War Deg Deg Ah : Xoghayihii Guud Ee Xisbiga WADDANI Iyo Afhayeenkii Xisbigaasi Ee Xalay La Xidhay Oo La Sheegay In Jeelka MADHEERA Loo Gudbiyay.

0
105

Hargeysa(Foore) – Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa Xalay xabsiga dhigay afhayeenkii Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac iyo Xoghayihii Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi kadib howlgal ay ciidanku ka fuliyeen agagaar Xarunta Guud ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Arintan ayaa timid kadib banaan bax uu  ku baaqay in ay isugu soo baxaan  taageerayaashooda Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) .

Xiisad siyaasadeed iyo xaalad kacsanaan ah ayaa xalay illaa saaka laga dareemayaa magaalada Hargeysa, waxaana magaalada lagu dhax arkayaa ciidamo badan oo si weyn u xaqiijinaya amaanka.

Warar saaka aan helayno ayaa sheegaya in Masuuliyiintaasi Xalay la xidhay in islamarkiiba loo dhaadhiciyay jeelka weyn ee Mandheera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here