Wararkii Ugu Dambeeyey Kacdoonnada Kililka 5-aad, Diridhaba Oo Qaskii Gaadhay, Colaaddii Soomaalida Iyo Oromada Oo Baahday & Halka Uu Ku Dambeeyey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar

0
103
Lawadaag Asxaabta...

Diridhaba, August 06, 2018- (Foore)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in shaqaaqooyinkii dorraad ka bilaabmay Magaalada Jigjiga ee Caasimadda dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ku fiday Ismaamulka Magaalo ee Diridhaba oo ay taasina keentay in Soomaalida iyo Oromadu si weyn isgu dhacaan shaaracadana la is baacsado lana soo sheegayo dhimasho iyo dhaawac badan.

Wararka magaalada Diri-dhabe ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii dorraad ka dhacay Jigjiga ay halkaas ka qarxeen. Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana albaabada loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yidhaahdo suuqa Ashawa. Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad lagu magacaabo Xaafad Ciise oo ay Soomaalidu gaar u degto. Xaalad jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirtay shalay illaa xalay, iyadoo hadba dhinac la isu eryanayay inkasta oo markii dambe cutubyo ciidamada Federaalka ka tirsani magaalada so galeen oo xaaladda qaboojiyeen.

Dhallinyarada rabshadaha wadday ayaa ku hubaysnaa budhadh, baangado, faashash, middiyo IWM. Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo kan dadweynaha ayaa gebi ahaanba istaagay shalay halka ganacsigii albaabada loo laabay. Inkastoo uu khasaare dhimasho iyo dhaawacba ahi jiro, haddana wali lama hayo tiro sax ah oo sheegaysa dhimashada iyo dhaawaca.

Dhinaca kale Xaaladda Magaalo Madaxda Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay illaa xalay degganayd iyada oo ay xaalad bandaw u egi magaalada ka jirtay walina aan la ogayn sida xaal ku dambayn doono. Ciidamadii Federaalka ka socday ee darraad magaalada soo galay ayaa gudaha magaalada isaga baxay kuna sugnaa goobo magaalada ka baxsan oo ay saldhig ka samaysteen. Madaxweynaha Maamulka Kililka shanaad Cabdi Maxamuud Cumar (Ilay) ayaan si rasmi ah loo ogayn meesha uu ku sugan yahay inkasta oo qaar ka mid ah warbaahinta dawladda Itoobiya shaagayso in Cabdi Maxamuud Cumar ay ku hareeraysan yihiin Ciidamo ka tirsan Federaalka Itoobiya balse lama xaqiijin karo iyada oo warar kale sheegayaan in uu haysto ciidamadii Liyuu Booliska oo aad u tiro badan kuwaasi oo magaalada si walba u dhex qaadaya isagana goob aan la ogayn ku ilaalinaya.

Colaadda iyo kacdoonada dalka Itoobiya ka dhacaya ayaa sababay in ay kor u kacaan colaadda u dhaxaysa qawmiyadaha Oromada iyo Soomaalida iyada oo shalay meelo kala duwan lagu laayay dad Oromo ah. Magaalada Boosaaso ee Maamulka Puntland waxa badhatankeeda toorray qudha lagaga jaray nin Oromo ah halka deegaamo kale oo ka tirsan Kililka shanaad wali lagu baacsanayo dadka Itoobiyaanka ah ee kale gaar ahaan Oromada.

Dhinaca kale maamullada Canfarta iyo Tigreeda ayaa dhaliilsan talaaabada ciidamada Federaalku ka wadaan maamulka Soomaalida iyaga oo sheegay in xalka nabad galyo lagu dhammeeyo. Waxa sidoo kale jirta ciidamo dheeraad ah oo Federaalka Itoobiya ka socda oo ku so wajahan Kililka shanaad kuwaasi oo la sheegay in qaarkood u xil saaran yihiin in ay qabtaan Madaxweyne Cabdi Ilay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here