Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH — Q:1aad

0
78
Lawadaag Asxaabta...

XEERKA KUFSIGA IYO XADGUDUBYADA JINSIGA

(XEER Lr. 78/2018)

CUTUBKA KOOWAAD

QODOBADA GUUD

Qodobka 1aad

Erey Bixin

Haddii tuduca ay ku jiraan aanu micno kale siinayn, ereyada soo socda waxa ay yeelanayaan micnaha ku hor qoran:

“Qasbid” waxaa loola jeedaa cabsi gelin ama ku qasbid qof in uu galo ama ka qeyb qaato fal dambiyeed kufsi ama xad-gudub jinsi ah, tiiyoo loo isticmaalaayo xoog, cadaadis xagga maskaxda ama handadaad.

“Naafo” waxaa loola jeedaa qof jidh ama maskax ahaan dhiman.

“Koox Abaabulan” waxa loola jeedaa laba qof ama in ka badan oo isu abaabulay inay si wadajir ah u galaan ama u sameeyaan fal dambiyeed.

“Maandoorsoomidda/maandoorin” waxaa loola jeeda xaaladda uu qof ku lumiyo awoodda garashada sabab la xidhiidha cabid Khamri, qaadasho maandooriye ama walxo kale oo la dabeecad ah

“Fal jinsi (Sexual Act)” Waxaa loola jeedaa galmo, ama fal kale oo khuseeya, ku lug lahaansho, fal jinsi loo aanayn karo oo lagula kaco xubnaha taranka, dabada, afka ama qaybkale oo ka mid ah jidhka qofka.

“Galmooda/galmoodo” (Sexual Penetration) waxaa loola jeedaa gelitaanka xaddigey doontaba ha gaadhsiisnaato’e xubinta taranka ee qof ay gasho xubinta taranka, dabada ama afka qof kale.

“Qof aan awoodin in uu ogolaaansho bixiyo” waxa loola jeeddaa:

  1. b) Qof dhallaan ah oo ka yar 15 jir; ama
  2. t) Qof aan lahayn awood uu ku fahmo nuxurka iyo nooca falka galmada dhinnansho xaga maskaxda ah awgeed; ama
  3. j) Qof naafonimo jidheed darteed iska difaaci kari waayay eedeysanaha falka kula kacay; ama
  4. x) Qof la sakhraamiyay ama la maandooriyay; ama
  5. d) Qof hurda ama miyir la’; ama

Kh) Qof sharci darro loo xidhay/xabisay; ama

  1. r) Haddi cidda fal dambiyeedka kula kacday ama u gaysatay yahay qof ku tagrifaleymeeqaam aaminaad, awood ama madaxtinimo; ama
  2. s) qof lagu khiyaameeyeyey ama lagu qalday nooca falka galmo ama cidda uu lagalmoonayo.

“Waxyeello Jidheed (Bodiliy Harm)” waxaa loola jeeda Xanuun ama dhaawac u keenaayo caafimaad darro qof;

“Dhaawac” aan laga bogsoonaynin” waxa loola jeedaa dhaawac la gaadhsiiyay dhibanaha oo ay ka dhalato xanuun ama waxyeelo aan la daweyn karaynin; ama dareen ka oo luma ama xubin go’da, ama xubin ama waax naafawda; ama naafanimo xubinka ama awoodda taranka; ama hadalka oo la kari waayo ama ku adkaada, ama wajiga oo badalma ama fool xumaada;

“Dhaawac Culus’’ waxa loola jeedaa dhaawac la gaadhsiiyo dhibanaha oo dhaliya xanuun khatar galiya nolosha dhibanaha; ama xanuun ama caafimaad darro keenta in dhibanahu shaqayn kari waayo muddo ka badan laba bilood; ama in uu diciifo dareen ama xubin kale oo ka mid ah jidhka dhabanaha;

“Jidh-dil”(Torture) waxaa loola jeeda in si sharci darro ah loogu geysto qof xanuun culus oo dhimirka, dareenka ama jirka ah;

“Dhibbane” waxaa loola jeeda qofka dhaawac ama khasaare ay ka soo gaadhay fal dambiyeedka;

“Eedeysane” – waxaa loola jeeda qof lagu soo eedeeyay fal dambiyeed sida ku cad xeerkan;

“Qofka haya/ku tagri fala ama si qaldan u adeegsada xil, mas’uuliyad ama meeqaam aamineed” waxa loola jeedaa:

  1. b) Sarkaal dawladeed ama shaqaale dawladeed,
  2. t) Dhakhtar caafimaad, kal kaaliye caafimaad ama hawl-wadeen kale oo caafimaad, j) Samofale, Lataliye, ama u adeege bulsho oo kale,

x)Maamule, macalin ama hawlwadeen kale oo ka hawl gala goob wax barasho, ama Kh) Qof ah qaraabo ama shaqaale oo lagu aaminay ama igmaday xanaanaynta qof dhalaan ama naafo ah.

“Cudurada galamada la isgu gudbiyo” waxa loola jeeddaa xanuun ay dadku ku kala qaadaan ama isugu gudbiyaan galamada

“Aydhiska“Waxaaloola cudurka baab’iya unugyadda difaaca jirka (HIV/AIDS).

“Caruur” waxaa loola jeeda qof da’diisu ka yartahay 18 jir

“Xadhig Sharci darro ah” (unlawful detention) waxaa loola jeedaa in si shrci darro ah qof loo xiro am xorriydda looga qaado.

“Xarunta/maha Baahikoob” waxa loola jeedddaa xarumaha ka dhisan Cusbataalada dawladda ee Gobolada Soomaaliland ee u fidiya dadka loogaysto kufsi ama faldambiyeed xadgudub jinsi adeegyada caafimaad, dajinta ama caqli celinta iyo gargaar sharci ee ay u baahdaan, ee sidoo kalena ku sameeya dhibeneyaasha faldambiyeedyadan baadhista caafimaadeed ee lagama maarmaan ka u ah geedi socodka dambi baadhista dambiyada noocan ah.

“Wasaaradda”Waxa loola jeedaa hay’adda xukuumadda uga mas’uulka ah arimaha qoyska iyo haweenka.

“Wasiirka” Waxa loola jeeda madaxa hay’adda xukuumadda uga mas’uulka ah arimaha qoyska iyo haweenka.

Qodobka 2aad

Magaca Xeerka

Xeerkan waxaa lagu magacaabi doonaa “Xeerka Kufsiga iyo xadgudubyada Jinsiga ah”Xeer Lr.78/2018

Qodobka 3aad

Ujeedooyinka Xeerka

Ujeedooyinka Xeerkan waxay yihiin kuwan soo socda:-

(1) In la dajiyo xeer waafaqsan shareecada islaamka, dastuurka qaranka JSL, mabaadiida guud ee caddaalada, qiyamka iyo dhaqanka suuban ee umadu leedahay.

(2) In la xaqiijiyo in dhibeneyaasha kufsiga iyo fal dambiyeedyada kale ee jinsigu, iyo waliba markhaatiyadoodu helaan ilaalin iyo dhawrista ay ubaahan yihiin

(3) In la helo xeerar sahlaya ama saamaxaya in nidaamka maareynta iyo xalinta dambiyada kufsiga iyo xadgudubyada kale ee Jinsiga noqdaan mid haboon oo la isku halayn karo waafqsana xuquuqaha iyo xoriyaadka Dastuuriga ah ee cidda dhibanaha ah iyo eedeysanehaba.

….La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here