Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH — Q:3aad

0
144
Lawadaag Asxaabta...

Qodobka 9aad

Guur Qasab ah

  1. Qof kasta oo ku xadgudba shurruudaha sharci ee ogolaanshaha ama raali ka ahaanshaha aasaasiga u ah guurka ee ay dhigayaan 1. Shareecada Islaamka iyo Xeerarka dalku ee si xoog ama qasab ah ugu guursada qof haween ah ama fududeeya, qaban qaabiya ama meel mariya guur isagoo aan xaqiijin ogolaanshaha mid ka mid ah ama dhamaan dhinacyada guurku khuseeyo sida ay dhigayaan shareecada islaamka iyo xeerarka dalka, waxa uu galay fal dambi Guur Qasab ah, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood.
  2. Hadii cida cisha gashay faldambiyeedka ku xusan faqrada koowaad ee qodobkani uu Adeegsaday xoog ama uu xoog ku maquuniyo wuxuu mutaysaysanaa xadhig ciqaabeed u dhexeeya todoba ilaa toban sano.

Qodobka 10aad

Ku tagri fal xil ama mas’uuliyad

(1) Qofka haya xil, mas’uuliyad ama meeqaam aamineed ee si ula kac ah u gala fal dambi kufsi ah oo ka dhan ah qof da’diisu tahay 15 sanno jir ama kayar, ama qof naafo ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan Sannadood.

(2) Qofka haya xil, mas’uuliyad ama meeqaam aamineed ee kula kaca xadgudub jinsi qof da’diisu ka yar tahay 15 sanno jir, ama qof naafo ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Shan ilaa todoba sannadood.

(3) Qofka haya xil ,mas’uuliyad ama meeqaam aamineed ee gala:

  1. b) Fal dambiyeedka uu dhigayo farqadda 1aad ee Qodobkan wax uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya todoba ilaa toban sannadood

QAYBTA 2AAD

DIYARIN FAL DAMBIYEEDYO

Qodobka 11aad

Maandoorin Si Ku Talo gal ah

(1) Qofka si ula kac ah ku kalifa maan-doorsoommidda qof kale oo aan raali ka ahayn,

isagoo ujeeddadiisu tahay in uu ku sameeyo/ kula kaco ama in uu fursad u siiyo cid kale in ay ku samayso ama kula kacdo galmo ama fal jinsi ah qofkaas kale waxa uu galay dambi waxaana uu mutaysanayaaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa toddoba sannadood.

(2) Qofka kula kaca faldambiyeed ku cad Qodobkan qof carruur ah oo da’diisu ka yar tahay 15 jir, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya lix ilaa sagaal sannaadood

Qodobka 12aad

Afduub iyo Xadhig Sharci Darro ah

(1)Qofkasta oo qafaasha, afduuba, u qaata lahaystenimo ama u xidha si sharci darro ah qofkale si uu ugu la kaco kufsi ama fal xadgudub jinsi ahi waxa uu galay faldambi afduub iyo xadhig sharci darro, waxaana uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa siddeed sannadood

(2) Qofka kula kaca faldambiyeedka ku cad farqada koowaad ee Qodobkan qof carruur ah ama qof naafo ah, waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya todoba ilaa toban sannaddood.

QAYBTA 3AAD

DUUBIS IYO BAAHIN

Qodobka 13aad

Carrurta oo La-daawadsiiyo Fal la Xidhiidha Jinsi

Qof kasta oo si ula kac ah ugu qasba ama ugu kalifa qof carruur ah in uu daawado cid kale oo samaynaysa galmo waxa uu galay dambi, waxa uuna mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Shan ilaa Todoba sannadood

Qodobka 14aad

Isqaawin anshaxdarro ah

Qofkasta oo si ula kac ah dadka dhexdiisa isugu qaawiya ama uga fayda marada xubnahiisa taranku waxa uu galay fal dambi isqaawin anshax darro, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya 3 ilaa 6 bilood iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya 1,000,000 ilaa 2,000,000 oo shillinka Soomaaliland ah.

Qodobka 15aad

Duubista, Qaybinta ama baahinta Muqaalo fal lidi ku ah Jinsiga

(1) Qofksta oo:-

  1. b) Cod, filim ama sawir ka duuba ama ka qaada fal dambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya galmo ama fal lidi ku ah jinsi
  2. t) La wadaaga ama qaybiya ama ganacsi ahaan u haysta cod, film ama sawir laga qaadey faldambiyeed jinsi ama muuqaal kale oo khuseeya ….La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here