Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH — Q:4aad

0
223
Lawadaag Asxaabta...

Qodobka 14aad

Isqaawin anshaxdarro ah

Qofkasta oo si ula kac ah dadka dhexdiisa isugu qaawiya ama uga fayda marada xubnahiisa taranku waxa uu galay fal dambi isqaawin anshax darro, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya 3 ilaa 6 bilood iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya 1,000,000 ilaa 2,000,000 oo shillinka Soomaaliland ah.

Qodobka 15aad

Duubista, Qaybinta ama baahinta Muqaalo fal lidi ku ah Jinsiga

(1) Qofksta oo:-

  1. b) Cod, filim ama sawir ka duuba ama ka qaada fal dambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal lidi ku ah jinsi
  2. t) La wadaaga ama qaybiya ama ganacsi ahaan u haysta cod, film ama sawir laga qaadey faldambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya
  3. t) La wadaaga ama qaybiya ama ganacsi ahaan u haysta cod, film ama sawir laga qaadey faldambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal jinsi kale

Waxa uu galay faldambi duubis iyo qaybin muuqaal fal jinsi, waxaana uu mutaysnayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya laba ilaa afar sannadood;

(2) Qofku magalin dambi ku cad qodobkan, haddii ujeeddada duubista ama sawiridda, qaybinta ama baahinta muuqaalka falka jinsi ay ahayd gacan siinta ama u gud binta hay’ adaha sharci fulinta.

(3) Qofka ay ujeeddadiisu ahaayd ka ganacsi ee gala fal-dambiyeed ku cad Qodobkan waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood iyo ganaax lacageed u dhaxeeya 3,000,000 ilaa 8,000,000 oo shillinka Soomaaliland ah

 

CUTUBKA SADDEXAAD

NIDAAMKA DACWADEYNTA

 

QAYBTA 1AAD

DACWADEYNTA IYO DACWAD KU OOGISTA XAD GUDUBYADA JINSIGA

 Qodobka 16aad

Gudbinta Warbixinta Faldambiyeed Galmo

(1) Dacwad ama cabashho khusaysa dhacdo fal-dambi jinsi waxa gudbin kara:

  1. b) Qofka dhibanaha ka ah dhacdada falka jinsi; ama
  2. t) Qof uu dhibanahu u igmado in uu cabashada gudbiyo; ama
  3. j) Waalid ama qof mas’uul ka ah dhibbanaha, haddii uu dhibbanuhu yahay qof carruur ah ama qof naafo ah.

(2) Dhaktar ama hawlwadeen caafimaad ama adeege Bulsho ayaa gudbin kara warbixinta dacwad dhacdo fal galmo, haddii dhibanuhu yahay qof carruura oo ka yar 15 jir ama qof naafo ah oo gudbinta dacwadaasina ay ku jirto ama tahay danta qofka dhibanaha ah.

Qodobka 17aad

Goorta gudbinta iyo bilawga dawcwadaha Galmo

(1) Majiro xilli u xaddidan

  1. B) Gudbinta dacwadda ama cabashada dhacdada fal dambiyeed jinsi, ama
  2. T) Billaabista oogista dacwad dhan ka ah la tuhunsane loo haysto fal-dambiyeed jinsi Xeerkan ku dhigan.

(2) Daahinta ama dib u dhaca gudbinta cabasho ama gudbinta warbixinta dacwadda fal dambi jinsi ka mid ah kuwa Xeerkan uu dhigayo looma adeegsan karo caddayn dhan ka ah cidda cabaneysa ama dhibbanaha

Qodobka 18aad

Cidda loo gudbinayo Cabashada ama Warbixinta Faldambi galmo

Warbixinta ama cabashada dhacdo faldambi galmo waxa loo gudbin karaa rug ama Saldhig Booliis ama Sarkaal Booliiska ah.

Qodobka 19aad

Maareynta Baadhista dhacdada fal-dambiyada Jinsi

(1) Baadhista faldambiyeedka kufisga iyo xadgudubyada jinsi ee Xeerkani dhigayo waxa fulinaya Booliska oo ay waajib ku tahay in uu baadhista u wado si waafaqsan awaamiirta iyo tilmaamaha uu siiyo Xafiiska Xeer ilaalinta Guud sida ku cad Xeer Habka Ciqaabta.

(2) Geedi-socodka baadhista faldambiyeedka xeerkani sheegaya waa in loo wado si ku salaysan xidhiidh wada shaqayneed iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan saraakiisha booliska iyo Hawlwadeenada Caafimaadku.

Qodobka 20aad

Doorka iyo Waajibaadka sarkaalka Bileysku ku leeyahay Baadhista dacwadaha

Sarkaalka Booliiska ah ee hela warbixinta dacwadda ama cabashada fal-dambiyeed Jinsi ku cad Xeerkan, waa in uu guto hawlahan iyo waajibaadyadan soo socoda:-

  1. b) In uu si haboon u qaabilo una dhagaysto warbixinta ama cabashada, oo sida ugu dhakhsaha badan ugu fidiyo gargaarka iyo ilaalinta uu ubaahdo ama lagama maar maan ka u ah dhibanaha, cidda warka dacwadda keentey iyo markhaatiga la socda, haddii uu jiro
  2. t) Si dhakhso diwaanka dhacdoyinka Maalinlaha ee Booliiska u galiyo magaca, jinsiga, da’da iyo xaaladda bulsho ee dhibanha, iyo taariihkda, goorta iyo goobta uu falku ka dhacay
  3. j) In uu ka qaado dhibanaha ama qofka cabshada ama warbixinta soo gudbiyay iyo markhaatiyadaba, hadba kii la helo ee goobta yimid, oo islamarkaana warbixinta laga qoro uu galiyo galdacwadeed rasmi ah loo furo dacwaddaasi
  4. x) In uu si dhakhso ah u gaadho uguna sameeyo baadhis dhamaystiran goobta fal dambiyeedku ka ….La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here