaha caalamiga ah ee aan gurmadka nala galaya ee deequhu ka yimaaddeen waxa ka mid ah UNHCR, UNFPA, UNICEF, Save The Children, Islamic Relief, HPA, Negaad, Candlelight, CCBRS, Havoyoco iyo Wasaaradda shaqo galinta iyo Arrimaha Bulshada intaasi oo iskaashatay ayaa alaabaha aannu halkan isugu soo ururinay isku keentay waxaanay tiimkani u baxayaan laba arrimood oo kala ah in gargaarkan wixii ilaahay kaga beego dadkeeni dhibaatadu soo gaadhay ay ku gaadhsiiyaan iyo in ay xaaladda dumarka iyo caruurta iyo dadka jilicdasan ay soo qoraan oo soo qiimeeyaan si hadhaw aynu ugu gudbinno warbixintaasi guddidii heer qaran ee gurmadka xaaladdan”.

Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Haddii aan guda galo in aan xuso agabka deeqda ah ee aannu halkan isugu keenay waxa ay kala yihiin: 260 Kartoon oo Biyo ah, 360 Kartoon oo Timir ah, 10 Kartoon oo kalluun ah, 7 Bundadood oo dharka caruurta ah, 84 Buste, Bacaha la dhisto oo ku filan 50 qoys. 100 haween ah dharkoodii iyo alaabaha ay u baahnaayeen oo meel ku wada jira. 10 kartoon oo caagadaha biyaha lagu shubto ah oo madhan. 53 Kit oo dumarka gaar u ah oo arrimahooda gaarka ah ay ku qabsadaan. Alaabta ubadku u isticmaalaan waxbarashada. 10 taandho, 100 qoys weelkii ay isticmaali lahaayeen. 100 jeeg oo kuwa biyaha lagu cabo ah. Waftigani waxa ay imika u baxayaan dhulka xeebaha ah ee galbeedka Somaliland oo ay waxyeelaysay duufaantii Sagar. Waxa ay ku maqnaan doonaan muddo 7 maalmood ah. Marka ay deeqdan qaybiyaan Waxa ay soo mari doonaan dhulkii dhibaatadu gaadhay oo ay warbixin ka keeni doonaan waxa ay si gaar ah u daraasayn doonaan duruufaha nololeed ee ubadka, haweenka iyo dadka nugul. Qolada biyuhu waxa ay keeni doonaan warbixin biyaha ah. Qolada beeruhu waxa ay keeni doonaan warbixin beeraha ah. Waxa ay si gaar u eegi doonaan xaaladda caruurta. Annagu ka wasaarad ahaan maadaama aannu hawlahan u xil saaranahay wada shaqayna aanu leenahay hay’adahan waxa aanu ku dadaali doonaa sidii aanu hawshan uga midho dhalin lahayn ee aanu dadkeena u gargaari lahayn. Waxaad ogaydeen in wiilkii yaraa uu hore Madaxweynuhu u kafaalo qaaday. Gabadh yar baa iyana jirtay Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyee qoyskoodu ku le’day dhibaatada waxaanan doonaynaa in aannu soo aragno oo wax ka qabano xaaladdeeda waxaana laga yaabaa in boqol noocaasi oo kale ahi jiraan oo u baahan in duruufahooda la soo ogaado. Waa in aan u kuur galnaa arrimahaa si aan wax uga qabano. Waxa aan mar kale u mahad naqayaa hay’adaha halkan jooga ee muujiyey dareenkooda. Waxaan rabaa in aan umadda u sheego nin masaajidkan wasaaradda nagula tukanayay Ilaahay Khayr ha siiyee, ninka xataa ma garanayno, ninkaasi waxa uu maro weyn ku soo xidhay dhar markaasuu noo keenay oo waakaa alaabtan lagu daray Ilaahay haka abaal mariyo. Hada waa qof kali ah ee ogaada. Somaliland waxa ay wax ku tahay in aynu innagu is caawino oo wax is tarno. Waftiga wasaaradda ayaa hogaaminaysa. Hay’adda CCBRS, UNICEF iyo UNHCR waxa ay hore u sii direen laba gaadhi oo alaab ah oo innaga sii horreeya. Warbixinta aynu soo qaadaynaa waxa ay u tagi doontaa oo aan u gudbin doonaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo Guddida hogaaminaya. Tiimkana waan u ducaynaynaa maanta baxaya ”. ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqo galinta iyo Arrimaha Qoyska Somaliland Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase). Sidii ayaanay tiimkii iyo agabkii ay sideen ku ambabaxeen shalay.

Dhinaca kale Mar aannu xalay khadka takeefanka kula xidhiidhnay Agaasime Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) ayaa waxa uu noo sheegay in tiimkii shalay subax baxay ay si nabad ah ku gaadheen deegaamadii loogu tala galay in gargaarka la gaadhsiiyo waxaanay ku hoydeen Deegaamada Hadayta iyo Gargaara waxaanay maanta oo Khamiis ah guda gali doonaan in ay u kuur galaan meelihii ugu darnaa ee dhibaatado soo gaadhay iyo qoysaska dhibaatada ugu badani gaadhay si warbixin degdeg ah looga keeno deeqda la sidayna loo gaadhsiiyo.

Wasaaradda Shaqo Galinta iyo Arrimaha Qoyska ayaa dadaal badan galisay sidii ay dadka tabaalaysan ee waxyeeladu ka soo gaadhay dhibaatadii duufaanta wax ugu qaban lahaayeen iyaga oo hay’adaha iyo cid kasta oo danaynaysa arrinkaasi ugu baaqay in ay dadaalada mideeyaan oo wasaaradda ku soo xidhmaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here