Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH — Q:8aad

0
37
Lawadaag Asxaabta...

Qodobka 29aad

Xaqa Adeega Kaalmada Sharci

Dhibanuhu wuxuu xaq uu leeyahay in uu yeesho qareen uu qabsado oo siiya adeega sharci uu u baahan yahay haddii aanu dhibanuhu awoodin inuu isago qabsado qareen qaranka waxa ku waajiba in uu dhibanahaasi siiyo kaalmo adeeg sharci oo lacag la’aan ah

Qodobka 30aad

Xaqa Nolosha Gaar ahaaneed

(1) Dhibaneha ama marqaatiga fal dambi jinsi wuxuu xaq u leeyahay in aan faahfaahinta cidda uu yahay ama ay tahay la baahin ama loo sheegin cid kale.

(2) Hayadaha ku lugta leh marxaladaha geeddi socodka dacwaddu, waxa ku waajib ah in ka dhigaan fadhi xidhan dhagaysiga markhaatiyada oo ay qaadaan talaabooyin lagama maarmaan u ah dhawrsoonaanta cidda uu yahay dhibanaha ama markhaatiyada, talaaboouinkaas oo noqonkara kuwan soo socda:

  1. Ka tiridda meeshii lagu qoray magacyada iyo xogta aqoonsiga; t. Inaan warbaahinta loo sheegin ama dadweynaha xogta qarsoon;
  2. Isticmaalida aalado si kale ka dhiga sawirka ama codka ama talefishinka oo sawiradiisa shucaac lagu furo; iyo
  3. Qofka oo magac kale oo aan magaciisa ahayn loogu yeero.

Qodobka 31aad

Xuquuqda Eedeysanaha

(1) Eedeysanaha waxa uu leeyahay dhammaan xaquuqaha iyo xoriyaadka ku cad Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland ee uu leeyahay qofkasta oo loo hayo fal dambiyeed.

(2) Eedaysanahu waxa uu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen ama qareeno difaaca, hadii uu san awoodina qaranka ayay waajib ku tahay in uu eedaysanahaasi helo qareen lacag la’aan ah

(3) Dawladda Soomaaliland waa in ay qaado dhammaan tallaabooyinka habboon ee lagu xaqiijinayo ilaalinta iyo xishmeynta xaquuqaha Dastuuriga ah ee eedeysanaha.

QAYBTA 3AAD

QODOBO KHUSEEYA CADDEYMAHA

Qodobka 32aad

Caddeyn la aqbali karo

(1) Mid kasta oo kamid ah Caddeymaha hoos ku xusan waxa loogu gudbin karaa caddeyn ahaan maxakamad dhageysanaysa dacwad kufsi ah amd faldambiyeed Jinsi oo Xeerkan Ku cad:

  1. b) Warbixin baadhis caafimaad ama maskaxda ah oo muujinaysa dhaawac jidheed, maskaxeed ama niyadeed ee soo gaadhay dhibanaha ama xog kale oo khusaysa dhacdada fal dambiyeeedka.
  2. t) Cusbitaal dawladeed, dhakhtarada  cudurada  haweenka  qaabilsan, dhakhaatiirta dambi baariseedyada ama xirfadleyaasha kale ee aqoonta u leh waxa bannaan in ay dhiibaan warbixin caafimaad oo maxkamadu aqbali karto.
  3. j) Dhakhtarada cilmi nafsiga ee dawlada u shaqeeya, la taliye ama adeege bulsho noocii uu ahaadaba waxaa u banaan in uu dhiibo ama bixiyo warbixin cilmi nafsi oo maxkamadu aqbali karto.
  4. x) Caddeyn kasta baaritaan ku salaysan noocii ay ahaataba
  5. d) Shay, hub ama walax kasta oo kale ee xidhiidh la leh fal dambi yeed Xeerkan ku cad oo lagalay.
  6. r) Wixii caddeyn ah oo taageereysa caddeyma kale (corroborative evidance).
  7. s) Xaashida Gudbin ama “referto” ka socota booliska ayaa iyana bannaan in caddeyn ahaan loo gudbiyo maxkamadda

(2) Iyadoo aan la soo bandhigin ama la haynin mid ka mid ah ama dhamman caddeymaha kor ku xusan, ayaa la oogi karaa dacwad ka dhan ah la tuhunsaneha hadii la heli karo loona soo gudbiyo maxkamadda caddeymo kale oo la aqabali karo

Qodobka 33aad

Caddeymo aan la aqbali Karin

(1) Ma banaanna in la xigto taariikh-nololeedka jinsi ( sexual history or background) ee dhibanaha fal dambi jinsi oo noqon karta caddeyn loo addeegsado is difaac ama loogu an dacoodo in :

  1. b) Ay u muuqato in dhibanahu ogolaaday falka galmo ama jinsi ee dacwaddu khusayso; ama
  2. t) Marag kaca dhibanahuyahay mid aan la aamini karin ama daacd ahayn.

(2) Ma banaana in uu eedeysanahu ama cid kale oo mataleysa qofka ku eedeysan dacwad jinsi khusaysa sida ku cad Farqadda 1aad ee Qodobkan ay caddeyn ahaan u soo bandhigto in uu dhibanahu la yeeshay ama horey uga ogolaaday eedeysanaha ama cid kale fal jinsi ah oo aan ahayn ka ay dacwadu khusayso.

CUTUBKA AFRAAD

CIQAABTA

Qodobka 34aad

Xaaladaha Cusleeya Ciqaabta

Xaaladaha hoos ku taxani waxay noqonayaan sababo culaysiya ciqaabta una ogolaanaya maxkamadda in ay kordhiso ciqaabta ay saarayso dambiilaha:

  1. b) Dhibanaha oo ah qof carruur ah;
  2. t) Dhibenaha oo ah qof uur leh
  3. j) Dhibenaha oo ah qof jilicsan sida qof waayeel/gaboobey, baro kacyaasha, qaxoodi ama aan dal/waddan lahayn
  4. x) Dhibenaha oo qaadey uur ka dhashay kufsiga
  5. kh) Dhibenaha oo ah haween uurlahayd oo fal dambiyeedka lagula kacay dartii u dhicisay;
  6. d) Dhibenaha oo ay soo gaadhay dhaawac jidheedfudud ama dhaawac culus …..La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here