Wasaaradda Gaadiidka Oo Mamnuucday Basaska Albaabka Bidixda Ku Leh Iyo Gaadiidka Bilaa Taarikada Ah

0
59
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, November 8, 2018- (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa soo saaray laba Wareegto oo uu kaga hadlayo Basaska Albaabka ku leh dhinaca Bidix iyo sidoo kale Gaadiidka aan haysan dal-ku galka Somaliland kuwaasi oo Wasaaraddu Go’aano adag ka soo saartay.

Digreetooyinka Wasiirku soo saaray oo uu ku socodsiiyey Taliyaha Booliska Somaliland, Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Badhasaabada Gobolada dalka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay, wasiirka Warfaafinta somaliland, dhammaan isu-duwayaasha Gobolada ee Wasaaradda G/&HJ, wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynaha Somaliland, oo Nuqullo ka mid ah Wasaaraddu soo gaadhsiisay Wargeyska Foore ayaa waxa ay u dhignaayeen sidan:

UJEEDDO: GAADIIDKA AAN HAYSAN DAL KU GALKA SOMALILAND

Markaan Arkay: Qodobada 48aad, 49aad, 50aad iyo 70aad ee Xeerka Waddo-marista Gaadiidka (Xeer L/r56/2013)

Markaan Arkay: Qodobka 25aad Farqaddiisa 8aad ee Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda (Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeegyada xamuulka.

Markaan Xaqiiqsaday: Culays dhaqaale ku keeneen gaadiidleyda dalka ee ay leeyihiin muwaadiniinta Somaliland

Markaan Tixgeliyey: Baahida weyn ee loo qabo badbaadada Nafta iyo maalka dadka taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in la kala nidaamiyo gaadiidka xamuulka qaada iyo kuwa dadka qaada ee u kala goosha magaalooyinka dalka JSL.

WAXAAN SOO SAARAY WAREEGTADAN

In gaadiidka aan haysan ogolaanshiyaha dal ku galka ama taarikada (Sumadda) Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland aanay soo gali Karin dalka, xuduudahana ka soo tallaabi Karin.

Sidaa darteed waxaa lagu war gelinayaa ciidamada dalka iyo isu duwayaasha wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo cid kasta oo ay khusayso in ay sidaasi ula socdaan waajibaadkoodana ka gutaan.

Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Digreetada kale ayaa iyana u dhignayd sidan:

Ujeeddo: BASASKA ALBAABKA KU LEH DHINACA GURRAN (BIDIX)

Markaan arkay: Qodobka 20aad iyo qodobka 42aad ee Xeerka waddo-marista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013

Markaan Tix-geliyey: Xeer Nidaamiyaha dhismaha Wasaaradaha iyo hay’adaha xukuumadda (Xeer L/r/01/2018) qodobka 25aad oo tilmaamaya in Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho sidoo kalena habayso nidaamka waddo marista dalka.

Markaan Ku Qancay: Warbixinnada ay soo saaraan sannad kasta hay’adaha u xil saaran Nabad galyada waddooyinka oo tilmaamaysa in gaadiidka dadweynaha ee basaska u kala goosha xaafadaha magaalooyinka dalka Gudihiisa ay keenaan shilalka ugu badan maadaama oo aanay haysan wadayaasha badankoodu ruqsaddii darawalnimo ee looga baahnaa iyo basaska Albaabka laga dagayo ku leh dhinaca Bidixda taasoo khatar ku ah badbaadada nabad-galyada waddooyinka.

WUXUU SOO SAARAY WAREEGTADAN

  1. In aan Basaska albaabka ku leh dhinaca bidixda lasoo dejin Karin lana cashuuri Karin laga bilaabo 25 November, 2018 marka laga reebo kuwa hadda dekedda yaalla
  2. In Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku iyo iskaashatooyinka basasku ay ka wada shaqeeyaan wareejinta basaska albaabka ku leh dhinaca bidixda muddo aan ka badnayn hal sano oo ka bilaabmaysa taariikhda ay wareegtadani soo baxday.
  3. Ciddii u hogaansami wayda awaamiirta wareegtadan waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharci oo waafaqsan xeer Lr.56/2013.

Sidaa darteed waxa la farayaa ciidanka nabadgalyada waddooyinka iyo cid kasta oo ay khusayso in ay sidaa ula socdaan oo waajibaadkooda ka gutaan.

 

Cabdilaahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here