Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH — Q:2aad

0
112
Lawadaag Asxaabta...

Qodobka 3aad

Ujeedooyinka Xeerka

Ujeedooyinka Xeerkan waxay yihiin kuwan soo socda:-

(1) In la dajiyo xeer waafaqsan shareecada islaamka, dastuurka qaranka JSL, mabaadiida guud ee caddaalada, qiyamka iyo dhaqanka suuban ee umadu leedahay.

(2) In la xaqiijiyo in dhibeneyaasha kufsiga iyo fal dambiyeedyada kale ee jinsigu, iyo waliba markhaatiyadoodu helaan ilaalin iyo dhawrista ay ubaahan yihiin

(3) In la helo xeerar sahlaya ama saamaxaya in nidaamka maareynta iyo xalinta dambiyada kufsiga iyo xadgudubyada kale ee Jinsiga noqdaan mid haboon oo la isku halayn karo waafqsana xuquuqaha iyo xoriyaadka Dastuuriga ah ee cidda dhibanaha ah iyo eedeysanehaba.

sida ugu haboon loo ilaasho loona daryeelo bulshada qaybteeda nugul ee ay ka mid ka yihiin haweenka, caruurta iyo naafadu;

In la dajiyo nidaam xaqiijinkara ilaalinta ama dhawrista xuquuqaha dhibaneyaasha fal dambiyeedyada kufsiga ama xadgudubyada jinsiga sida xaqa xurmeynta nolosha gaar ahaaneed, xaqa dacwadda iyo isdifaaca iyo xaqa in la siiyo magdhaw; iyo

In dawladdu awood u yeelan karto aqoonsashada iyo dabo galista dabmiileyaasha galay kufsi ama xadgudubyada jinsi.

 

CUTUBKA LABAAD

XADGUDUBYADA JINSIGA

QAYBTA 1AAD

KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA

 

Qodobka 4aad

Kufsi

Qof kasta oo Isticmaalaya xoog, qasab ama hanjabaad kula kaca galmo aan sharci ahayn qofkale oo aan ogoleyn raalina ka ahayn.

  1. t) Kula kaca galmo aan sharcigu banayn qofkale oo aan awoodin bixinta raali ka ahaanshiyo waxa uu galay fal dambi kufsi, waxaana uu mutaysanayaa ciqaab xabsi ah oo u dhaxaysa shan iyo toban ilaa labaatan sannadood

Ciqaabta la saarayo ama uu mutaysanayo eedeysanaha lagu eedeeyo faldambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan, waxay noqonaysaa ciqaab xabsi oo u dhaxaysa Labaatan ilaa Shan iyo Labaatan sannadood, haddii Dhibanaha fal dambiyeedku yahay qof carruura oo da’ diisu tahay 15 jir ama ka yar;

Qofka gala fal dambiyeed ku cad farqada koowaad ee qodobkan waxa uu mutaysanayaa ciqaab xabsi daa’in ah haddii :

Uu eedeysanuhu gaadhsiiyo dhibanaha dhaawac maskaxeed ama jidheed oo aan laga bogsoonaynin; ama

uu sababo faldambiyeedkaasi dhibenaha oo qaada cudurka HIV Aydhiska.

Qofkasta oo isku daya in uu galo fal dambiyeed kufsi ah waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Afar ilaa Todaba sannadood

Qodobka 5aad

Kufsi Wadareed

Qofkasta oo gala fal dembi kufsi isagoo ka mid ah koox abaabulan, waxa uu galay kufsi wadareed, waxaana uu mutaysanayaa xabsi ciqaabeed u dhaxeeya labaatan ilaaShan iyo labaatan sannadood.

Haddii uu eedeysanuhu kula kacay fal dambiyeedka qof carruur ah oo da’diisu tahay 15 jir ama ka yar waxa uu mutaysanyaa xabsi ciqaabeed u dhaxeeya Saddex iyo Labaatan ilaa Siddeed iyo Labaatan sannadood.

(3) Qofka gala faldambiyyed kufsi wadareed ahi waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed xabsi daa’in ah, haddii

  1. b) Uu eedeysanuhu gaadhsiiyay dhibanaha dhaawac maskaxeed ama jidheed aan laga bogsooneynin; ama
  2. t) Uu faldambiyeedku sababay dhibanaha oo qaaday cudurka aydhiska

(4) Qofka isku daya in uu galo kufsi wadareed waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya Shan ilaa Todoba sannadood.

