Wargeyska FOORE Kala Soco Taxanaha Xeerka Muranka Iyo Buuqu Ka Taagan Yahay Ee KUFSIGA IYO XAD-GUDUBYADA JINSIGA AH – – Q:10aad

0
32
Lawadaag Asxaabta...

Qodobka 39aad

Amarka Magdhawga

(1) Maxkamada, kasekow xukun ciqaabeed ay xukunto, waxa kale oo u bannaan in ay dambiilaha si waafaqsan Xeerkan loogu caddeyey dambiilenimo ku xukunto inuu dhibanaha siiyo magdhaw ku filan asagoo ku siinaya waqti macquul ah. Amarka magdhawgu waxa uu noqon karaa:

  1. b) Qarashka daawada iyo daaweynta maskaxda ah;
  2. t) Qiimaha daaweynta jismiga iyo shaqada, iyo dib u habeynta;
  3. j) Qiimaha bikiro jebinta iyo meher u dhigma haweenka iyada la mid ka ah
  4. x) Dhibanaha dakhligii ka lumay;

Kh) Qarashkii ku baxay qareenka iyo wixii kale kharash ah ee dhibanaha kaga baxay diyaarinta dacwadda iyo qeybgalka dhagaysiga dacwada oo ay ku jirto kharshaadka kaga baxay jiifka iyo safarka;

  1. d) Magdhawkhuseeya Dhawaca iyo xanuunka dhanka niyadda ee soo gaadhay;
  2. r) Khasaare lacageed ee kale ee soo gaaray dhibanaha

(2) Eedaysanaha hadii lagu waayo fal dembiyeedkaa lagusoo oogay waxa uu yeelanayaa magdhow waafaqsan shareecada islaamka iyo wixii khasaare kale ee soo gaadhay mudadi ay ku socotay dacwadu.

CUTUBKA SHANNAAD

QODOBO ISKU DHAFAN

Qodobka 40aad

Diiwaanka Dambiileyaasha Dambiyada Xadgudub Jinsiga

(1) Xeerkani wuxuu abuurayaa Diwaanka Dambilayaasha Xadgudub Galmo Jinsi (Sex Offender Registry) oo la galin laguna ururin doona xadgudubyada jinsi ee si waafaqsan Xeerkan loogu xukumay xukun ciqaabeed ka badan 4 sannadood oo xadhig ah. Haddii dambiilaha la xukumay uu yahay mid loo xukumay fal dambiyeed xadgudub jinsi oo uu ka galay qof carruur ama naafo ahna, faahfaahinta dambilahaasi waa in la galiyo diiwaanka iyadoo lagu cadaynayo dhamaan falka iyo xadhig ciqaabeedka lagu xukumay.

(2) Diiwaankan ku sheegay qodobka koowaad ee qodobkan waxaa ka masuul ah kaydintiisa iyo ilaalintiisaba Booliska Qaybta Dambi Baadhista (CID) waana in ay u samaysaa diwaankaa gaarka ah. Diwaankani la galin mayo eedaysanaha laakiin waxaa la galinayaa Dambiilaha uu dambigu maxkamad horteed kaga cadaado Lana xukumo.

(3) Hay’adaha ay khusayso, sharci fulinta iyo hay’adaha dawliga ah ee gudanaya waajibaad qaran oo kaliya ayaa la tusi karaa Diiwaanka dambiilesaaha xadgudub Jinsi waxaana lagu soo saarayaa xeer nimaamiyo uu wasiirku soo saaro oo hagaya sida loo kaydinayo xogta iyo cida arki karta, adeegsigiisa iyo cida loo gudbin karo xogta diiwaanka ku qoran marka loo baahdo.

Qodobka 41aad

Qorshe Siyaasad Qaran

(1) Wasaaradda waxa waajib ku ah in ay lix bilood gudahood kadib dhaqan galka Xeerkan ku diyaariso siyaasad qaran oo lagu hago hirgalinta iyo maamulida Xeerkan si loo hanto nidaam la aqbali karo oo si mideysan loogu maareynayo dhammaan dambiyada la xidhiidha Jinsiga iyo waliba badbaadada iyo daryeelka qofka dhibanaha ah.

(2) Qorsheha Siyaasadda Qaran waxaa lagu samayn doonaa dib u eegid iyo wax ka badal wakhtiga lagama maarmaan loo arko.

Qodobka 42aad

Guddiga Kormeerka Xadgudubyada Jinsiga

(1) Xeerkani waxa uu dhisayaa Guddi loogu yeedhayo Guddiga Kormeerka Xadgudubyada Jinsiga oo masuul ka ah maareynta arimaha la xidhiidha dambiyada galmo iyo meel marinta Xeerkan.

(2) Guddiga waxa guddoominaya Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; xubnaha Guddiduna waxay ka koobnaanayaan Wasiirka wasaaradan, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaaadka, Wasiirka Caddaaladda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyaha Ciidanak Booliiska, iyo wakiilo ka socda hay’adaha maxaliga ah, gaar ahaanna hay’adaha Haweeenka iyo kuwa kale ee maxaliga ah ee ka shageeya arimaha jinsiga (gender) iyo xad gudubyada jinsiga.

Qodobka 43aad

Waajibaadyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha Caddaalada ka Saaran Dhaqan

Galinta Xeekan

Si loo xaqiijiyo dhaqangalinta Xeerkan, hay’adaha dawliga ah ee soo socdaa waxa waajib ku ah in ay si dhakhso ah oo aan dib udhac lahayn u fuliyaan ama u gutaan hawsha halkan loogu xilsaaro:

(1) Wasaaradda Caafimaadku waa in ay xaqiijiso in cisbataalada dawladdu ay yeeshaan xirfadleyaal caafimaad oo ka hawlgala oo u tababaran una xilsaaran fulinta waajibaadyada iyo hawlaha hawlwadeenada caafimaadka ee Xeerkani dhigayo

(2) Guddiga Caddaalada ee Qaranka iyo Maxkamadda Sare waa in ay xaqiijiyaan in garsooreyaal u tababaran oo gaar u ah dacwadaha laxidhiidha dambiyada galmada loo xilsaaro dhageysiga iyo qaadista dacwadaha fal dambi galmo

(3) Xeer ilaaliyaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Booliisku waxa waajib ku ah mid kasta gaarkiisa in saraakiisha Booliiska iyo Xeer Ilaaliyeyaasha loo xilsaaro dacwadaha dambi galmadu ay yihiin kuwo u tabobaran una gaar ah maareynta iyo la tacaalidda dacwadaha    …..La Soco

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here