Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH — Q:9aad

0
58
Lawadaag Asxaabta...

CUTUBKA AFRAAD

CIQAABTA

Qodobka 34aad

Xaaladaha Cusleeya Ciqaabta

Xaaladaha hoos ku taxani waxay noqonayaan sababo culaysiya ciqaabta una ogolaanaya maxkamadda in ay kordhiso ciqaabta ay saarayso dambiilaha:

  1. b) Dhibanaha oo ah qof carruur ah;
  2. t) Dhibenaha oo ah qof uur leh
  3. j) Dhibenaha oo ah qof jilicsan sida qof waayeel/gaboobey, baro kacyaasha, qaxoodi ama aan dal/waddan lahayn
  4. x) Dhibenaha oo qaadey uur ka dhashay kufsiga
  5. kh) Dhibenaha oo ah haween uurlahayd oo fal dambiyeedka lagula kacay dartii u dhicisay;
  6. d) Dhibenaha oo ay soo gaadhay dhaawac jidheedfudud ama dhaawac culus oo maskaxeed ama jidheed;
  7. r) Eedeysanu oo adeegsaday ama ku hanjabey hub, qalab ama aalad kale;
  8. s) Eedeysanaha oo, markii uu falka samaynayay ama falka kadib, jidhdiley ama kula kacay fal cadawnimo ama ula dhaqmey si bani aadanimada ka baxsan dhibaneha;
  9. sh) Falka oo lagu hor sameeyo ilmo carruura oo ka yar 15 jir;
  10. dh) Falka oo lagu hors ameeyay dad kale hortood si loo bahdilo dhibanaha;
  11. c) Eedeysanaha ku hanjabey ama handadey in, haddii la dacweeyo, uu waxyeelo gaadhsiin doono eedeysanaha ama cid kale;
  12. g) Eedeysanaha oo mar kale oo horeysay kula kacacay dhibanaha faldambiyeed lamid ah kan dacwaddu khusayso;
  13. f) Eedeysanaha oo ah caadeyste hore loogu xukumay fal dambiyeed kufsi ama jinsi
  14. q) Eedeysaha oo goorta uu galey falka ahaa mid ka dhuumanayey in lagu fuliyo amar maxkamaddeed lagu soo xidhayey ama xabsiga loogu dirayey;
  15. k) Eedeysanaha oo ah qof ku tagri falay ama si qaldan uga faa’iideystay meeqaam xileed mas’uuliyadeed ama aaminaadeed; ama
  16. l) Haddii cidda dambiga gashay ay tahay laba qof ama ka kabadan.

Qodobka 35aad

Xaaladaha Fududeya Ciqaabta

Xaaladaha hoos ku taxani waxay noqonayaan sababo fududeeya ciqaabta una ogolaanaya maxkamadda in ay yareyso ama hoos u dhigto ciqaab la saarayo dambiilaha:

  1. b) Eedeysanaha oo ah qof carruur ah oo da’diisu tahahay 15 ilaa 18 jir;
  2. t) Eedeysanaha oo ah qof da’ah/gaboobey,
  3. j) Eedeysanaha ooah qof maskaxda ka buka, ama
  4. x) Eedeysanaha oo ah mid la sakhraamiyay ahaana qof sakhraansan markii uu dambiga galayay.

Qodobka 36aad

Kordhinta iyo Yaraynta Ciqaabta

Marka sida ku cad Xeerkani ay u bannaan tahay in ay kordhiso ama yareyso ciqaabta ay saareyso dambiilaha, maxkamaddu waa in ay tixgaliso intii ay ka khuseeyaanna dabaqdo Qodobada 117 ilaa 123 ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo Qodobada ku haboon ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Carruurta ee Soomaaliland.

Qodobka 37aad

Warka uu Dhiibo ama Bixiyo Dhibanaha

(1) Si loo go’aansado xukunka lagu ridayo dambiile lala tiigsanayo qodobada Xeerkani dhogayo, maxkamada waxa u bannaan in ay tixgaliso ama ku xisaabtanto warka ama xogta uu afka ka sheegay ama laga qorey dhibaneha ee tilmaameysa dhaaawaca ama dhibta ka soo gaadhay fal dambiyeedka loo geystay

(2) Xogta ama warka uu bixiyo dhibanuhu ee ee loogu gudbiyay maxkamdda sidawaafaqsan Qodabkan, kama reebeyso maxkamada inay tixgaliso ama ku xisaabtanato caddeyn kale oo kasta oo ay u aragto inay muhiim u tahay goaan ka gaadhista ciqaabta la saarayo dambiilaha.

Qodobka 38aad

Ciqaabista Dambiileyaasha Wada jir Dambi u gala

Qof kasta oo haga, amra, dhiirigaliya, la taliya, abaabula, qasba, bilaaba, huriya, kala shaqeeya, gargaara ama qof kale ku caawiya inuu galo dambi ka dhan ah qodobada Xeerkan wuxuu muteysanayaa xukun ciqaabeedka ku haboon dembigaa inta uu ku leeyahay si waafaqsan xeerka ciqaabta guud.

Qodobka 39aad

Amarka Magdhawga

(1) Maxkamada, kasekow xukun ciqaabeed ay xukunto, waxa kale oo u bannaan in ay dambiilaha si waafaqsan Xeerkan loogu caddeyey dambiilenimo ku xukunto inuu dhibanaha siiyo magdhaw ku filan asagoo ku siinaya waqti macquul ah. Amarka magdhawgu waxa uu noqon karaa:

  1. b) Qarashka daawada iyo daaweynta maskaxda ah;
  2. t) Qiimaha daaweynta jismiga iyo shaqada, iyo dib u habeynta;
  3. j) Qiimaha bikiro jebinta iyo meher u dhigma haweenka iyada la mid ka ah
  4. x) Dhibanaha dakhligii ka lumay;

Kh) Qarashkii ku baxay qareenka iyo wixii kale kharash ah ee dhibanaha kaga baxay diyaarinta dacwadda iyo qeybgalka dhagaysiga dacwada oo ay ku jirto kharshaadka kaga baxay jiifka iyo safarka;

  1. d) Magdhawkhuseeya Dhawaca iyo xanuunka dhanka niyadda ee soo gaadhay;
  2. r) Khasaare lacageed ee kale ee soo gaaray dhibanaha

(2) Eedaysanaha …..La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here