Qodobka 6aad

Ku-Xadgudub keentay Kufsi/Kufsi Awood Sheegasho

  1. Qof kastaa isagoo ujeedadiisu tahay samayn galmo ee xubin jidhkiisa ka mida ama shay kale galiya xadigay doontaba ha gaadhsiisnaatee xubintiisa taranka ama xaga dambe ee qof kale waxa uu ku sifoobay galayna faldabiyeed ku xadgudub kufsi/kufsi awood sheegasho waxaana mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa todoba iyo toban ilaa sadex iyo labaatan sanadood oo xadhig ah.
  2. Qofka kula kaca faldambiyeedka ku cad farqada koowaad ee qodobkan qof caruur ah oo da’diisu ka yar ama qof naafo ah wuxuu mutaysanayaa ciqaab u dhaxaysa Shan iyo labaatan ilaa sodon sanadood oo xadhig ah.
  3. Haddii laba qof ama in ka badan ay galaan faldambiyeedka ku cad farqada koowaad ee qodobkan waxay mutaysanayaan ciqaab u dhaxaysa Shan iyo labaatan ilaa sodon sanaddood oo xadhig ah.
  4. Qof kasta oo isku daya in uu galo faldambiyeedka qodobkan waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhexeeya Shan ilaa Todoba sannadood.

Qodobka 7aad

Ka faaideysi Jinsi

(1) Qofkasta oo isagoo ujeedadiisu tahay inuu hantiyo macaash lacageed, bulsheed, siyaasaddeed ama faa’iido kale si ula-kac ah:

  1. b) Ku qasba ama ku kalifa qof in uu la sameeyo cid kale galmo ama fal jinsi ah
  2. t) Ku qasba ama ku kalifaa qof in uu gacanta uu u galo cidkale oo ka leh ujeeddo uga faa’iideysi jinsi
  3. j) Maal galiya ama iska leh, maamula, kireeya goob ama hoy lala tago qofka ujeeddada jinsi uga faa’iideysigu khusayso
  4. x) U safriya ama tahriibiya qofkale gudaha ama xudduuda Jamhuuriyadda Soomaaliland si uu ugaadho ujeeddo ka faa’iideysi jinsi ah; ama

Kh) si qaldan u isticmaala xaaladda nugulnimo ama durruuf dhaqaale bulsheed ee qofkale,ama ku tagri fala meeqaam awoodeed ama aaminaadeed si uu qofkaasi kale uga gaadho ujeeddo ka faa’iideysi jinsi ah

Waxa uu galay fal dambi ah ka-faa’iideysi JInsi, waxaana uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya toban ilaa Shan iyo taban sannadood.

(2) Haddii fal dambiyeedka Qodobkani dhigayo lagula kaco qof da’ddiisu gaadhayso ama ay ka yar tahay 15 sanno jir, dambiilaha waxa uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya afar iyo toban ilaa todoba iyo toban sannadood oo xadhig ah.

(3) Qofkasta oo isku daya in uu galo fal damiyeed ku cad Qodobkan, waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya saddex ilaa shan Sannadood iyo Ganaax lacageed u dhaxeeya 2,500,000.00 ilaa 5,000,000.00 oo shillinka Soomaaliland ah

Qodobka 8aad

Ku Xad-Gudub Jinsi

(1)  Qofkasta  oo  ay ujeeddadiisu  tahay kicinta  ama  qancinta  dareenkiisa  jinsi  ama dareenka jinsi ee qof kale, si u la kac ah – u fara fareeya jidhka  qofkaasi kale oon ogolayn falkaasi, ama qof kaas kale oo ah cid aan awoodin bixinta ogolaansho; ama ugu  qasba qofkaa kale in uu isaga/iyada fara fareeyo; ama ugu qasba cidaa kale in ay is  faro  fareeyo  Waxa  uu galay  fal dambi ah  ku  xad  gudub  jinsi,  ,waxaana  uu mutaysanyaa xadhig ciqaab u dhaxeeya hal ilaa saddex Sannadood.

(2) Ujeedada Qodobkan si loo dabaqo, Ereyga “faro farayn” waxa loola jeedaa in qof uu dhunkado, soo qabsado ama isku dhajiyo, ku tiiriyo ama isku xoqo, salaaxo ama tuu tuujiyo jidhka ama xubin ka mid ah jidhka qofka kale.

(3) Hadii faldambiyeedka Qodobkani dhigayo laga galo qof d’adiisu ka yar tahay 15 sanno jir ama qof naafo ah, dambiilaha waxa uu mutaysanyaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya saddex ilaa Shan sannadood.

Qodobka 9aad

Guur Qasab ah

  1. Qof kasta oo ku xadgudba shurruudaha sharci ee ogolaanshaha ama raali ka ahaanshaha aasaasiga u ah guurka ee ay dhigayaan Shareecada Islaamka iyo Xeerarka dalku ee si xoog ama qasab ah ugu guursada qof haween ah ama fududeeya, qaban qaabiya ama meel mariya guur isagoo aan xaqiijin ogolaanshaha mid ka mid ah ama dhamaan dhinacyada guurku khuseeyo sida ay dhigayaan shareecada islaamka iyo xeerarka dalka, waxa uu galay fal dambi Guur Qasab ah, waxaana uu mutaysanayaa xadhig ciqaabeed u dhaxeeya shan ilaa todoba sannadood.
  2. Hadii cida cisha gashay faldambiyeedka ku xusan faqrada koowaad ee qodobkani uu Adeegsaday xoog .. …….La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here