Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH — Q:6aad

0
45
Lawadaag Asxaabta...

(1) Hawl wadeenka Caafimaad ee loo igmado in uu gacan siinta geeddi socodka baadhista dacwadaha fal dambiyeed galmo waxa uu yeelanayaa doorarka iyo waajibaadyada soo socda ee ah:-

  1. B) In uu ixtiraam u muujiyo qofka dhibanaha ah iyo cidda kale ee la socota ee uu qaabilayo;
  2. j) In si dhakhso ah oo aan dib udhac ku jirin:
  3. Uu meel cidla ah ku wareysto dhibanaha si uu wax uga ogaado falka jinsi ee uu ka cabanayo;
  4. In uu baadhis caafimaad oo dhamaystiran ku sameeyo dhibanaha si loo helo caddeymo (Biological samples);

III. In  uu  baadhis  dhamaystiran  ku  sameeyo  oogada  jidhka  iyo  dharka dhibanaha si loo u helo caddeymo muujinaya in la xoogay dhibanaha; IV. In uu siiyo dhibanaha daaweynta uu u baahdo; iyo

  1. In uu diyaaro oo saxeexo warbixin dhamaystiran oo qeexeysa natiijada ka soo baxday baadhitaanka caafimaad iyo oogada jidhka ee dhibanaha, una gudbiyaa warbixintaasi sarkaalka bileyska ah ee wada hawsha dambi baadhista fal dambiyeedka.

(1) Warbixinta baadhista caafimaad ee uu bixinayo hawlwadeenka caafimaadku waa in ayna si cad qeexin ama sheegin in uu dhacay fal dambiyeed kufsi ama xad gudub Jinsi ahi

Qodobka 22aad

Gudasho la’aan Waajib Baadhis Dacwad Faldambi Jinsi

Sarkaalka bileyska ah ama hawlwadeenka caafimaad ee gudan waaya ama daahiya gudashada waajibaad saaran oo ku cad Qodobada 19 iyo 20 ee Xeer kan ee kalifa in lawaayo ama ay lunto caddeyn la heli lahaa haddii uu waajibkiisa u gudan lahaa si xilkasnimo ahi, waxa uu mutaysan doonaa anshax marin waafaqsan nidaamka anshaxmarineed ee u degsan xafiiska uu ka tirsan yahay iyo ciqaabta ku haboon sida uu dhigayo Xeerka Ciqaabta Guud

Qodobka 23aad

Oogista Dacwad Faldambiyeedyada Jinsiga

(1) Qaranka ayaa awood u leh oogista dacwadaha faldambiyeedyada Jinsiga.

(2) Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, isagoo wakiilka ah Qaranka, isla markaana dabaqaya qodobada khuseeya ee Xeerka Ciqaabta Guud iyo Habka Xeerka Ciqaabta, waxa uu awood buuxda u leeyahay go’aan ka gaadhista oogista ama oodista dhammaan dacwadaha faldambiyeedyada jinsiga.

Qodobka 24aad

Waajibaadka Xafiiska Xeer-Ilaalinta iyo xeer ilaaliyeyaashu ka saaran

Dacwadaha Fal-dambiyeedyada Jinsiga

(1) Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud waxa waajib ku ah in uu xaqiijiyo in xeer ilaaliyeyaasha loo xil saaro dacwad faldambi galmo ahi ay yihiin kuwo loo tabobarey oo gaar u ah gudashda waajibaadka iyo doorka xeer ilaalintu ku leedahay geeddi socodka iyo marxalad kasta oo khusaysa dhageysiyada dawcadahaasi.

(2) Xafiiska xeer Ilaalinta Guud waxa ku waajib ah in hogaamiyo baadhista dambiyada galmo oo sidoo kalena xaqiijiyo in geeddi socodka baadhistu u fulo si waafaqsan sarrenta sharciga iyo xuquuqaha dhibanaha iyo la tuhunsaneha

(3) Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, marka uu helo warbixinta dambi baadhista bileyska ee khusaysa fal dambi jinsi ku cad Xeerkan, waxa ku waajib ah in uu fuliyo oo ka guto dacwaddaasi loo soo gud biyay waajibaadyada iyo hawlaha Xeer Ilaalinta si waafaqsan Xeerkan iyo Qodobada khuseeya ee Xeerka Habka Ciqaabta,

(4) Ka dib waajibaadka guud ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee ku cad Qodob hoosaad yada kore ee Qodobkani, Xeer-illaaliyeyaha loo xilsaaro dacwad fal dambi jinsi waxa ku waajib ah:-

4.1.In uu si dhaw oo iskaashi ku jiro ula shaqeeyo/hawlgalo sarkaala bileyska ee wada baadhista fal dambiyeedka.

4.2. in uu xaqiijiyo in, inta lagu gudo jiro geeddi socodka dacwada iyo marxalad kasta oo ay dacwaddu maraysaba, loo sheego oo uu fahmo dhibanahu;

  1. b) Xuquuqaha uu leeyahay;
  2. t) Faah-faahinta arimaha khuseeya dhagaysiga dacwadda;
  3. j) Adeegyada, gargaarka iyo talaabooyinka ilaalineed ee uu loo heli karo;
  4. x) Xaqa in uu helo magdhaw;
  5. kh) Xogaha dacwadda khuseeya  oo  faah  faahsan,  sida  goobta  iyo  goorta balamaha dhageysiga; siideynta eedeysanaha, haba laga sii daayo saldhig booliis ama jeel eh; iyo
  6. d) Si deg-deg ah oo aan dib u dhac ku jirin loogu sharaxo natiijada dacwadda, sida xukun ciqaabeed, ganaax haddii uu jiro, la la xukumay. Haddi ay dhacdo in dacwadda la hakiyo ama lala noqday, in loo sheego lana siiyo qoraal sharaxaya sababta dacwadda loo hakiyay ama loo la noqday dacwadda.

Qodobka 25aad

Car-qaladayn Caddaaladeed

(1) Qofka waxa uu noqonayaa dambiille, haddii uu faro galiyo gudbinta cabasho ama warbixin, dambi baadhista ama/iyo oogista dacwad fal- dambi ku cad Xeerkan si uu u horjoogsado, u leexiyo, u marin-habaabiyo, ama u carqaladeeyo hannaanka dhagaysiga ama geeddi socodka nidaamka caddaaladda.

(2) Waa dambi in dadkii falku ka dhex dhacay ama dad magacooda ku hadlaya ay dibadda ku xaliyaan oo heshiis ka gaadhaan dacwad khusaysa fal-dambi jinsi ku cad Xeerkan oo dhagaysigeeda ka socdo maxkammad lana soo weydiisto bahda caddaaladda in la xidho dacwadda lana sii daayo eedeysaneha.

………La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here